Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo tababar usoo xiray Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaraddaasi

Date:

Muqdisho (SONNA)   Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow, ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Dowladda ka warbixiyey qaar kamid shaqaalaha wasaaradaasi oo maanta tababar loogu soo gabagabeeyey  Magaaladda Muqdisho.

ku dhowaad 20 kamid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa soo loo gabagebeeyay tababbar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, Wasiir Saalim ayaana sheegay in ujjeedka tababarkaasi  uu yahay  siddii sare loogu qaadi lahaa  aqoonta Shaqaalaha wasaaradda, isagoo  Shaqaalaha ku adkeeyay in ay ku dadaalayaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda, isla markaana madaxda wasaaraddu arrintaas ku gacan siin doonaan.

Tababbarka ayaa shaqaalahan u socday muddo ku siman toddobaad, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayaynayo dhammaan shaqaalaha wasaaradda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...