Home Blog Page 152

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Kulamadan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarinta magaalooyinka dalka.

Intii uu socday kulanka Wasiirka iyo Danjiraha Talyaaniga, labada dhinac waxay si gaar ah uga wadahadleen dardargelinta mashruuca dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xarunta Gahayr, oo ah mid mudnaan gaar ah leh.

Dhanka kale, Wasiir Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa si diirran u soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Safiir Alper Aktaş ayaa isna dhankiisa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

Kulamadan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyey shirka heer wasiir ee ReSCo

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aaam, ahna Guddoomiyaha Ururka ReSCo oo ay ku mideysan yihiin 14 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa shir guddoomiyey Shirka heer wasiir ee Ururka ReSCo.

Shirkaas oo ay martigalisay Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muhiimad gaar ah lahaa, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada caafimaadka.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu falanqeeyey caqabadaha caafimaad ee ka jira gobolka, gaar ahaan kuwa ka dhasha cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka. Sidoo kale, shirka waxa uu ka hadlay sidii loo horumarin lahaa ammaanka caafimaadka, iyadoo xoogga la saaray iskaashiga xuduudaha dalalka xubnaha ka ah ReSCo. Waxaa lagu guuleystay in la aasaaso guddi hoosaadyo cusub oo ka shaqeynaya howlaha muhiimka ah ee ururka, kuwaas oo diiradda saaraya, Kobcinta iskaashiga dhanka ammaanka Caafimaadka ee xuduudaha, si looga hortago faafitaanka cudurrada halista, dhisidda hanaan mideysan oo lagu ogaado laguna xakameeyo cudurrada dilaaga ah iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka iyo xoojinta wadashaqeynta dalalka xubnaha ka ah ReSCo si loo gaaro horumar mideysan.

Soomaaliya ayaa hoggaaminaysay ReSCo saddexdii sano ee ugu dambeysay, iyadoo uu hoggaankaasi horseeday guullo la taaban karo oo dhanka iskaashiga caalamiga ah ah. Shirkan ayaa sidoo kale lagu qorsheynayaa in lagu doorto Guddoomiyaha cusub ee ururka, si uu ula wareego hoggaanka sanadaha soo socda.

Wasiirka Caafimaadka, Dr Cali Xaaji Aadam, ayaa bogaadiyay dadaalka muuqda ee ay dalalka xubnaha ah sameeyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo go’aan mideysan oo lagula tacaalayo caqabadaha caafimaadka ee gobolka. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay dalalka xubnaha ah inay sii wadaan iskaashiga iyo dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caafimaadka guud ee gobolka.

Wasiirka Amniga oo furay kulan looga hadlayo horumarinta booliska

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Lionel Laurens, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga Hagista ee Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah Marxaladdiisa Labaad (JPP II) oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dowlad goboleedyada, Taliye Ku-xigeenka Booliiska Federaalka, wakiillo ka socday Midowga Yurub (EU), Boqortooyada Ingiriiska (UK), howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), khubaro ku takhasustay dib-u-habaynta booliiska iyo saaxiibbo caalami ah oo muhiim ah.

Barnaamijka Booliiska Wadajirka ah oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo Safaaradda UK ee muqdisho ayaa ah hindise muhiim ah oo lagu dhisayo booliis xirfad leh, bulshada u adeegaya, kuna dhisan mabaadi’da sinnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada, gaar ahaan haweenka.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale xoogga saaraya kor u qaadidda adeegyada amniga iyo xoojinta sharciga dalka.

Ugu dambayn, guddiga hagista ayaa si rasmi ah u ansixiyay qorshaha shaqo iyo miisaaniyadda la cusbooneysiiyay ee sanadka 2025, taasoo astaan u ah horumar weyn oo laga gaaray dedaallada qaran ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga, iyadoo la adeegsanayo taageero isku-dhafan oo heer federaal iyo caalami ah.

Barnaamijka JPP ayaa weli ah tiir muhiim u ah dib-u-habaynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya, waxaana uu si buuxda ula jaanqaadayaa himillooyinka qaran ee xasilloonida, wada-shaqeynta federaalka iyo dhismaha nabad waarta.

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku dhisan yahay diintuna ay inna fartay, kaas oo dhanka kalena waafaqsan dhaqankeenna suubban ee ah wada tashiga.

Mudane, Xamsa oo furay maanta shirka gogosha wada-tashiga Qaran ayaa intaa ku daray in doorasho dadban aysan dan u ahayn Qaranka, qabiillada Soomaaliyeed iyo qof walba, maantana aynu haysanno fursad taariikhi ah oo aan kaga gudbi karno nidaamkaas hore, wuxuna sheegay in aysan jirin waddo aan ka ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xusay guulihii waaweynaa ee ay xukuumadda Dan-Qaran hirgalisay muddadii saddexda sano ahayd, sida cuna qabataynta hubka oo la qaaday, la dagaallanka khawaarijta, deyn cafinta, soo kabashada dhaqaalaha, booqashadii Laas-caanood iyo gogosha wada-tashi ee haatn fidsan si loo lafa guro xaaladda guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in tan keliya ee aynu dunida wax kula qaybsan karnaa waqooyi iyo koonfurba ay tahay midnimo.

Mudane, Saalax ayaa intaa ku daray in adkaynta gobannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ay ka muhiimsan yihiin wax walba, si aan u dhisno dowlad awood leh oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka.

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo uu shalay furay madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo berri oo Arbaco ah.

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay Khawaarijtu ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, ayaa u geeriyooday dhaawacyo oo ka soo gaaray howlgal qorshaysan oo Ciidanka Qalabka Sida horay ugu beegsadeen kuwaas oo markii dambe ku sababay xanuuno kale oo ku keenay inuu noqdo dhulyaal.

Dhiigyacabkan ayaa Khawaarijta uga biiray sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan darro ah oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.

Cabaas Hool wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qalabka Sida, kuwaas oo Sirdoonka Soomaaliya uu hayo xogtooda oo dhamaystiran.

Ma jirto meel ay uga baxsan karaan gacanta Ciidanka Qalabka Sida iyo cadaaladda, horjoogayaasha Khawaarijta ee caadaystay gummaadka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.

Madaxweynaha JFS mudane , Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay gogosha wadatashiga Qaran ee uu shalay ka daah-furay muqdisho ayaa intaa ku daray in ay tani tahay rabitaan shacab oo ah ballanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii xilka madaxtinimo u tartantay laga soo billaabo shirkii Carta 2000 ilaa 2022.

“Dhameystirka Dastuurka waa horutabin Qaran, rabitaan shacab iyo ballanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii xilka madaxtinimo u tartantay laga soo bilaabo shirkii Carta 2000 ilaa 2022″.

Madaxweynaa ayaa sheegay in haddii qof kale la dooran lahaana uu shaqada ugu horreyso ka dhigan lahaa dhammaystirka Dastuurka, taas oo ah ballan ay horay u qaadeen musharrixiinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan; adkaynta midnimada Qaranka, dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee dowladda ay ku bixisay hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah, kaas oo shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu dooranayaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon hannaankii doorashada dadban ee dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda doorashada.

“Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siinayno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowladdii ah ayaa raadinayna wadahadal iyo wadatashi, taas oo waagii hore laga la’aa hoggaanka dalka iyo dowladda. Albaabka wadatashiga iyo wadahadalku wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay inay ka qeybgasho dhismaha geeddi-socodka dowladnimo ee aynu hiigsaneyno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in saaxiibbada caalamiga ah ay Soomaaliya ka taageereen wixii karaankooda ah, hase yeeshee mas’uuliyadda dhammaystirka dowladnimada ay si gaar ah u saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla – waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,”

Dhankaooda, Madaxdii Hore ee Qaranka, masuuliyiin heer Federaal iyo Dowlad-goboleed, haldoorka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay madasha iyo culimada ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin hirgelinta aragti mideysan oo ku saleysan wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan dadaallada Dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, taas oo saldhig u noqota nabad, cadaalad iyo horumar waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

0

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha Wadatashiga Qaran ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay adkaynta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo dadka kala geynaya.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf Qaran, islamarkaana mucaarad iyo muxaafidna aysan dooneynin in dib loogu laabto doorasho dadban oo caqabado badan laga dhaxlay, isagoo xusay in madaxda su’aalaha ka qaba doorashada qof iyo cod ah lagu qancin doono wadahadal, si loo gaaro guul dhaxal-gal ah.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in beesha caalamku ay dadaal ku bixisay taageerada Soomaaliya, balse horumarinta dalku ay tahay mas’uuliyad u taal dadka Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu nasiiyay wixii aan kaga baahnayn, balse waxaa qabyo ah shaqo inaga inoo taalay, oo ahayd in dadka Soomaaliyeed mar hore ka gudbaan si aan u dhisanno dowladnimo dhammaystiran,” ayuu madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Gogosha wadatashiga Qaran waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda, siyaasiyiin dalka xilal hore uga soo qabtay, ururada siyaasadda, bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

0

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha arrimaha difaaca ee dalka Qatar Mudane Sucuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan aala tani.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimo badan oo la xiriira adkeynta iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo labada dal ka socda.

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

0

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid oo ka dhacay safaaradda Sucuudiga ee Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee labada dal sidoo kale waxa ay ka wada hadleen kordhinta dhoofinta xoolaha iyo waxsoo saarka Soomaaliya.

Soo jiidashada maalgelinta Sucuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha, fududeynta fiisooyinka ganacsatada iyo xiriirka ganacsiga labada dhinac ayaa sidoo kale kulanka lagu gorfeeyay.