Home Blog Page 153

Maxkamadda G/Banaadir oo bilaawday dhageysiga Eedeysanayaal loo heesto Tahriibiniyay Dadka

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof, kuwaasoo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay inay galeen dambiyo la xiriira tahriibinta, ka ganacsiga dadka, iyo dembiyo kale.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay xaafado kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu helay xogta ku saabsan shabakaddaan.

Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa inay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya, kuwaasoo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ee badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkoodii dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacdadaas, iyadoo sidoo kale soo celisay dhallinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyada waddamo kala duwan.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qeybisay qoysas ku dhaqan gobolka Shabeellada hoose 

0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa si guul leh ugu gudbisay deeq isugu jirta raashin iyo dhar 6,000 qoys oo ku nool deegaanka Tawakal, oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Deeqdan waxaa loogu tala galay in lagu caawiyo qoysaska danyarta ah iyo naafada ee ku sugan xaalado adag.

Qoysaskani oo si gaar ah ugu baahan gargaarka ayaa muujiyay mahadnaq weyn oo ay u soo jeediyeen Hay’adda SoDMA. Waxay ka codsadeen in gargaarka la sii labo jibaarto, gaar ahaan iyadoo la eegayo in bisha barakaysan ee Ramadaan ay soo dhowdahay, taasoo ka dhigeysa baahida gargaarka mid aad u sii kordhaysa.

Hay’adda SoDMA ayaa ku howlan in ay sii wadato taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool deegaanada ay musiibooyinka saameeyeen, iyadoo la tixgelinayo baahida sare ee gargaarka bisha Ramadaan. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda iyo hay’adaha gargaarka si loo yareeyo saameynta abaarta iyo dhibaatooyinka ka dhashay xaaladaha cimilada ee dalka.

Lataliyaha Amniga Qaranka oo ka warbixiyay qorshaha howlgalka cusub ee Ciidanka AUSSOM

0

Lataliyaha amniga Qaranka mudane Xuseen Macallin Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha howlgalka cusub ee Ciidanka AUSSOM oo dhawaan si rasmi ah u billaabanaya.

Howlgalkan oo ay qayb ka yihiin waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha ayuu sheegay in ay howlgallada ka socda dalka ku hoggaamin doonta dowladda Soomaaliya.

Lataliyaha oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Xuseen Macallin Maxamuud lataliyaha amniga Qaranka ayaa xusay in sanadaha soo socda uu qorshuhu yahay in Ciidanka xoogga dalka uu helo aalado ciidan oo dhamaystiran, si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee caqabadda ku ah dowlad dhiska Soomaaliya.

SoDMA iyo Wasaaradaha gargaarka oo ansixiyey qorshayaasha ka soo ka bashada dhibaatooyinka

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) oo kaashanaysa Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, iyo Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), ayaa ansixiyey qorshayaal wax-ku-ool ah oo ku aaddan mashruuca ka soo kabashada dhibaatada Soomaaliya (SCRP), oo uu taageero ka helayo Bangiga Adduunka.

Kulanka ansixinta ayaa isku keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo NGO-yada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Waxaana la meelmariyay shan dukumeenti muhiim ah, kuwaas oo lagu hagaajinayo nidaamka maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loogu diyaar garoobi lahaa ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka jirta Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Dukumeentiyada la ansixiyey waxaa ka mid ah:

➤ Qaab-dhismeedka nidaaminta

➤ Tilmaamaha Maareynta Masiibooyinka

➤ Hababka Hawleed ee Caadiga ah

➤ Qorsheyaasha Digniinta Hore

➤ Ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Qorshayaashan ayaa muhiim u ah xoojinta nidaamka ka jawaabista musiibooyinka ee dalka, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo xoojin lahaa jawaab celinta xaaladaha degdegga ah ee ka jira labadaas dowlad goboleed.

Ciidanka Qaranka iyo AFRICOM oo Duqeyn ku Naafeeyay Khawaarijta

0

Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howlgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa iskaashanaya si ay u fuliyaan howlgal duqeyn ah oo lagu naafeeyay cadowga argagixisada ee maanta ku hungoobay weerar ka dhacay degmada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka, ayaa lala beegsaday firxadka maaleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu jabiyay dagaalkii maanta ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Wali waxaa socota qiimeynta khasaaraha gaaray cadowga, oo aad loogu naafeeyay dagaalkii maanta, waxaana dadweynaha Soomaaliyeed la socodsiin doonaa wixii ka soo kordha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Howlgalka AFRICOM ee Mareykanka, ayaa ka go’an xoojinta iskaashiga lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta oo cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

 

 

Taliye ku xigeenka Boliiska Soomaaliyeed oo bogaadiyay guddiga farsamada xiriirka arrimaha xasillinta

0

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa bogaadiyay shaqada guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasillinta kadib kulan ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta gaar ahaan dedaallada ay wadaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo xusay in si gaar ah ay talisku u dhiiragelinayaan ciidanka jooga furimaha.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta iyada oo ugu horeyn guddoomiyaha guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsigooda, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlaha amniga, howlaha booliiska ee xasliinta iyo wax qabadka guddiga muddadii uu jiray.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Wasiirka Tamarta ee dalkaas mudane Saad Sherida al-Kaabi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga arrimaha tamarta.

Iskaashiga arrimaha tamarta ayaa dhabbaha u xaaraya mustaqbalka horumar waara oo ay Soomaaliya uga faa’iideysato tamarta cagaaran.

 

 

 

 

 

 

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐞𝐲

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furey Shirka Sanadlaha ah ee qiimeynta iyi dib u eegista Caafimaadka dalka oo socon doona muddo sedax cisho ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Mohamed Hassan Bullaale, Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle, Saadaq Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Axmed Maxamuud, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin ka socdey Wasaaradda Qorsheynta XFS, xubno sare oo ka socdey dowlad goboleedyada, Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Bangiga aduunka, GFF iyo marti sharaf kale.

Kulankan sanad laha ah waa kulankii ugu horreeyey ee noocan ah la qabto waxaana lagu lafa guri doonaa in howlaha Caafimaadka ee ka socda dalka caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xal waara iyadoo laga sii fakarayo ajandayaasha Caafimaadka ee dalkeen kaas oo la jaan qaadayo qorshaha Isbedalka Qaranka ee NTP, si loo helo Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goob kasta.

 

 

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka lana hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya dadaal dheer ka dib ay ku guuleysatay in laga nadiifiyo lacagihii dalka lagu lahaa. Waxaa uu sheegay in bixinta lacagta oo laga dhiibay sanduuqa Soomaaliya ay iska kaashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, taasi dadaal dheeraad ah galiyey.

Waxaa uu intaasi ku daray arintaan ay kaalin ka qaadaneyso Diblomaasidda xooggan ee Dowladda Soomaaliya ku wajahday siyaasaddaha gudaha iyo Dibadda. Sidoo kale, waxaa uu amaanay doorka Dowladda ay qaadatay 3-dii sano ee la soo dhaafay ee ku aadanaa in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleysteen in dhul baaxdan weyn ay gacanta kaga dhigeen kooxda Khawaarijta, taasi oo sahashay in dalku ku talaabsado guullo is daba joog ah.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladaha aanan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.

Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Teknolojiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga ka socday Saldanadda Cummaan horumarrada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, kuwaas oo faa’iido u leh labada dalba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Saldanadda Cummaan Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.