Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan, oo ka qeybgalaya Shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa bogaadiyay xiriirka walaaltinimo ee xooggan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay taageersantahay dowladda Yemen, carabaabayna muhiimadda ay leedahay midnimada, xasilloonida, iyo amniga Yemen, iyo sidoo kale dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen ayaa ka hadlay xiriirka labo geesoodka ee salka adag iyo dadaalka uu ku bixin doono kor-u-qaadidda iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeegaya danaha labada dal ee walaalaha ah, isaga oo cadeeyay in Yemen ay taageersantahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo dadaalka ay ugu jirto xaqiijinta amniga, horumarka, iyo la dagaalanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla gartay baahida loo qabo in la helo isku xirnaan dhow si looga hortago caqabadaha halista ku ah xasilloonida iyo amniga labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...