Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Date:

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay kusoo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Afgooye, kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Horjooge qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, halka xubinta labaad uu ka tirsanaa waaxda waxa ay ugu yeeraan amniyaadka, isaga oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidamada dowladda iyo qorsheynta dilalka qarsoon.

Qabashada Horjoogahan Khawaarijta u qaabilsanaa lacagaha baadda ah, waxay daba socotaa digniin rasmi ah oo Hay’adda NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in uruurinta iyo bixinta lacagahaasi ay tahay maalgelin argagixiso oo ka dhan ah sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed, waxaa mar kale ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayaa in ay bixiyaan lacago lagu maalgalinayo Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay xasuusineysaa shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an ciribtirka Khawaarijta halista ku ah amniga qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...