Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa fiidnimadii caawa kula kulmay magaalada Dooxa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Waleed bin Abdulkarim bin Mohamed El-Khereiji, oo ka qeybgalaya Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Intii kulanka lagu gudo-jiray, ayaa labada dhinac waxa ay is-dhaafsadeen aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimad wadaagga ah leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...