Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magaalada Laascaanood kulan kula yeeshay qayb ka mid ah ururada haweenka ee SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Diiwaangelinta guud ee codbixiyeyaasha SSC-Khaatumo iyo Kobcinta doorka haweenka ee ka qaybgalka doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee goleyaasha deegaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamuud Jaamac Banaf ayaa tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ka qaybgalkooda doorashada uu muhiim u yahay horumarka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska SSC-Khaatumo, Waxaa kale oo uu sheegay Guddigu diyaar u yahay inuu si buuxda u taageero haweenka doonaya inay ka mid noqdaan liiska codbixiyeyaasha iyo musharraxiinta doorashooyinka.

Dhankooda, haweenkii ka socday bulshada rayidka ah ayaa soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo baahiyo la xiriira fududeynta helitaanka warbixin, kor u qaadidda wacyigelinta haweenka iyo samaynta barnaamijyo loogu diyaarinayo doorashooyinka deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...