Home Blog Page 151

Wasiirka Qoyska XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee ku soo dhaawacmay Hawlgallada

0

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee kusoo dhaawacmay Hawlgallada

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay caawa ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, go’yaal Iyo bustayaal ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Xoogga waxaana Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada ay sheegtay in geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo diintooda ay wax walba mudan yihiin ayadoo caafimaad Alle uga rajeysay.

Tallaabadan ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi deeqaha ugu qeybisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo caawa socodka ay ku wehliyeen Wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha Guddoomiye u ah.

 

Qabashada doorashada kuraasta ka bannaan golaha Shacabka oo la iclaamiyay

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa iclaamiyey doorashada kuraasta GSH#248 iyo GSH#049, oo ka tirsan Golaha Shacabka, taasi oo 6-da ilaa 8-da bishaan ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

Tartamayaasha Marka oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Marka iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Marka iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Marka

Tartameyaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Marka ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga ee labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag.

Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa fududeynta xaqa xog helista dadweynaha

0

Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ka qeyb galaya 35-xubnood oo ka kala socda Hay’addaha Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ah, inta uu socday waxaa ka qeyb galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag ku saabsan fududeynta ee Fududeynta xog helista Dadweynaha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray tababarka ayaa uga mahceliyay ka qeyb galayaasha sida ay isula falgaleen intii uu socday aqoon isweydaarsiga, isagoo oo sheegay in Wasaaraddu xoojin doonto kulamada iyo aqoon isweydaarsiyada ku aaddan iskaashida Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka si’ kor loogu qaado fududeynta xog helista iyo wacyigalinta dadweynaha.

Burhaan Diini Faarax Agaasimaah Idaacadda Kulmiye ahna madaxa Warbaahinta Daladda Warbaahinta SOMA iyo Eng. Nuur Sh Cali oo ku hadlay Afka xubnihii Warbaahinta ee ka qeyb galay Aqoon Isweydaarsiga ayaa uga mahadceliyeey Wasaaradda Warfaafinta qabashada aqoon isweydaarsigaa oo muhiim u ah fududeyn xog helista Warbaahinta iyo Bulshada.

Gabagabada Aqoon Isweydaarsiga oo uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS ) ka taageeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Ka qeyb galayaashii tababarka ka faa’iidaystay labadii maalmood ee uu socday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dedaaladda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo Bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta iyo dowlad wanaagga.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐟𝐚𝐚’𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐞𝐲𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Olole Balaaran oo lagu baarayo xaalada Caafimaad qabka Afka iyo Ilkaha Ardayda Dhigata Dugsiga Sare ee Howlwadaag ugu Sameysay magaalada Muqdisho.

Waxaana Baaritaan kan Caafimaad loo sameeyay Arday Gaareysa 160 Arday ku waa oo isagu jiray Gabdho iyo Wiilal, waxayna Ardaydan 60 ka mid ah qabeen xanuunada Ilkaha, waxaa 27 kalena laga helay xanuunada ciridka iyagoo ay jiraan ku dhowaad 10 kale oo qaba isku jir labadaas xanuun.

Olalahan ayaa horudhac u ah Wacyi-gelinta Bulshada si ay uga hortagaan xanuunada ku dhaca Afka iyo Ilkaha kuna baraarug sanaadaan dhibaatooyinka ka dhalan kara Caafimaad darada iyo Daryeel la’aanta Afka iyo Ilkaha ku waa oo sababi kara xanuuno badan.

La-taliyaha Amniga Qaranka: Dowladdu waxay dejisay qorsheyaal lagu wiiqayo khawaarijta

0

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii guulaystay ee dowladdu ku wiiqday dhagartii Khawaarijta,la-taliyaha oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Dowladda dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon oo looga hor tegayo laguna wiiqayo Khawaarijta.

Ugu horayn la-taliyaha ayaa xusay in Dowladdu hadafka koowaad ka dhigatay in furimaha dagaalka lagu jabiyo khawaarijta taas oo si weyn loogu guulaystay lagana saaray dhamaan meelihii khawaarijtu ku gaban jirtay kana soo abaabuli jireen dhagaraha ay ku waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee khawaarijta,iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo khawaarintu isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.

Dhinaca kale Mudane Xuseen Macallin la-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu sheegay in dowladdu gaarsiisay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen Shacabka ku nool goobihii laga xorreeyey khawaarijta,adeegyadaas oo ka mid yihiin caafimaadka,Waxbarashadda iyo in dib loo hawlgeliyo ceelashii biyaha oo ay hore u dumiyeen kooxaha Khawaarijtu.

Ugu dambayn wuxuu la taliyaha Amniga Qaranku caddeeyey in dhamaan la xiray barihii Warbaahinta ee khawaarijtu ku faafin jireen been abuurka iyo afkaarta gurracan ee ku dhagraan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan,

Madaxweynaha ayaa hambalyo gaar ah u diray geesiyaasha Ciidanka qaranka ee guusha weyn ka soo hooyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Dowladda si dalka looga xorreeyo khawaarijta gabaadka ka dhigatay meelaha koob kooban “Walaalayaal waxaa la idinka rabaa in aad dowladda ku garab siisaan dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ku habsatay 18-kii sano ee lasoo dhaafay.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan sidoo kalena caawiyaan kuwooda tabaalaysan ee u baahan garab istaaga oo gacmaha is qabsadaan si loo gaaro Soomaaliya Barwaaqo ah dunidana la tartanta.

Wasiirka Warfaafinta oo furay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka

0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qeyb galayaan tartamayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa Gobolada Dalka,munaasabada furitaanka ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Wasiir Dowlaha wasaaradda Waxbarashadda XFS,ganacsato iyo masuuliyiin kala duwan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir oo goobta furitaanka ka hadlay ayaa yiri“Tartamayaasha Degmooyinka Gobolka Baandir waxaa looga fadhiyaa sanadkaan inay ka guulaystaan kuwa kale ee Gobolada dalka ka soo tartamaya.”

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada XFS Marwo Nuura Mustafe ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin furitaanka tartankan”ka wasaarad ahaan waxaa farxad inoo ah inaan goob joog ka ahaano furitaanka tartankaan oo ku salaysan aqoonta iyo xifaaltanka tartamayaasha degmooyinka Dalka.”

Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood

0

Natiijada kulanka xalay ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo u dhexeeyey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir iyo Degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa tartanka badisay degmada Heliwaa.

Degmada Heliwaa waxay ku guuleystay 14 dhibcood oo ay kaga badisay dhiggeeda degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo la timid 6 dhibcood.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geerida Dr Maxamed Yuusuf 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Maxamed uu door weyn ka soo qaatay samatabixinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Dr Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee bahda caafimaadka, waxa uuna waqtigiisa si mutadawacnima ah ugu bixin jiray badqabka caafimaad ee bulshada iyo soo saaridda jiilal u leylisay xirfadda Caafimaadka oo khibrad iyo aqoon wanaagsan u leh, si ay dadka iyo dalka ugu adeegaan.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee NHPC ayaa xilliyo adag u soo adeegay dadkiisa, ilaa maantana waxa uu u taagnaa sidii uu dalkiisa u gaarsiin lahaa horumar Caafimaad oo waara, isaga oo ku xeeldheera culuumta caafimaadka, hagidda xirfadleyaasha iyo hoggaamintooda”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey marxuumka in hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda xirfadleyaasha caafimaadka, dhaqaatiirta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.