Home Blog Page 151

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil.

Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagan tahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

Xuska toddobaadka xoriyadda oo si rasmi ah u bilowday

0

Waxa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilowday xuska maalmaha toddobaadka xoriyadda iyadoo dabaal degyadii ugu horeeyey shalay lagu qabtay degmooyinka gobolka Banaadir,dabaal degyadan ayaa socon doona mudo toddobaad ah si joogto ah.

Masuuliyiin ka mid ah xubnaha Guddiga qaban qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa shalay uga qayb galay isu soo baxyo dabaal deg ah oo lagu qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Xamarweyne halkaas oo dadweynuhu isugu soo baxeen iyadoo dadweynaha shucuurtoodu ahayd mid ay ku dheehan tahay farxad ay ku muujinayaan soo dhowaynta maalmaha xoriyadda.

Kooxaha fanka ee kala ah Onkod iyo Heegan ayaa shalay si weyn uga dhex muuqday fagaareyaashii lagu soo bandhigayey dabaal dega maalmaha xoriyadda.

Maalmaha xoriyadda ayaa sannadkan si weyn looga xusi doonaa deegaanadii laga xorreeyey kooxaha khawaarijta,deegaanadan laga xorreeyey khawaarijta ayaa mudo dheer ka dib helaya neecaw xoriyaddeed tan oo ku timid dagaalka dowladda Soomaaliya dib ugu xoraysay deegaanadaas.

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursiga HOP058 ee BJFS

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Juun 2025, waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib-u-buuxinta kursiga HOP058 ee ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashadan oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada gole ee dowladda, bulshada rayidka ah iyo ergada beesha leh kursiga, ayaa musharrax Ismaaciil Warsame Faarax uu tanaasulay.

Ergada doorashada ee kursiga HOP058 waxaa soo xaadiray 101 ergo. Doorashadu waxay ku dhacday si xasiloon, waxaana cod gacan-taag ah ku guuleystay musharrax Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 cod, halka 3 qof ay ka aamuseen.

Cabdi Caddow Maxamed oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna shahaadada Xildhibaanimo si rasmi ah ugu guddoonsiiyay Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo casho sharaf u sameeyay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo ka qeyb galay gogoshii Wadatashiga Qaran ee maanta kusoo gaba-gabowday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Xisbiyada ka qeyb-galka kulanka wadatashiga iyo talooyinkii ay ku biiriyeen arrimaha dowlad-dhiska, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu xusay sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siineyso dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha ay qabaan qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, masuuliyiinta Xisbiyada Puntland ayaa bogaadiyay gogosha wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ballanqaaday in ay dowladda ku garab siinayaan dadaallada ku aaddan dhismaha dowladnimo dhab ah oo loo dhan yahay.

Madaxweynaha JFS oo soo xiray gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin hore, ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey dhammaan masuuliyiinta iyo madaxda ka soo qeybgalay Madashan masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, iyagoo aragtidooda ku biiriyey dowlad-dhiska, xasilloonida iyo horumarka dalka.

“Dadka Soomaaliyeed ee wax kuleh masiirka dalkeena ee ka soo qeybgalay Gogoshan Wadatashiga Qaran waa Danjirayaal Soomaaliyeed u idman in ay baahiyaan farriinta nabadda, wadajirka iyo wadahadalka. Codkiinna iyo taladiina wax ku ool-ka ah wax weyn ayay ka beddeli karaan hannaanka siyaasadeed ee dalka”.

Madaxweynuha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxdii hore ee dalka in ay ka dhabeeyaan ballanqaadyadii ay hore u sameeyeen ee ku saabsan dhameystirka Dastuurka iyo hirgelinta doorashada tooska ah ee ay naawaliyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in albaabbada wadahadalku ay mar walba u furan yihiin dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaybaha kale ee bulshada.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo hambalyo ah u dirtay ardayda dugsiyada Sare ee dalka oo dhammeystay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Nuuro Mustaf Mukhtaar, “Waxaan idin kugu hambalyeeynaa dhammaadka imtixaanka, waxaan alle idinkaga rajeynaa inaad heshaan natiijooyin aad ku faraxdaan.”

Marwo Nuuro ayaa sheegtay in ay la wadaagto farxadda ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta, iyadoo ugu hambalyeysay dadaalkii ay muujiyeen muddadii imtixaanka. Waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo waxbarashada si ay u noqdaan kuwo hoggaamiya mustaqbalka dalka.

Wasiiradda ayaa ardayda u rajeysay natiijooyin wanaagsan, waxayna ku boorrisay in aysan hakad gelin dadaalkooda waxbarasho, maadaama ay tahay furaha horumarka noloshooda iyo dalka guud ahaan.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay dadaal ugu jirto in la horumariyo nidaamka waxbarashada dalka, si loo gaaro tayo iyo sinnaanta helitaanka waxbarasho.

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay Muqdisho Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha, ururrada Siyaasadda ee Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Kulan weynahan isbarashada iyo kala warqaadashada ahaa, waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta ururrada Siyaasadda Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland, iyaga oo ka hadlay ahmiyadda in doorashada dadban laga guuro oo lagu tartamo doorasho toos ah, hufan oo xor iyp xalaal ah, iyaga oo ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda Cali Xoosh shaqada laga qabtay xeerarka doorashada iyo guddigii ka dhashay oo maanta shaqeeya halka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ay ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa isna ka hadlay ururrada Siyaasadda ee ay diiwaangeliyeen, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee socota iyo heerka diyaargarowga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh waxaa uu bogaadiyey doorka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha iyo xisbiyada ka jira Puntland isaga oo intaa raaciyey in ururadda iyo xidbiyada ay ka wada shaqeeyaan wacyigelinta, marna ay tartamaan.

Waxuuna hoosta ka xariiqay in Doorashada toosan aan laga laabaneyn, taasi oo ah doorasho dadka dhexdiisa wax kasoo baxaan oo dadku noqdaan mid wax doorto ama la doorto oo ay kusoo baxaan dad haldoor ah.

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hadal ka jeediyay munaasabad ama kulan looga hadlayay lagu soo bandhigayay dareenka dhibanayaasha Khawaarijta oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si qoto dheer loogu muujiyay kaalinta shacabka ee amniga magaalooyinka.Wuxuu tilmaamay in heerka amni ee magaalooyinka Soomaaliyeed uu si toos ah ugu xiran yahay sida shacabka magaalo kasta u qaateen masuuliyadda ilaalinta amniga, iyo sida ay ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Qoraalkiisa wuxuu xambaarsan yahay fariin muhiim ah oo ah in amniga aan lagu sugin kaliya ciidamada dowladda, balse uu yahay waajibaad wadajir ah oo ay bulshada iyo dowladda iska kaashadaan. Wuxuu tusaale u soo qaatay magaalooyin ay shacabka si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, taasoo keentay in falalka amni darrada ah ay aad u yaraadaan.

Ujeedka hadalka Wasiirka wuxuu ahaa in uu dhiirrigeliyo doorka shacabka ee sugidda nabadda, isla markaana uu xasuusiyo bulshada in haddii ay muujiyaan midnimo, feejignaan, iyo wada-shaqeyn, ay suuragal tahay in magaalo kasta oo Soomaaliyeed noqoto mid nabdoon, horumarna leh.

Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhiseysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, balse aysan faragelin doonin shaqadiisa.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay soo dhaweynta loo sameynayay Urrada siyaasadda ee ka diwaan galshan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku qabtay Muqdisho, isaga oo si cad u sheegay in guddigan uu yahay mid madax-bannaan, loona xil saaray qabashada doorashooyin hufan, cadaalad ah oo waafaqsan dastuurka dalka iyo qawaaniinta u yaalla.

“Guddiga Doorashooyinka Qaranka wuxuu leeyahay madax-bannaani buuxda. Dowladdu waxay kaliya ka caawin kartaa dhanka amniga iyo dhaqaalaha haddii loo baahdo, balse ma faragelinayso shaqada guddiga,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sidoo kale xusay in isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si wanaagsan uga socoto qaybo badan oo ka mid ah dalka, isla markaana la doonayo in dhammaan qeybaha bulshada ay si siman uga qayb qaataan geedi socodka dimuqraadiyadda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalku isu diyaarinayo marxalado doorasho oo muhiim ah, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Turkiga

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Kulamadan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda iyo Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarinta magaalooyinka dalka.

Intii uu socday kulanka Wasiirka iyo Danjiraha Talyaaniga, labada dhinac waxay si gaar ah uga wadahadleen dardargelinta mashruuca dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xarunta Gahayr, oo ah mid mudnaan gaar ah leh.

Dhanka kale, Wasiir Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa si diirran u soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Safiir Alper Aktaş ayaa isna dhankiisa caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

Kulamadan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo dadaallada horumarineed.