Home Blog Page 1499

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay wasiirrada cusub ee maamulkaasi

0

Kulankan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Puntlnd waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland kaasi oo baarlamanku ka codsaday in si duuduub ah u ansixiyaan Wasiiradda.

Kalsooni siinta Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa ay u dhacday qaab  gacan tag ah kadib markii ay xildhibaanadu isku raaceen in gacan tag laga dhigo.

Ilaa 63 xildhiban ayaa soo xaadiray kulanka, 61 kamid ah ayaa ogolaatay 2 ayaa ka aamustay  sidaasi ayay Golaha wasiirada Puntland ay ansax ku noqdeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqey natiijada ansixinta Wasiirad.

“Waxaa kulanka goob jog ah 63, waxaa ogolaatay oo haa ugu codeysay Wasiirada 61 mudane 2 way ka aamuseen, sidaasi daraadeed,waa ansax Xukuumaddu waxaan leenahay waajibaadkeeda ha gudato”, sidaasi ayaa waxaa ku dhawaaqey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Xubnaha Golaha wasiirada uu dhawaan soo magacabaay Madaxweyne C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa gaaraya ilaa 50 oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal.

Markay Taariikhdu ahayd 18kii Bishii July ee tagtay ee sanadkan ayaa Baarlamaanka Puntland codkii kalsoonida uu kala noqday Golihii Wasiirada kadib markii ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, laguna ansixiyey Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyadda iyo kan Xakameynta Hubka Wax Dila

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyadda iyo kan Xakameynta Hubka wax Dila iyo warbixinno ku aaddan maxaabiista India, diyaarinta Heshiiska Xaquuqda caruurta iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa laga dhageystay warbixin ku aaddan socdaal uu isaga iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku tageen dalka India oo Soomaaliya iyo India ay ku soo kala saxiixdeen Heshiis ku aaddan is-weydaarsiga maxaabiista. 118 dhalinyaro oo loo heysto danbiyada burcad-badeednimo ayaa marka la xukumo heli doona fursad dalkooda dib loogu soo celiyo.

Wasiirka ayaa sheegay inay dowladda India ka aqbashay codsi ku aaddan in visaha India laga bixiyo Muqdisho oo shacabka Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho ama caafimaad u aadaan India loo sahlo dal-ku-galkooda. Dowlada India ayaa ballanqaaday inay xafiiskeeda dal-ku-galka u soo wareejin doonto Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda oo uu wasiirka Maaliyada soo gudbiyey.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo flanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila oo uu wasiirka Amniga soo gudibiyey.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyo kale oo uu ka mid ahaa kan La dagaalanka Argagaxisada oo golaha ay daraasad iyo akhrin ku soo sameynayaan si loo ansixiyo kulamada kale.

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay diyaarinta bilowga heshiiska Xaquuqda Carruurta oo meel fiican maraya iyo horumarka wajiga labaad ee dhisida Guddiga Madaxbannaan ee Xaquuqul Insaanka oo la xayeysiiyey looguna baaqay cid walba oo daneyneysa inay araajidooda soo gudbiyaan ka hor 2da September 2017ka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ka warbixiyey safar uu ku tagay dalalka Mauritius iyo Sudan oo lagu horumarinayey waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhismaha guddiga hubinta shahaadooyinka dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanadkii 3aad lagu guuleystay in la ciribtiro cudurka dabeysha tanoo ah guul weyn oo weliba wadamo badan oo ka dhaqaale badan kana amni badan ay ku guuldareysteen, halka 3dii sano ee ugu danbeysey aan Soomaaliya lagu arag cudurkan dabeysha.

Wasaaradda Dastuurka oo kulan ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka ku qabatay Muqdisho

0

Wasaaradda Dastuurka ayaa kulan ku saabsan dib u eegista Dastuurka u qabatay xubno ka socday maamulgoboleedyada iyo qeybaha bulshada.

kulankan oo socday muddo Afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray habka bulshada Soomaaliyeed lagu fahamsiin karo ahmiyadda Dastuurka si aragtiyo ay ugu yeeshaan dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo ay ku howlantahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Xubnaha kala matalayey dowlad goboleedyada dalka iyo Bulshada Rayidka ah ayaa wasaaradda Arrimaha dastuurka la wadaagay talooyin sahlaya in si fudud bulshada lagu gaarsiiyo Dastuurka, iyada oo arintaasi ay ka wada qeyb galayaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida uu sheegay Agaasimaha wasaaradda Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Dhinacyada ka qeyb galay kulankaasi ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in laga qeybgeliyo la tashiyada ku saabsan dib u eegista Dastuurka Talooyinkoodana la dhageysto, si guul loo gaarana iyana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in wadatashiyadani ay sahli kartaan ka gun gaaridda dadaalada iminka socda ee bulshada lagu gaarsiinayo Dastuurka dalka.

Uhuru Kenyatta oo weli ku horeeyo doorashad Kenya

0

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata ayaa lagu soo waramayaa in weli uu ku horeeyo tirinta codadka la dhiibtay ee doorashadii ka dhacday dalkaasi Kenya ayadoo goobo hor leh codadka la tiriyay ay wararku sheegayaan in Kenyaata uu weli horeeyo.

Dhinaca kale hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay  in hanaanka combuuterada guddigaasi loo dhacay si codadla loogu shubo madaxweyne Uhuru Kenyatta taasi oo ay wax kamajiraan uu ku tilmaamay guddiga doorashadaasi.

Guddiga doorashada ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Mar sii horeysey musharaxa isbahaysiga NASA Raila Odinga ayaa diidey natiijada horudhaca ah ee muujineysa in Uhuru Kenya uu ku horeeyo 54% codadka oo la tiriyey 91% boqolkiiba.

Musharaxa madaxwaynanimada ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray oo diiday natiijooyiinka hordhaca ah oo muujinaya in si wayn uu ugu horeeyo, madaxwaayne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga ayaa saxaafadda u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay”mid been abuur ah”,sababtoo ah buu yiri lama keenin dikumiintiyo cadaynaya natiijada.

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in boqolkiiba 91 Mr Kenyatta uu ku hogaminayo 54.5 boqolkiiba, halka Mr Odinga uu haysto boqolkiiba 44.6.Dad badan ayaa ka cabsi qaba in ay dalka ka dhacaan rabshado la mid ah kuwii ak dhacay 10 sano ka hor.

Kormeerayaasha caalamiga ah ee kusugan dalka Kenya ayaa rajo ka muujinaya in doorashadaasi ay u dhacday qaab cadaalada ah sida uu horey u balanqaaday guddiga doorasho.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Switzerland

0

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Axmed Aaden Jimcaale Koofi oo howlo shaqo u jooga dalka Switzerland iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Marwo Faadumo ayaa kulan la qaatey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arimaha dibadda iyo laanta socdaalka ee Wadankaasi..

Kulanka oo ka dhacey Magaalada Bern ee caasimadda Wadanka Switzerland ayaa ku saabsanaa hagaajinta xariirka labada Dal ee dhinacyada socdaalka iyo baasaboorka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya wuxuuna ka warbixiyey arrimaha socdaalka iyo baasaboorka ee Soomaaliya , isaga oo ka jawaabey su’aalo dhinaca Switzerland ay ka qabeen baasaboorka Soomaaliya.

Saraakiisha mataleysey Switzerland ayaa balan qaadey in ay si dhab ah oo deg deg ah uga shaqeyn doonaan qodobada laga wada hadlay, islmartkaana waxaa lagu balamay kulamo kale oo lagu sii dhameystirayo waxyaabihii laga wada hadlay.

Kulanka kadib Wafdiga Soomaaliya ayaa booqday xaruunta Baarlamaanka Switzerland, waxayna soo arkeen isla markaana dhageystey taariikhda habka federaalka dalka Switzerland oo dhinacyo badan uga eg kan Soomaaliya ay qaadatay.

Ra’iisul wasaare Khayre” Ansixinta sharciga Isgaarsiinta wuxuu dalka u horseedaya horumar dhinacyo badan leh

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faa’iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

Madaxweynaha Dalka “Shacabka waxaa looga baahanyahay inay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada”

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey iney ka qeyb qaatan xasilinta Amniga Caasimadda si looga guuleysto maleeshiyaadka qarax-yada la beegsanaya goobaha bulshadu ku kulanto.

Madaxweynaha ayaa sheegayin dowaldda iyo shacabka oo wada shaqeeya laga adkaan karo dhagar qabayaasha Al-Shabaab, isla markaana shacabka looga baahanyahay inay xoojiyaan taageerada ay siinayaan ciidamada, si u siiyaan macluumaadka la xiriira kuwa qaraxyada geysanaya iyo goobaha ay ku dhuumanayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in amniga oo lagu guuleysto ay horseedeyso horumarka dalka sida ganacsiyada iyo maalgeshi lagu sameysto Soomaaliya, kaasi oo ay shaqo abuur ka heli karaan dhallinta Soomaaliyeed.

“Amniga dowladda iyo ciidamada kaliya ma saarna, shacabka Soomaaliyeed door ayuu ku leeyahay, waan ogahay inay ka dharagsanyihiin qoladaa Nabad diidka ah ee maalin waliba xasuuqa iyo bur burka ay ku hayaan dadka aan waxba galabsan, inaan si wada jir ah uga hortegno oo ay noo soo sheegaan shacabka meelkasta ay joogaan wax Alle iyo wixii macluumaad ah ay ka hayaan, si aan uga hortegno dhibta ay ku hayaan dadka, marka amnigu waa wax ka dhaxaya hay’adaha dowladda iyo shacabka intuba”ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo ku jabay weerarkii Abal

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku jabeen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Abal, halkaasi oo ay weli ka taagantahay xiisad colaadeed.

Inta la xaqiijiyaya in ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay oo u badan dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Abal, iyada oo weli uu Muktaar Roobow ku suganyahay deegaanka lagu dagaalamay.

Waxaa go’an adeegyadii Isgaarsiinta deegaanka, maadaama hawada laga saaray.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobollada Bay iyo Bakool ayaa isku dayaya inay bad baadiyaan shacabka ay ku dul dagaalamayaan maleshiyaadka is haya.

Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in dagaalka uu gesytay qasaare leh dhimasho iyo dhaawac, isagoo intaa ku daray inta uusan dagaalka bilaaban ay wada hadal la yeesheen Mukhtaar Roobow oo ah in uu isku soo dhiibo gacanta Maamulka, si ay dhankooda ugu soo wareejiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta waa tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah anxisintii Golaha Shacabka ay maanta ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dadaal dheer u galay sidii Xeerka Isgaarsiinta loo ansixin lahaa ayaa soo dhoweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee maanta, sheegeyna ansixinta Xeerka Isgaarsiinta inay tahay tallaabo horey loogu qaaday Dowlad Wanaaga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay dadaalkii aan u galnay in dhammaan qeybaha bulshada lala tashado, la dhageysto, laga qeybgeliyo sameynta Xeerka Isgaarsiinta in maanta aan aragno faa’iidada wadatashiga bulshada oo noo sahlay in Xeerkii la ansixiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Xeerka Isgaarsiinta uu dalka u horseedayo horumar dhan walba ah oo shirkadaha Isgaarsiinta ay helayaan maalgashi shisheeye oo kor u qaada adeegyada ay bulshada gaarsiiyaan, tanoo sahleysa in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin heer sare ah. Sidoo kale Xeerkan waxuu keenayaaa in dhaqaalaha dalka uu kobco oo Soomaali fara badan ay helaan fursado ay ku curiyaan ganacsi heer caalami ah.

Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo 158 xildhibaan ay ansixiyeen halka hal xildhibaan uu diiday. Xeerka Isgaarsiinta ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare si ay u darsaan, uga doodaan ka dibna u ansixiyaan.

DHAMAAD

Gudoomiye Jawaari oo booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee South Africa ( Sawirro )

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Pretoria ee dalka K/Afrika.

Gudoomiyaha oo Dalka K/Afrika u joogo howlo shaqo ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda  iyo howlaha ay u qabato Jaaliyadda kadibna  waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Safiirka,Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha waxa ayna warbixin guud ka siiyeen howlaha ay Safaaradda u qabato Jaaliyadda Soomaalida ee Wadamada Afrikada Koonfureed isagoo booqday dhamaan Xafiisyada ay Safaaradda ka koobantahay.

Danjire Jamal Barrow waxa uu warbixin ka siiyay Gudoomiyuhu xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida K/Afrika isagoo Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabta madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda,waxa uuna ku dhiirgaliyay inay ku dadalaan jiritaanka Calankeena.

“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday u tababaran,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa oo ku dadaalay jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda ay furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mas”uulkii ugu darjarada sareeyay ee booqasho ku yimaado Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria,iyadoo Safaaradda ay dhibadada u aaseen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika sanadii 2012 ka.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria.