Taliyaha cusub ee Ciidanka X.D.S oo la kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod  ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo  saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla soo soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in sanadkan  uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Al-Shabaab, laguna xoreyn lahaa meelaha kooban ee dalka ay uga sugan yihiin.
“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in  Soomaaliya laga ciribtiro Argagixiso ”ayuu yiri Taliyaha Xoogga Jen. Gorod.
Taliyaha AMISOM Jen. Sugable ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, waxuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...