Shirkadda BECO oo 70 kun oo dollar ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

Date:

Waxaa weli sii xoogaysanaya howlaha loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qarixii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishan.

Shirkadda korontada BECO ayaa ka qeybqadanaysa gurmadka loo fidinayo dadkaasi dhibaataysan, iyadoo deeq lacageed oo kumanaan gaaraysa ugu deeqday dadkaasi Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Guddiga Gurmadka dadkii waxyeeladu soo gaartay ayaa lagu wareejiyay ilaa 70 kun oo dollar oo ay bixisay shirkadda Beeco taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii dhibaatadaasi soo gaartay.

Maxamed Sadiiq Skeeh oo kamid ha mas’uuliyiita BECO oo deeqdaasi lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ugurmashada dadkii musiibadaasi ay saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...