Home Blog Page 1500

Xildhibaanno dhagax dhigay xarun Caafimaad oo laga hirgelinayo Deegaanka Goobweyn

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhagax dhigay goob caafimaad oo loogu talo galay dadka ku nool deegaan Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye oo ka tirsa Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay xarun loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka, kaasi oo loogu adeegayo bulshada Deegaanka Goobweyn oo ka mid ah meelaha dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xildhibaan Qureesho oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegtay in Xildhibaan Maryan ay ku soo dhaweysay deegaanka Goobweyn, isla markaana ay u yimaadeen inay dhagax dhigaan xarun caafimaad.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye ayaa sheegtay in xarunta caafimaad loogu talagalay in loogu adeego bulshada deegaanka, waxaana ay intaa ku dartay inay qorsheyneyso sidii ay deegaankaasi uga hirgelin lahayd mashaariic kala duwan.

Maryan Maxamed Duuliye ayaa ugu baaqday Qurbo joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaannada Jubbooyinka inay gacan ku siiyaan sidii adeegyada bulshada looga hirgelin lahaa deegaanka Goobweyne ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaan Maryan Maxamed Duuliye ayaa sanadkii 2014-ka xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ka hirgelisay xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo, kaasi oo wax badan u taray bulshada xaafadaasi ku nool.

Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka oo la soo gabo gabeeyay

0

Bandhigaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Benaadir oo maalgaliyay Haweenka 17-ka Degmo ee Gobolka si ay usoo bandhigaan wax soo saarkooda.

Mashruucaan oo socday labo maalin ayaa Maamulka gobolka Benaadir waxa uu sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay dhiiragelinta, kobcinta, horumarinta Haweenka iyo dhaqanka.

Barnaamijkaan oo lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Haweenka oo kala matalayay Degmooyinka agab, dhar iyo cunooyinka Hidaha iyo Dhaqanka ay u leedahay Soomaalida, iyada oo hal ku dhigyada ay isticmaalayeen ay ka mid tahay “Badbaadi deegaanka oo jooji isticmaalka bacda, taa badalkeedna qaado dambiisha”

Waxybaaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa farshaxanka, Xeerada iyo fandhaalka lagu cuno cuntada,  dirimo ka sameysan cow, dambiil, dhiisha caanaha, Haamo, dharka dhaqanka iyo kuwa kale oo muhiim u ah nolosha oo dhammaantooda lagu sameeyay dalka.

Sidoo kale waxa ay ahayd carwo furan oo loogu tala galay in Dadka ay iibsadaan waxyaaabaha lagu soo bandhigay halkaasi, iyada oo qaar badan oo ka mid ahaa kasoo qeybgalayaasha oo isugu jiray Madax iyo shacab ay gateen waxii ay u arkeen in ay u  baahan yihiin.

Qaar ka mid ahaa Haweenkii lahaa farsamada waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dhiiri gelin u ah waxsoo saarkooda.

Dadka madasha joogay ee wax ka iibsaday waxyaabaha lasoo bandhigay, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Wasiirka Ammniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay madasha waxa ay sheegeen in Haweenka ay yihiin awood muuqata oo u baahan in la gacan siiyo, iyaga oo dhiiragaliyay mashaariicda noocaan ah ee lagu soo nooleynayo dhaqanka Soomaalida.

Bandhigaan waxa uu yimid, iyada oo ay sii yaraanayaan wax soo saarka iyo adeegsiga waxyaabihii ay Hidaha iyo Dhaqanka u lahaan jireen Soomaalida.

Qaadista canshuurta Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib loo bilaabay

0

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegtey in bilaabay qaadista cashuuraha Gobalka Shabeelada Hoose.

Sagaalkii bisha 5aad ayaa hakad la geliyay qaadista canshuuraha Gobolka Shabellaha Hoose si loo saxo qaladaad ka jiray habka loo qaado canshuuraha,

Wasirka Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Wasiir dowlaha arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed,  Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo maamulka Degmada Afgooye  aya kulan ay ku yeeshen Degmada Afgooye waxa ay ku gorfeeyeen habka ugu wanaagsan  ee canshuuraha loo qaadi karo.

Guddoomiyah Degmada Afgoye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in qaadista canshuurta horay loo joojiyay ay ugu gol lahaayen in dib loo saxo nidaamka qaadista canshuraha, waxaana uu intaa ku daray in hadda la isku afgaray hanaankii loo mari lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka  Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax aya  tilmaamaty  in wadatashi dheer kaddib dib loo bilaabay qaadista canshurta, waxaana uu shacabka ka codsaday inay u hogaansamaan awaamiirta dadka ku shaqada leh qaadista canshuuraha.

Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdullahai Maxamed Aadan ayaa sheegay in canshuurta laga qaado ganacsatada iyo gaadidka dib loogu celin doono bulshada inteeda kale.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate ayaa sheegay in shacabka Gobolka Shabellaha Hoose looga baahanyhay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo xaqoojiyo nabad gelyada Gobolka.

Micheal Keating oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Finland

0

Finland(SONNA) Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating oo howlo shaqo maalmahan u jooga dalka finland ayaa waxa uu kulan la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaalida ee degan Finland.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano Soomaaliyeed waxaana halkaas ay warbixin ku saabsan Dhinacyada Arrimaha  Amniga, Siyaasadda, Xaaladaha Bani’aadanimo iyo Dhaqaalaha ee Xilligaan ka jira Soomaaliya, ka dhageysteen wakiilka guud ee Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Mr. keating.

Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed Ee Somalilito Carshe Said oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta halkaasi goobjooga ka ahaa ayaa waxaan wax ka weydiiyay Kulanka  wakiilka Qaramada midoobay arimaha Soomalia Keating uu la yeeshay qaar kamid ah dadka Soomaalida ee degan Finland maadaama ay kulankaas ayaga soo qaban qaabiyeen.

Wuxuu sheegay Carshe Saciid in wax badan oo xaalada Soomaaliya ku saabsan ay la wadaageen Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,islamarkaana ay ku war geliyaan iney muhiim tahay in si wada jir ah loo taageero geedi socodka nabada Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating oo ka faaloonaya xaalada dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dowlada cusub ee dhawaan la doortay ay ku talaabsatay  hormaro badan oo dhinacyo badan taabanayo isla markaana ay la dagaalameen amnni darada iyo musuq-maasuqa.

Inta uu kulanka Socday wxaa halkaasi suaalo lagu weydiiyay wakiilka Qaramada midoobay ee arimaha Soomaaliya waxayna inta  badan jawaab celintiisu  ay ahayd in Dadka Soomaalida ay noqdaan dad iyaga wadankooda dhista iskana dhaafa danaha qabiilka iyo qabyaalada.

Shar’maake Abukar Amiin.

Wasiir Oomaar” Mudada kooban aynu joogno Wasaaradda howlo muhiim ah ayaanu qabanay”,

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo maanta marti ku ahaa Barnaamij kulanka Todobaadka Jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) & SNTV ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira howlaha ay qabato Wasaaradda.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in mudada kooban ay joogaan xafiiska waxyaabo badan ay u qabsoomeen,islamarkaana kuwo oo kale oo muhiim ay u harsan yihiin.

Sidoo kale,Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar),ayaa sheegay in waxyaabaha ay diirada saareen ka mid tahay sidii ay ula soo wareegi lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya oo mudo ka badan 20-sano laga maamulayay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dhanka kale,Wasiir Oomaar ayaa soo hadal qaaday Hay’adaha UN-ka ee degan agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,wuxuu sheegay in Arintaan ay ku dhacday sababo amni dartood, balse ay socdaan dadaali arrimahaasi xalkoodi lagu gaarayo,lagana guuri doono halkaasi ugu dambeyn.

 

 Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka

40-shaqaalo oo ka socday Wasaaraddaha Dowladda oo tababar loogu soo xiray Nairobi+(Sawiro)

0

Nairobi(SONNA) Tababar shan maalin ah u socday 40-Shaqaale oo ka kala socday agaasinka Qorsheynta ee Wasaaaraddaha Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa maanta  lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Nairobi ee  caasimada dalka Kenya.

Waxaana mudada uu socday ay ku qaateen  hab-raaca samaynta qorshe istiraatiiji ah,casharidana waxaa ka mid ah ahaa  udiyar garoobidda qoridda qarashaha,Dejinta nimaadka guud ee lagu qorayo qorshaha, Qiimeynta xaalka iyo marxaladaha dalka ka jira iyo Qeexidda arrimaha aasaasiga ee isiraatiijiga dalka horyaala,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta  Dowladda Feraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Somaaliyeed ayaa sheegay in shaqaalaha mudada uu socday tababarka ay ka faa”iideysteen waxyaabo muhiim ah, isla markaana shaqaalaha kula dar daarmey in ay dhaqan galiyaan waxay barteen,

“Shaqaalaha wax ay muujiyeen dadaal aad u wanagsan oo ku aadan ka faa”iideysiga casharada muhiim ah waxayna soo bandhigeen aqoon aad u wanagsan oo ku saabsan horumarka dalka dhanka qorshaha qiiimeynta, sidoo kale waxaan aad u aragnay dalka Kenya istaaratjiida u degsan, qorshaha sida loo dajiyo iyo mustaqbalka somaaliya sida ay noqan doonta, waxayna sameyn doonan dajinta qorshaha danbe ee soo socda dalka.”ayuu yiri Agaasime C/qaadir.

Madaxa xafiiska barnaamijyada Somaaliya ee urur Gobaaledka IGAD Moges Ali ayaa tilmaamay in saraakiisha ka socday Dowladda Federaalka ay wax wayn ka badali doonan marxalada  Somaaliya iyo wasaaraddaha ay ka kala socdaan.

“Mudada aan halka joognay waxaad muujiseen dadaal aad u wanaagsan oo ku sabasan sidii aad aqoontiina aad kor u qaadi lahaydeen waxaadna dadaal dheer galiseen sidii dalka somaaliya u guuleysan lahaa, wax badana ayaa hubaa in aad ka badali doontaa hay”addaha aad ka socataan, cashiro muhiim ah ayaadna qaadateen, IGAD Soomaaliya wax ay ka caawisaan arimaha Federaalka dhismaha Awooda shaqaalaha kala duwan ee Dowlada, waxana  xigi doona tababare kale,”Ayuu yiri Moges Ali

Gabagabada tababarka ayaa shahoodooyin halkaasi lagu gudoonsiiyay Shaqaalahii ka faa”eedeystay Tababarka mudo shanta maalin socday.
W/Q:Abdirashiid Nuur

 

 

Dowladda Turkiga oo qabatay 226-Tahriibayaal sharci-daro ah

0

Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen 109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu  u sheegay Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.

Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada Edirne’s Ipsala ayaa waxay  ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.

Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kiuwaasoo doonayay iney gaaraan dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.

Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.

Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.

Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka oo Wali Cakiran

0

Muqdisho(SONNA) Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

Muwaadiniinta Mareykanka ee lagu xiray Turkiga ayaa waxaa ku jira wadaad ka tirsan Kaniisadda oo lagu magacaabo Andrew Brunson.

Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga in ay Mareykanka usoo gudbiso cadeymaha muujinaya in dadkani yihiin argagixiso.

Waxay ka dalabtay xukuumadda Ankara in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in dadka la xiray ay u golaan doonto in ay arkaan qareenada matalaya.

Arbacadi, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga, Mevlut Cavusoglu. Wuxuu u gudbiyay walaaca qotada dheer ee ay ka qabaan xiritaanka muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalaha qunsuliyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay Mareykanka in haddii ay rabaan sii deynta wadaadka lagu magacaabo Adrew Brunson ay usoo gacan geliyaan wadaadka ay sida aadka u doon dooneyso Dowlada Turkiga, Fethullah Gulen oo masaafuris iskiis ah u jooga dalkaan Mareykanka.

 

Turkiga oo lagu qabtay 226-Tahriibayaal sharci-daro ah

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen 109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu  u sheegay Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.

Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada Edirne’s Ipsala ayaa waxay  ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.

Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kiuwaasoo doonayay iney gaaraan dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.

Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.

Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.