Halkuu marayaa Gurmadka deg deg ah ee loo sameynayo dhibanayaasha Qaraxii Soobe?

Date:

Maxamed Yuusuf Jaamac iyo Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah Guddiga Gurmad Qaran  ee lagu caawinayo dadkii wax ku noqday Qaraxii Maleeshiyaadka Al-Shabaab 14-kii bishan ka geysteen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo marti ku ahaa Kulanka Todobaadka jimcaha ee Radio Muqdsho iyo SNTV ayaa ka warbixiyay halka ay wax marayaan iyo ilaa hadda adeegyada muhiimka ah ay qabteen.

Maxamed Yuusuf Jaamac oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Gurmad Qaran ayaa sheegay in dadaalka gurmadka meelo badan oo gudaha iyo dibadda uu ka socdo,islamarkaana Shacab iyo Dowlad aan loo kala harin.

Wuxuu sheegay in Barnaamijka Gurmadka deg deg ah ay Dowladda ku dhawaaqday uu ka jawaabayo seddex baahi oo ay tahay muhiimadda loo aas aasay.

. Deeq Uruurin loogu talagalay in lala garab istaago dadka dhaawacyada ah iyo dhibanayaasha Qaraxii wuxuushnmada ahaa ee ka dhacay isgoyska Soobe.

. Xog Uruurin lagu sameynayo dadka dhibaatada soo gaartay kuwa dhaawaca ah,dhimashada iyo waliba dadka wali la la’yahay.

. Hantida la Uruurinayo meesha lagu bixinayo oo ah mida ugu muhiimsan ee hadda Guddiga gurmadka uu isha ku hayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Gurmad Qaran oo sii hadlayay ayaa intaasi raaciyay in magaalooyin badan oo ka mid ah dalka sida Boosaaso,Garowe,Baydhabo,Kismaayo,Hargeysa iyo Burco uu gurmadka ka socda,islamarkaana halkaasi ku sugan yihiin dhalnyaro is-xilqaantay oo waqtigooda u huraya sidii shacabka dhibaatada gaartay loo gargaari lahaa.

“ Seddex habeen ka hor waxaa magaalada Boosaaso laga soo uruuriyay 300.000 oo doolar (Saddex Boqol Oo Kun Oo dollar),sidoo kale magaalada Garowe waxaa laga uruuriyay 150,000,sidaasi oo kale magaalooyin badan ayay xogo muhiim ah oo lagu farxo naga soo gaarayaan,”ayuu yiri Maxamed Yuusuf Jamaac oo Guddiga gurmadka u hadlay.

Dhanka kale, Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah xubin ka tirsan Guddiga Gurmad Qaran ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan wax marayaan,islamarkaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed fahmaan qiimaha iskaashiga iyo isku kaalmeynta uu leeyahay.

Wuxuu ugu baaqay dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan iney isku gurmadaan,islamarkaana qof waliba wuxuu awoodo uu la garab istaago walaalahooda dhibaatada ka soo gaartay Masiibadii Soobe.

Qaraxii Wuxuushnimada ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab 14-kii bishan ka geysatay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay 281-ruux halka 300-Qof kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo hadda dhaawacooda gudaha dalka iyo dibada lagu daweeynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in loo diyaargarowbo dagaal wadajir ah oo lagu qaado Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale