Kuuriyada waqooyi oo Australia uga digtay siyaasadaha Trump

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowlada Australia ayaa sheegtay in Kuuriyada waqooyi ay u soo qortay warqad furan baarlamaanka dalkaasi.

Warqadan ayaa dowladda Australia ugu baaqaysa in ay ka dheeraato siyaasadaha madaxwayne Trump.

Warqadan oo ka kooban hal bog ayaa ka digeysa waxa loogu yeeray tillaabooyiinka arxan darada iyo qayro masuulnimada ah ee maamulka madaxwayne Trump oo ku baaqaya cunaqabatayn ka dhanka ah Kuuriyada waqooyi iyo difaacida mab’da kowaad ee Mareykanka ee ku dhisan xorriyadda.

Warqadani ayaa lagu soo gabgabaynayaa eedeyn loo soo jeedinayo madaxwayne Trump oo ay Kuuriyada waqooyi ku eedeysay in uu caalamka u wado dhanka musiibo Niyukleer.

Rai’sul wasaaraha Australia ayaa sheegay in warqadan furan loo diray dhowr dal islamarkana ay dalkiisa ka soo gaartay safaarada Kuuriyada Waqooyi ee Indonesia.

Warqadan ayuu ku tilmaamay waxyaabaha ku qoran in ay ka kooban yihiin cabasho iyo caro ayna tahay calaamad muujinaysa in uu shaqaynayo cadaadiska Dublamaasiyadeed ee ka dhanka ah Kuuriyada waqooyi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...