Ra’iisul Wasaare Khayre “Ma aqbali karno in Magaalada Muqdisho laga dhigo meel dadka lagu xasuuqo”+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaa;lka Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre wuxuu tilmaamay in aan marna la fiirsan karin xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

“ Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana la rabo kooxaha argagixisads in loogu tago meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Khayre ayaa u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad, kana difaacaan cadowgga dalka iyo dadkooda.

“Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...