Kuwait oo si ku lul u weerartay dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

Date:

Muqdisho(SONNA) Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad oo ka socday dalka Russia magaalada Saint-Petersburg ayaa kalmado weerar ah oo geesinimo ku jirto ku yiri xubnihii ka socday gumaystaha Israel ee haysta dalka Falastiin

 

Marzouq Al-Ghanim, ayaa shalay oo Arboco ahayd ku yiri xubnihii matalayay Israel inay hoolka shirku ka socdo bannaanka uga baxaan wuxuuna cod dheer ku yiri.

“Waxaan guddoonka baarlamaanka caalamka u sheegayaa, kuwan u eg inay yihiin xildhibaano ee matalaya dowladda argaggixisada ah ee fuliya fal-kasta oo xun inay bannaanka u baxaan”

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, “Waxaad tihiin gumaysteyaal, dilaa ayaad tihiin maatada xasuuqa, carruurta laaya, waxaan u sheegayaa gumaysteyaasha oraahda caanka ah  “haddaydnaan xishoonayn waxaad doontaan sameeya”

Wuxuu kaloo yiri:-  Hadday idinku jirto waxyar oo karaamo ah waxaa idiin fiican inaad bannaanka u baxdaan gumaystayaalyohow, baxa!

Al-Ghanim ayaa kulan saxaafadeed uu qabtay markuu soo idlaaday kulankii baarlamaanka adduunka u sheegay warfidiyeennada inuu muujinayay kacdoon ka dhan ah gumaystaha Israel kaddib markii la xiray xildhibaano Falastiini ah oo shirka iman lahaa, wuxuuna hadalkiisii sababay in xubno badan oo shirka caalamiga ah ku sugnaa ay ku taageereen kacdoonka ay muujiyeen xubnihii ka socday dowladda Kuwayt.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Waan u caddaynay waxay yihiin, waxaan kaloo u sheegnay inaysan hoolka shirarka aysan sharci u lahayn inay yimaadaan, taasoo ay nagu taageereen martidii kale ee sharafta lahayd ee goobta ku sugnayd”.

Al-Ghanim wuxuu kaloo intaa raaciyay, “Waxaan si caro-leh ugu sheegay inay boorsooyinkooda qaataan hoolkana ka baxaan”.

Hadalka mudane Al-Ghanim kaddib ayaa laga arki karaa gaaban oo warbaahinta loo dusiyay oo kasbaday taageero badan, waxaana mar qura isqabsaday hoolkii shirka garaacidda miisaska taasoo ku qasabtay xubnihii ka socday Israel inay shirka ka baxaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...