Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta taageerada Dowladda

Date:

Raโ€™iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaaย Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliyaย Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

kulanka oo dhacay maalintii talaadada,ayaa Labada masโ€™uul waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladood xaga amniga,dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada Soomaaya kaga timaado Imaaraadka Carabta.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Raโ€™iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uga Mahad celiyayย taageerada bini-adanimo iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya,sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arbacadii la soo dhaafay balan qaaday daaweynta 100-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska ย mashquulka badan ee Soobe halkaasi oo dad badan ay ku nafwaayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale,Imaaraadka Carabta ayaa ย shaaciyay iney Agab caafimaad oo ay ka mid yihiin daawooyin u soo dirayaan Soomaaliya si loogu kordhiyo xarumaha caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii Qaraxa ku dhaawacmay.

Ugu danbeyntii, Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Hayโ€™adda Bisha cas ee Imaaraadka ay daryeeli doonto 300-carruur Agoon ah oo Qoyskooda mudo lix bilood ah ku waayay Qaraxyadii dhacay,waxaana lagu dari doona Barnaamijka daryeelka Agoonta ay maalgeliso Imaaraadka Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...