Home Blog Page 1498

Faah faahin ka soo baxayso dhaawacyada la geeyay Isbitaalada Turkiga

0

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

Kulankii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Dib u dhacay

0

Kulankii uu madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdulahi Farmaajo isugu yeeray labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday.

Kulankan ayaa u baaqday Codsi ka yimid Dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya , ayadoo Madaxtooyada ay  codsatay in kulankaasi dib loogu dhigo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in la isugu yeero labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya balse arimo farsamo awgeed ayaa kulankaasi dib loogu dhigay.

Wixii Warar ah ee kusoo kordho wararka la xiriira kulankaasi dib ayan idinkaga soo gudbin doonaa haddii uu rabi idmo.

Xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadii la geeyey Turkiga oo soo haggaagaysa

0

Turkey(SONNA) Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Wasaaradda caafimadka ee Turkiga ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Dalka Masar

0

Masar(SONNA) Dowladda Masar ayaa faah faahin ka bixisay dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxhaha arga gixisada,iyadoo Wasaarada Arrimaha gudaha Masar ay sheegtay in ugu yaraan 53 ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhinteen isku dhacyo ka dhacay Saxaaraha galbeedka Masar.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha Dalka Masar ayaa sheegtay in 15 ka tirsan kooxaha argagixisada lagu magacaabo Xasm lagu dilay weerarkan.

Kolonyo ciidamada ammaanka ayaa kooxahaasi weerar ku qaaday halkaasi oo ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi,iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaa ah.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Balse kooxdan ayaa beenisay in ay ka tirsan yihiin ururka Akhwaanul muslimiinta.

Kooxdani Xsma ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxo weeraro la bartilmaameedsada laamaha ammaanka ee Masar.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee qaixii Soobe

0

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaafaah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qarixii bahalnimada ahaa ee 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Isgoyska Soobe Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa waxaa ay ku shaaciyeen  khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashey iyo dad la sheegay in loo qab qabtay falkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dhimashada guud ahaan ay tahay 358 halka dhaawacyaduna ay gaarayaan 228.

‘Tirada guud dhimasho iyo dhaawac waxay noqotay 642 ruux, (dhimashadu waa 358 , 228 waa dhaawac, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo) ayuu yiri Wasiir yariisow

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay  in 122 dhaawac ah loo qaaday dibadda, sida Turkiga, Sudan iyo kenya,

Sidoo kale Wasiirka Amnig Gudha Maxamed Abuukar Ducaale(Islow) aya sheegay in ay jiraan dad loo qab qabtay falkaasi islamarkaana baaritaano ay ku hayaan,dibna ay ka soo sheegidoonaan natiijada rasmiga ah ee ku saabsan qaabka uufalka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 booqasho ugu soo ambabaxay magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland iyo weftiga uu hogaaminayey oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa kormeero kusoo maray dhammaan kaantaroolada inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaana uu halkaasi kula kulmay ciidamada ka hawlgala goobahaasi, isagoo ka xog waraystay xaaladdooda guud, amni iyo midda gaarka u ahba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in markasta xasuusnadaan shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa kormeeray dhismaha wadada ceel-daahir – ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo, waxaana isaga iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaareen  5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa waddada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km.

Madaxweynaha Puntland oo safarkiisa sii wata ayaa waxa uu kulan la qaatay waxgaradka magaalada Carmo, waxaana ay uga xog warameen xaaladda amni iyo horumarba ee magaalada, isagoo ku booriyey waxgaradkaasi inay ka shaqeeyaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka magaalada, isla mar’ahaantaana ay ku dedaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen xasiloonida iyo kala danbaynta dhammaan degaanada hoosyimaada magaaladaasi.

Mudane Cabdiweli Gaas iyo weftiga u hogaaminayey ayaa markii ay soo gaareen degmada Qardho waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliska qaybta gobolka, Nabadoono, Waxgarad, Siyasiyiin iyo Qaar kamid ah shacabka magaalada Qardho.

Dhinaca kale, Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigay cisbitaalka weyn ee Degmada Qardho, kaas oo dib loo casriyan doono loona balaarin doono qayb ka mid ah cisbitaalka oo la dhisay sanaddii 1960-kii, waxaana uu Mudane Gaas Xusay in dhanka caafimaadka uu gobolka aad uga wanaagsan yahay hadana loo baahan yahay in markasta kor looqaado, lagana sii wanaajiyo meesha uu hadda joogo.

“Sharaf-weyn bay ii tahay inaanu dhagax dhigno balaarinta cisbitaalka oo  baahi weyn loo qabo, adeega caafimaad ee Gobolka runtii  aad buu u wanaagsan yahay, haddana waxaan rabnaa intaas inuu kasii fiicnaado, kasii wanaagsanaado, maamulka cisbitaalka, maamulka caafimaad ee gobolka  shaqo fiican bay qabteen waana ku amaanaynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Dhismaha Cisbitaalka waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland, dadweynaha iyo maamulka gobolka, waxaan rajaynaynaa inaanu helno cisbitaal wanaagsan, waxaan rajaynaya inuu ku dhammaado wakhti aan dheerayn, adeega caafimaad ee uu u hayo gobolka iyo degmadaba uu horumaro ayaan rajaynayaa” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

 

=DHAMMAAD=

 

Agaasimaha SONNA oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga

0

Sucuudiga(SONNA) Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/llaahi Sheekh C/raxmaan Haybe oo kusugan Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa uu booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jidaha ee Dalkaasi Sucuudiga.

Wafdiga ayaa wuxuu booqday qeybaha ay ka koobantahay qunsuliyadda wuxuuna u kuurgalayey sida ay u shageyso qunsuliyadda iyo adeegyada kala duwan ee ay u heyso jaaliyadda soomaaliyeed ee Boqortooyada Sucuudiga kunool waxaana ku wehliya Ibraahim Maxamuud Axmed Azhari oo katirsan howlwadeenada Wakaaladda SONNA.

Waxaa halkaasi ku  soo dhaweynayey qunsul ku xigeenka safaaradda Soomaalioya ee Sucuudiga Mudane Axmed Nuur Diiriye Xoghayaha koowaad ee Safaaraddaasi ee dhinaca arrimaha bulshada Nuur Maxamed Gaata iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga iyo Wefdiga Agaasimaha Soona u hoggaaminayo ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii Wakaaladda iyo safaaradda ay isga kaashan lahaayeen baahinta wararka muhiimka u ah bulshada iyo adeegyada loo hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka saarey deegaano katirsan Shabeelada Hoose

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maant gaaray deegaanada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada SHabaab.

Maleeshiyadii Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid ciidanka Xoogga Dalka oo u taagan sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga Difaaci lahaayeen Cadowga Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi,taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Shabaab.

Koxdii Shabaab oo deegaanadaasi ku sugnayd ayaa lagu soo waramaya in ay u kala firxadeeen howdka islamarkaana lagu raad joogo meelihii ay galeena ay ciidamadu uga daba tagayaan meelaha ay maleeshiyadaasi ku dhuumaalaysanayaan.

Salaadii Jimcaha kadib oo boqolaal dad ah isugu tagay Isgoyska Soobe

0

Muqdisho(SONNA) Maanta Salaadii Jimcaha kadib  ayaa Boqolaal dadweyne ah waxay isugu soo bexeen  Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo aheyd meeshii mashaqadu ay ka dhacayday 14kii Bishan.

Dadkii halkaasi isugu soo baxay oo ay wehliyaan Culimaa’udiin Soomaaliyeed ayaa Salaad Janaaso ah ku dukaday goobtii dadka lagu xasuuqey,iyagoo illaahay uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, kuwa dhaawacyada qabana uu bogsiiyo.

Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminaysay isu soo baxaasi ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku baaqday in Salaadda jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u muujinaya dareenkoodi ku aadan sidii looga jawaabi lahaa falalka guracan ee maleeshiyada Shabaab ay u geysnayaan dadka shacabka ah.

 

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay gargaar caafimaad oo kaga timid Ethiopia+(Sawiro)

0

Muqdisho(SONNA) Diyaarad  ay leedahay Dowladda Ethiopia,islamarkaana sida gargaar caafimaad ayaa maanta oo jimco ah ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gargaarka caafimaadka ee ka yimid xukuumadda Adis-ababa ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay caawinta dhibanayaasha Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde kaga gudoontay deeqda gargaarka caafimaad oo gaareysa 4-tan oo Dowladda Ethiopia wakiil uga ahaa Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Dowladda Ethiopia kaga mahad celisay gargaarka caafimaad ee maanta soo gaartay,waxayna sheegtay iney ku soo beegantay xilli baahi weyn loo qabay.

Sidoo kale,waxaa jirta diyaarad kale oo laga leeyahay Ethiopia oo sida gargaar caafimaad oo gaareysa 4-tan oo saacadaha soo soocda  ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Waxaa sii kordhaya kaalmada Dowladda federaalka Soomaaliya kaga imaaneysa Beesha caalamka iyo Dowladaha deriska ee ku aadan caawinta dadkii wax ku noqday Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.