Home Blog Page 1498

Qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar

0

Qof naftii halige ahaa  iyo askari katirsanaa ilaalada xabsiga  Dhexe ee Muqdisho ayaa ku geeriyooday kadib markii  nin isku soo xiray waxyabaha qarxa uu isku dayay in uu isku qarxiyo taliyaha  Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed..

Sareeye Gaas  Xuseen  Xasan Cusmaan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed  oo lala beegsaday qaraxasi ayaa SONNA u xaqiijiyay in uu bad qabo, balse waxaa halkaasi ku dhintay  hal askari oo kamid ahaa  ilaalo xabsiga Dhexe.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa SONNA u sheegey in uu halkasi ku shahiiday askari katirsan ciidamada Amniga oo ka hortagay dhagar qabahaasi in uu hadafkiisa gaaro.

Falkaasi is qarxinta ahaa ayaa ka dhacay banaanka Masjid ku yaala Xabdiga Dhexe ee Xamar, saraakiisha hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan falkaasi.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobtaasi ka wada howlo baaritaano ah waxaana halkaasi gaaray mas’uuliyiin iyo saraakiil kale.

Wiil Soomaaliyeed oo lagu dhaawacay K/Afrika

0

Wiil dhallinyaro oo Soomaali ah ayaa dhawaan weerar ay ku qaadeen qowlaysato u dhalatay Wadanka Koonfur Afrika ka soo gaaray dhawaan, kadib markii ay xabad ku dhufteen isagoo markaasi xirayay goobtiisa ganacsiga, kaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Wiilka la dhaawacay oo magaciisa la yiraa Amiin Axmed Calasow oo loo yaqaan Amiin Xagaleey ayaa falkaasi uu ku dhacay isagoo markaasi doonayay inuu ka rawaxo goobtiisa Ganacsi ayay Koox hubeysan Xabad kaga dhufteen meel ka hooseysa Caloosha, islmarkaana waa ay ka baxsadeen goobtii ay falkaasi ka geysteen.

Amiin Xagaleey oo ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA kula xariirtay khadka Telefoonka isagoo ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in Dukaankiisu oo ku yaal Magaalada Khalisha Xaafadda Sey bii ay goor habeen ah soo weerareen Niman hubeysan, islmarkaana ay xabad ku dhufteen.

“habeen 3- saac ayay aheyd waxaan rabay in aan dukaanka soo xiro, balse waxaan la kulmay Niman dibadda jooga, dood ka dib waxay igu dhufteen xabad, markii ay I arkeen inaan dhulka ku dhacay ayay iga carareen, kadib waxaa ii gurmaday oo dhaawaceyga keenay Isbitaalka Dhalliyaro Soomaaliyeed”, ayuu yiri Amiin Xagleey.

Mar ay SONNA waydiisay xaaladdiisa Caafimaad hadda waxa uu sheegay in Ilaah mahaddii qalliin kadib ay hadda xaaladdiisa caafimaad aad u fiican tahay.

Ma aha markii ugu horreeysay oo Dad Koonfur Afrikaan ay dil, dhaawac iyo boob hantiyadeedba u geystaan Dadka Ajnabiga ah, gaar ahaan Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya” Dhawaan waxaa la soo deynayaa maxaabiista nooga xiran xabsiyada India iyo Seyshells

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soom aaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay guulihii dhinaca diblomaasiyadda ay ka gaartay dowladda Soomaaliya.

Dadaalka Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa maxaabiis badan oo Soomaaliya uga xiran xabsiyo kuyaal daafaha caalamka ayaa ka mid ah talaabooyinkii ay Dowladdu qaaday, iyadoo ay soconayaan qorshayaal kale.

“Dhawaan waxaan heshiis la soo saxiixanay madaxda dalka India kaasi oo ku saabsan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista xabsiyada dalkaasi kujirat, waana la soo deynayaan, sidoo kale  waxaan maamulka Jasiirada Seyshells aan madaxdeeda kala hadalnay sidii xoriyadooda loo siin lahaa maxaabiis Soomaaliyeed oo kujirta xabsiyada dalkaasi xukunkoodina ay Soomaaliya ku dhameystaan”, Ayuu yiri Yuusf Wasiir Garad Cumar.

Waxaa uu sheegey Wasiirku in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda arrimaha dibadda oo uu ku tilmamay mid ku dhisan qunyer socod iyo wax wada qabsi iskaashi ku yimaada.

Mar uu soo hadal qaaday wadamada deriska la Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya in xiriirka kala dhexeeya wadamadaasi uu yahay mid sii xoogaysanaya, taasi oo keentey in Dowladda Itoobiya ay Dowladda Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiis farabadan.

Mudane Yuusuf Garad ayaa xusey in wadadamad Liibiya iyo Yeman ay dad Soomaaliyeed dhibaatooyin ay kala kulmaan, isagoo xusay in Liibiya ay adagtahay meelaha qaar maadaama ay gacanta ku hayan kooxo falaago ah, balse ay sameyndoonaan dadaal kasta oo muwaadiniinta Soomaaliyeed bad baado u ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleystay in hay’ado caalami ah la kaashato sidii loo aasi lahaa meydadka muwaadiniintii Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay dalkaasi Yeman, maadaam goobahaasi ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaradka”, Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Natiijada rasmiga ah ee doorashada Kenya oo la filayo in maanta lagu dhawaaqayo

0

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa lafilayaa in uu dhawaan ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday  dalkasi, ayadoo shacabka Kenya ay sugayaan natiijadaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin si loo dhameystiro dhamaan documentiyada.

Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Ilaa iyo haatan sida ka muuqata natiijooyinka horudhaca ah ee codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, waxaa ku horeeya madaxweynaha talada dalkaasi haayo Uhuru Kenyatta.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socoto qaban qaabo ku aadan sidii guddiga doorashooyinka uu u shaacin lahaa natiijada rasmiga ah, waxaana lafilayaa in gelinkii dambe ee maanta ay gaarto.

Dhanka kale hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka NASA Raaila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeeda habka ay u dhacday doorashadaasi isagoo ku tilmaamay in wax la musuq maasuqay.

Shir jaraa’id uu ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in doorashadaasi ay u dhacday habkii loogu talagalay islamarkaana ugu baaqay musharixiintu in ay aqbalaan natiijada doorashadaasi hadii la shaaciyo.

Xigasho: SONNA

Shirkii Guddoonada baarlamaanka Africa oo ka furmay K/Afrika

0

Kulanka Guddoomiyaasha Barlamaanada dalalka Qaaradda Africa ee ka furmay xarunta Baarlamaanka Africa ee magaalada Johansbeg ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wefdi uu hogaaminayo, Safiirka  Soomaaliya u fadhiya Dalka South AfricaJamaal Maxamed Barrow.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheena C/llaahi Maxamuud Amiin C/laahi Qorshe,Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhim ah oo quseeya qaarada Africa gaar ahaan dhalinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas iyada oo la siinayo fursado waxbarasho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh CusmaanJawaari ayaa hadal ka jeediayay kulankaasi“bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir halka 42%da’doodi u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan”, Ayuu yiri Jawaari.

Xog-hayaha guud ee golaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdikarin Xaaji Cabdi Buux ayaa warbaahinta qaranka waxaa uu u sheegay in kulanka diirada lagu saaray arrimo badan oo quseeya Dhalinyarada qaaradda Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed M.ne Muxammad Sheikh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo waxaana la filayaa in geba gebadiisa laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaaradda Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Qaraada .

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD

Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyay Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed

0

Ciidammada ammaanka ayaa ka hortagay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidammada ayaa wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay ogaadeen in Wadada la dhigay Gaari ay ku xiranyihiin Waxyaabaha Qarxa.

Waxaa la hakiyay Dhaq dhaqaaqyada Dadka iyo Gaadiidka ee qaybo ka mid ah Jidka Maka Almukarama iyadoo ugu danbayn Ciidanka ay Qarxiyeen Gaariga Cadowga ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Ciidammada Ammaanka ayaa saacad kasta heegan buuxa ugu jira sidii ay u bad baadin lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Soomaaliya.

Guddiga Wacyi-gelinta iyo Taakuleynta Ciidamada oo Bilaabay Qorsheynta Hawlahooda

0

Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa kulankii ugu horreeyey ku yeeshay magaalada Muqdisho tan iyo markii la magacaabay.

Xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa, mideynta dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulanka ka dib la dar-daarmay xubnaha guddiga ayaa u sheegay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in aynu garab taagannahay, sidoo kalena aan shacabkeenna ku wacyi gelinno in dhibaatada gaarta qofka ciidanka ah ay u gaartay difaaca dalkiisa.”

Xubanaha guddiga Taakuleynta iyo Wacyi-gelinta ciidamada Qalabka Sida ee ka qayb galay shirka ayaa sheegay in muddo kooban ay kusoo dhamaystiraayaan dhammaan qorshayaasha la xiriira howl-gelinta guddiga.

DHAMMAAD

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

0

Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliyeed Mudane Cabdulaahi Cali Samnbalooshe  ayaa wada hadallo la xiriira sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee dhinacyada badan khuseeya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka kowaad, ahna  R/wasaaraha dallkaasi Bakri Xasan Saalah.

Siday soo warisay Wakaalada Wararka ee Suudaan ,Taliyaha oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Sudan ee Khartum, waxay wada hadaladaasi ay labada dhinac ay diirada saareen  iskaashiga Caasimadaha  labada dal Muqdisho iyo Khartum sidii ay u kala faaideysan lahaayeen dhinaca waaya aragnimada.

Kulankaasi dhex maray labada dhinac, waxa u  Madaxweyne ku xigeenka Suudaan BakriXasan Saalah uu ka sheegay inuu dalkiisu taageeri doono dadaalka ay Dowladda Soomaaliya uga jirto sugida amaanka dalka,iyadoo Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Soomaaliyeed  Mudane Cabdulaahi Cali Samnbalooshe  uu isna  sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay ka faaideysiga khibrada Dowladda Suudaan iyo horumaarka kale ee ay ka gaartay dhanka nabadgelyada.

R/wasaare Khayrre “Dhalinyaradu waa hormuudka iyo horumarka dalka”

0

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ayaa ka qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo looga hadlayay sida ay dhalinyaradu hoggaaminta dalka uga qeyb qaadan karaan , ayna soo abaabuleen dhalinyaro is xil-qaantay oo la magac baxay Banana Group.

Mudane Xasan Cali Khayrre oo kulanka ka jeediyay khudbad qiimo badan ayaa ugu horeyn amaanay kaalinta dhalinyarada iyo abaabulka ay muujinayaan si dalka loo dhiso.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay yihiin adeegayaal, halka shacabka Soomaaliyeed ay yihiin milkiilayaasha dalka, sidaas daraadeed ay lama huraan tahay in muwaadin kasta uu kaalin muuqata ka qaato horumarka dalkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday dhalinyarada Soomaaliyeed in Xukuumadda ay taageeri doonto qorshe kasta oo horseedi kara horumar iyo nabadgelyo, wuxuuna tilmaamay in dareen gaar ah ay ku reebtay kulankan ay dhalinyarada abaabuleen, iyagoo shisheeye iyo cid kale aanay wax waydiisan.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu shahaadooyin guddoon siiyey dhalinyaradii soo qaban qaabiyay kulanka, isagoo dhinaca kale la kulmay shacabkii ku sugnaa beerta Nabadda mid mid ayuu u waydiiyey sida ay doonayaan in dawladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u sheegay in dawladdu ay ku shaqayneyso aragtida wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.