Home Blog Page 1357

Garsoore Soomaali ah oo loo doortay guddoomiyaha Maxkamadda adduunka ee Hague

0

Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa maanta u dooratay inuu noqday Madaxweynaha Maxkamadaas Garsoore Cabdiqawi Axmed Yusuf oo ah muwaadin Soomaali ah

Garsoore Cabdiqawi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta loo doortay in saddexda sano ee soo  socota uu noqddo guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Haig.

Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009-kii.

Garsoore Cabdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qaban-qaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti

0

 

(Muqdisho, Febraayo 6, 2018) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa sheegay in wasaaraddu qabanqaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga xaajoon doono sida la isaga kaashan karo mashruuca xarigga internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaarsiinta ee Jabuuti.

Wasiirka oo hadalkan sheegay ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaal 2 maalmood qaatay oo u ku tagay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay shirkan ka wada shaqeynayaan Wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Jabuuti, ujeeddaduna tahay sidii looga arrinsan lahaa mashruuca DARE oo ah xarin internet oo isku xiraya Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ansixintii sharciga isgaarsiinta iyo tirada xargaha internetka oo ku yar dalka, ay fursado iskaashi oo heer gobol ah u furayaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan wuxuu sidoo kale xusay in Boostada Soomaaliya ay billowday in warqadaha loo soo marsiiyo dalka Jabuuti, iyadoo labada bilood ee soo socotana la qorsheynayo in warqadaha baxaya ay sii maraan dalka Jabuuti.

Safarka wasiirka ayaa imanaya qiyaastii 6 bilood ka dib markii uu dhiggiisa Jabuuti, Mudane Abdi Youssouf Sougueh, la saxiixday heshiis ay labada wasaaradood isaga kaashanayaan arrimaha isgaarsiinta iyo boostada.

“Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo wasiirka isgaarsiinta Jabuuti oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay. Waxaana rajeyneynaa in marka ay Muqdisho noogu yimaadaan dhammaadka bisha dambe in aan go’aan ka wada gaari doonno arrimaha aan isku soo afgaranay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo oo u furay shirka golaha amniga Qaranka

0

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka guddoomiyaha ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

eedaysanayaal loo haystay Qaraxii Soobe oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida xukuno kala duwan ku riday

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedaysanayaal loo haystay Qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa eedaysanayaasha ku kala xukuntay Toogasho,xabsi daa,in kuwo kale oo amar ay ku bixisay in xuriyadooda dib loo siiyo maadaama lagu waayay dambiyadii loo haystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka, waxaana eedeysanayaasha lagu kala xukumay:-

1- Xasan Aadan Isaaq Cali waxay maxkamaddu ku xukuntay Dil Toogasho .

2- C/laahi Ibraahin Xasan Absuge (Maqane) waxay maxkamaddu ku xukuntay Xabsi Daa,in.

3- C/wali Axmed Diiriye waxay maxkamaddu ku xukuntay 3(sedax) sano xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu amraysaa in xabsiga laga siidaayo eedeysanayaal:

1- Muqtaar Max’ud Xasan Rooble .

2- Cabdul Cabdi Warsame Cali

Hore ayeey Maxkamadda u dhageystay ilaa 2-jeer kiiskan oo saacada badan qaatay, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay go’aanka Maxkamadda iyadoo Maxkamadda fursad kale hor dhigtay eedeysanayaasha oo ay rafcaan ku qaadan karaaan.

Shirka Amniga Qaranka oo lagu wado in maanta uu ka furmaya magallada Muqdisho

0

Shirka Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho,kaasi oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada loogana hadlidoona arrimo badan,sida u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Madaxweynaha JFS Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed.

Shirka waa shir sadexdii biloodba mar la qabto, waxaa looga hadlaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, wixii qabsoomay mudada labada shir u dhaxaysa iyo wixii aan qabsoomin, waxaana ka qaybgala Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Shirkan caadi ahaan waxa uu socdaa muddo 2 ilaa 3 malmood ah Waxaana guddoomiya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid yahay Shirkan qorsheyaashii ugu horreeyey ee uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo maadama uu ka farcamay heshiiskii amni ee 17dii  April, 2017 ay wada galeen Xukuumadda, Madaxda Dowladda Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatay Danjiraha QM ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaakulan la qaatey Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating waxa ayna ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo Xarunta Dawladda Hoose kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ku xeeran nolasha barakacayaasha.

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in dhawaan guddi loo saari doona la socodka iyo wax ka qabashada caqabadaha barakacayaasha ku dhaqan degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoona maamulka Gobolka uu arrinkan iskaashi dhow kala yeelan doono Hay’adaha caalamiga ah.

“Danjire Keating waxaan ku adkeeyey in xal waara loo raadiyo dadka ku dhibaateysan xeryaha barakacayaasha, anaguna maamul ahaan waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo aan ku xaqiijin karno sidii aan kor ugu qaadi laheyn adeegyada asaasiga ah ee Gobolka iyo xaqiijinta ila dhaqaale oo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating waxa uu xusay in markasta ay ku garab taaganyihiin maamulka Gobolka xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolosha barakacayaasha iyo sidii loo yegleeli lahaa qorshe wada jir ah oo ay iska kaashanaayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha, ku xigeennadiisa Arrimaha Bulshada Basma Caamir Axmed, Arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

shir looga hadlayey dib u eegista Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya oo lagu qabtey Magalladda Kismaayo

0

shirkaani ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xildhinaada iyo wasiirada Dowladda Gobolleedka Jubbaland oo kala ah Wasiirka Dastuurka , Awqaafta iyo arimaha Diinta iyo La taliyaha dhanka arimaha sharciga Madaxtooyada Jubbaland iyo qeybaha kala gadisan ee Bulshada.

waxaana diirada lagu saareyey sidii loo hormarin lahaay adeegyada aas-aasiga ah oo ay u baahan yihiin shacabka jubbaland kaasi oo ku saabsan arimaha la xiriira Basaboorka soomaaliga.

sidoo kale shirkaani ayaa looga hadli doonaanaa Dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaliya oo la sameeyay 1966-dii.

Dhamaan dadkii ka soo qeybgalay shirkaan ayaa si isku mid ah u sheegay in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku lahaa dowlad dhaxe balse hada la qaatay nidaamka Federaalka.

kulan lagu qiimeynayo qaab dhismeedka iyo dib u casriyeeynta hey’adaha dowladda oo Muqdisho lagu qabtey.

0

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada cilmiga Fanka iyo Suugaanta waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada,gudoomiyaha gudiga Qaran ee Shaqaalaha rayidka, agaasimayaal, madax waaxeedyo iyo mas’uuliyiin ka socotay hey’adaha dowladda.

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta oo kulankaasi ka hadlay ayaa codsaday in xafiisyada dowladda laga dhaqangeliyo afka Soomaaliga, isagoo tilmaamay in akadeemiyadu ay gogol u tahay hay’adaha dowladda.

Gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah Xasan Abshiroow ayaa tilmaamay in dib u habeyn lagu sameeyay 10 hey’adood,  isagoo xusay in haddana la qorsheynayo in dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha kale ee dowladda si loo tayeeyo shaqada ay u hayaan bulshada.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in ujeeddada kulankan ay tahay tayeeynta hab maamulka hey’adaha dowladda.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed “Qadar” oo si rasmi ah u furay kulankaasi ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay mudnaanta siineyso dib u habeynta hey’adaha, isagoo tibaaxay in sanadkan uu yahay sanadkii waxqabadka iyo fulinta.

Kulankan uu maanta furay R/wasaare ku xigeenka ayaa ah wajiga labaad qorshe ay dowladdu dib u habeyneyso qaab dhismeedka hey’adaha dowladda, Iyadoo xukuumaddu ku guuleysatay dhib u dhiska toban ka mid ah hey’adaha dowladda.

 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa galinkii dambe ee shalay kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub. Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.

Sri-lanka oo ku biiraysa kooxda la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

0

Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay ku biirto waddamada ku bahoobay kooxda ilaalada xeebaha iyo la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya ee (CGPCS)  the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia.

Golaha wasiirrrada xukuumadda Sri-lank ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxwaynaha Dalkaasi Maithripala Sirisena; ee ahayd inay dowladdiisu codsi rasmi ah u gudbiso kooxda ilaalinta xeebaha iyo la dagaallanka Buracad Badeedda Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay Sanadihii 2005 illaa 2010 ayay ahayd markii ay dhaceen Afduubyadii ugu badnaa ee lagu qafaasho  Maraakiib ganacsi, kuwaasoo intooda badan gooshayay Badweynta Hindiya.

Weerarrada Maraakiibta ganacsiga ayaa xilligaasi waxay saameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga xorta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha caalamka.

Isha/Colombo Page