Home Blog Page 1358

Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lafilayo in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo

0

Soomaaliland(SONNA) Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray  in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale  Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uag qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya  in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymou jeediyay duggiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.

Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyatta

0

Kenya(SONNA) Iyadoo siweyn loo sugaya go’aano ku aadan sharciyada dib u doorashadii madaxweyne Uhurru Kenyatta,ayaa Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid siweyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenay uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Waxaa la aasaasey Maxkamadda ugu sareysay Dalkaasi Kenya oo sanaddii 2010,iyadoo taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa aad u so dhaweeyey Go’aankaasi,waxaana la arkayay dadweyne aad u badan oo dabaal degyo sameynaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu soo dhiso dowlad,isagoo ay horyaaliin arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan maareynta mucaaradada faraha badan ee ka imaanaya xoogaga Mucaaradka.

Maamulka G.Banaadir oo furaya Bangi Dhiig +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)--Cabdullahi Cilmi Xaaji Ere Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobilka Benaadir ayaa tababar laxiriira fayo qabka iyo keydinta Dhiigga u furay shaqaalaha iyo maamulka waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaa  lagu Baran Doono siminaarkani Sidii Loo Sameyn lahaa Bangi Dhiig oo Loo Sameynaayo Dowladda Hoose ee Xamar,Guddomiye Ereg ayaa sheega in loo Bahanyahay in laga Shaqeeyo bulshadu ay u yeelan lahayd Bangi Dhiig oo Keyd ah,Si loo Badbaadiyo Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Talaabadani ayaa ah mid loo baahnaa, islamarkaana u sii gogol xaareysa sidii loo sameyn lahaa Bangiga Dhiigga oo uu Dalku hore u lahaan jiray.

Dhinaca kale Kulan looga hadlayay Amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru- Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaalia,Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir,Guddoomiyaasha 17.ka degmo iyo Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa kulankaasi.

Waxaa siweyn loo falan qeeyey sidii loo xoojin lahaa adkeynta amniga caasimadda,iyadoo ay iska kaashanayaan laamaha nabadgeliyada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshad

 

Wasiir Maxamed Cabdulaahi Salaad oo ka qeyb galay Shirka Jaamacadda Carabta+Sawirro

0

Qaahira (SONNA) Shirkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa looga hadlayay Faragelin ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta iyo in sidoo kale Dawlahadaha Carabta ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad oo ay wehlinayaan Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Mustafa Adam Dagaal, Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar Ilyaas Sheeq Cumar iyo diblumaasiyiinta ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Masar.

Khudbada Soomaaliya ay ku laheyd Shirka oo u aqriyay Wasiirka waxay ahayd mid ay u wada riyaaqeen madaxda kala duwan ee isugu yimid shirka waxaana uu kaga hadlay arimo badan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad oo wariyaha Wakaalada SONNA ee Masar Mowliid Moha uga warbixiyay ajandaha shirka iyo aragtida ay Soomaaliya ka dhiibatay shirka ayaa yiri.”

“Shirkan waxa uu ahaa shir aan caadi ahayn oo Jaamacadda Carabta ay si deg deg ah ay u qabatay, shirkan waxa soo codsaday dowladda Sacuudi Carabiya, Soomaaliyana aniga ayaa ku matalayay, wan ku faraxsanahay inaan dowladda Soomaaliya ku matalo, ujeedada waxay ahayd gantaalki lagu soo tuuray dowladda Sacuudi Carabiya oo ay kusoo tuureen qoladda Xuutiyiinta oo Iiraan ay dabo socoto, marka dowladaha carabta halkan ayay ku kulmeen iyago walaac ka jeediyay amniga iyo faragalinta dowladda Iiraan iyo Xuutiyiinta ay ku hayaan amniga wadamada Sacuudiga iyo Bahrain, wadanka Bahrain tubooyinka shidaalka qaadayay oo kale  in la qarxiyay dhowr jeer, marka faragalintaas ayaan runtii iskugu nimid, anaga Soomaali ahaan amniga wadan kale oo muslim ah wa amnigeenna oo kale marka waan ka xunahay waxyaabaha faragalinta ee lagu hayo wadamada Muslimiinta ah, shirkana waxaan u imaanay inan taageeradeenna u muujino in laga daayo faragalinta lagu haayo wadamada Muslimiinta ah sida Sacuudiga iyo Bahrain shirkana arintaas ayu ku saabsana”.

Wasiirka Maaliyadda oo Maanta horgeyn doona Baarlamaanka Miisaaniyadda 2018-ka

0

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Maaliyadda XFS Dr C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta horgeyn doona Miisaaniyadda Dalka ee sanadka 2018-ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo ansaxiyo.

Wasiirka oo isu diyaariniya hortegitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno”.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka ayaa hore looga ansixiyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay inay ku shaqeyso Dowladda, waxaana haatana lagu wadaa in laga ansixiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyatta

0

Iyadoo siweyn loo sugaya go’aano ku aadan sharciyada dib u doorashadii madaxweyne Uhurru Kenyatta,ayaa Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid siweyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenay uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Waxaa la aasaasey Maxkamadda ugu sareysay Dalkaasi Kenya oo sanaddii 2010,iyadoo taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa aad u so dhaweeyey Go’aankaasi,waxaana la arkayay dadweyne aad u badan oo dabaal degyo sameynaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu soo dhiso dowlad,isagoo ay horyaaliin arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan maareynta mucaaradada faraha badan ee ka imaanaya xoogaga Mucaaradka.

Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lafilayo in waqtiyada soo socda lagu dhawaaqo

0

Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland,iyadoo guddiga doorashooyinka lafilayo in uu ku dhawaaqo natiijada,taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey,wuxuuna intaasi ku daray  in Maanta ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale  Xisbiga Wadani ayaa muujinaya markale mucaarado xoogan isagoo xubnihii uga qeybgalayay goobjoognimada doorashadaasi,,wararka ayaa tilmaamaya  in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa siweyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada,Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada,balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga wadani uu eedeymo u jeediyay guddiga doorashada,iyadoo guddiguna uu iska fogeeyey eedeymahaasi.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo furaya Bangi Dhiig

0

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Benaadir Cabdullahi Cilmi Xaaji(Ereg) ayaa Siminaar ku saabsan fayo qabka iyo keydinta Dhiigga u furay waaxda Caafimaadka Dowladda hoose ee Xamar.

Siminaarkaasi oo lagu Baran Doono Sidii Loo Sameyn lahaa Bangi Dhiig oo Loo Sameynaayo Dowladda Hoose ee Xamar Gudomiye Ereg ayaa sheega in loo Bahanyahay in laga Shaqeeyo Sidii an u yeelan lahaeyn Bangi Dhiig oo Keed ah Si An u Badbaadino Shacabkeena.

Dhinaca kale Kulan looga hadlayay Amniga Degmooyinka Gobolka Benadir ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Masuuliyiin eey ka mid yihiin Wasiir Dowlaha wasaarada Amniga xukumada somalia,Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Benadir,Gudoomiyaasha 17.ka degmo iyo Dhamaan Taliyaasha saldhigyada booliska degmooyinka Gobolka Benadir ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Qaar ka mid ah Dhaawacyadii Qaraxii Soobe oo maanta dib loogu celiyay Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) 13 ka mid ah dhaawacyadii bishii October loo soo qaaday Dalka Suudaan ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kuwaasooo xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaatay.

Bukaanadani ayaa ka bogsaday dhaawacyadii ka soo gaaray Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishii hore, ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Khartuum ka sagootiyay Jaaliyadda, Ganacsato, Arday iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed C/llaahi Ugaas.

Mid ka mid  dadkii la socoday bukaanada oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahad celiyay sida ay Soomaalida reer Suudaan u garab istaageen mudadii ay joogeen Suudaan.

Dhanka kale Cabdifataax Maxamed Barqadle oo ka mid ah gudiga gurmadka Suudaan ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay gurmadka loo fadiyay Walaalahood asigana inta dhiman u rajeeyay Caafimaad.

Gabagabadii Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas ayaa asigana mahad celin aan la soo koobi Karin u jeediyay Dowladdaha Qadar iyo Suudaan kaalinta weynn ay ka qaateen gargaarka iyo gurmadka loo fidiyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

“Waxaa u mahadcelineynaa Dowladda Suudaan iyo Dowladda Qadar oo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed, waxaan u mahadcelineyaa sido kale dhamaan Jaaliyadda iyo Ardayda reer Suudaan ee gacan ka geystay in qaar ka mid ah walaalahood ay bogsadaan”ayuu yiir Danjire Maxamed C/llaahi Ugaas.

Dowladaha Qadar iyo Suudaan ayaa si walalatinimo ah ugu soo gurmaday dadkii ku dhawaacmay qaraxii Zoobe ee 14-kii bisii hore ka dhacay Magaalada Muqdihso.

Taliska Ciidanka Asluubta oo digniino soo saaray+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareye Gaas Xuseen Xasaan Cusmaan  oo shirjaraa’id uu  ku qabtay magalada muqdisho oo ay garba joogeen  Sarkiil ka tirsan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo saray Amar ah inaan la dhisan kariirn dhulka ay leeyinhiin  Ciidanka Asluubta.

Sareye Gaas Xuseen Xasaan Cusmaan ayaa xusaya in madama ay dhulka u baahanyiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la doonayo in lagu Xananeeyo  maxbiista Soomaaliyeed darteed aan la dhisankarin dhulalkaasi.

Taliyaha Ciidanak Asluubta Soomaaliyeed  Cusmaan  ayaa uga digay dadka in ay hantiidooda ku lumiyaan dhulka danta guud oo ay leeyihiin Ciidanka Asluubta,shaqsiyaadka doonayo in ay dhistaan dhulka Ciidanka Asluubta islmarkaana ka wantooban

Wuxuu intaasi ku daray Sareyo  Gaas Xuseen Xasan cusmaan ayaa horay digniin ugu jeediyay shaqsiyaad ku hoowlanaa dhisida  dhulka Ciidanlka Asluubta oo kaabiga ku haayo Isbitalka keysaney ee degmada karaan ee magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii ugu dambeyeey ayaa waxaa jirtay dad isku dayay in ay dhistaan dhulka danta guud oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya,waxaana jirta dad badan oo laga saaray dhul ay si sharci daro ah ku dhisteen.