Home Blog Page 1356

21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) 21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixaa dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Macalin Abuuker Shuute Xuseen oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga mid ka mid ah Dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay Maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Abuuker Shuute Xuseen ayaa sheegay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u dulqaateen mudo dhowr iyo labaatan sano ah uu dalka burbursanaa iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macalimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiiri laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan waxaa Qatar gali lahaa mustaqbalka umadda soomaaliyeeed hormarka maanta dalka ka jira lama gaari laheyn.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxaa isku xiray oo isku soo dhoweeyay dhamaan Ummaddaha dunida waxbarashada, waana taas mida ay u taaganyihiin Macalimiinta Soomaaliyeed.

Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. Macalimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.

Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa jirey markasta macalimiin iyo dad aqoon leh oo Bulshada kala dagaalama dib u dhaca isla markaasina wax bara.

Macalinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisaas, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah.

Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lagu dhawaaqayo

0

Waxaa lagu wadaa in maanta uu Guddiga doorashooyinka uu ku dhawaaqo natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar,iyadoo ay soo dhamaaden tirinta codadka.

Iyadoo taasi ay jiro ayaa hadana  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani sheegay in aysan aqbali doonin wixii sharci daro ah xili ay cabashooyin ka muujiyeen qaabkii doorashada u dhacday.

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada ee Somaliland.

Dhawaan waxaa ka dhacay deegaanada Soomaaliland rabshado salka ku haaya habka ay u dhacday doorashada,taasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda.

0

In la diyaariyo miisaaniyad ,isla markaana la cadeeyo qorshayaasha ku talagal ee lagu saleeyay lacagahaasi waa qaabka lagu yaqaan nidaam dowladnimo ee ku dhisan dimoqraadiyadda asalka ah ee ka muuqda matalaadda shacabka.

Waa wax jira  in dowlad kasta ay ku dhaqaaqdo soo bandhigidda barnaamijyo Maaliyadeed oo aasaas u ah waxqabadka dowladnimo,gaar ahaan  dhaqaalaha ka soo xerooda bulshada ay maamusho iyo kuwo kale oo ay ka helaan hirgalinta mashaariicyo horumarineed oo ay la wadaagaan dalalka kale ee daneeya arimaha dowladahaasi.

Inkatoo dowladda  Soomaaliya ay ka soo kabaneyso  dhibaatooyinkii dowlad la’aaneed,haddana maamulka xilligaan oo  ku yimid rabitaanka bulshada,waxay ku guuleysteen in ay diyaariyaan isla markaana soo bandhigaan barnaamij maaliyadeed oo keeni kara in dadku ay la socdaan dhaqalaha dowladda ee dhinaca gudaha iyo dibadda ,si ay meesha uga baxdo tuhunada la xiriira wax isdaba-marin iyo lunsasho hanti umadeed.

Xubnaha Golaha baarlamaanka oo ah sharci dajiyaal ay wakisheen umadda Soomaaliyeed ayaa haatan looga fadhiyaa in ay ansixiyaan meel marinta miisaaniyadda cusub ee sanadka 2018-ka,taas oo cadadkeeda lagu sheegay 274-miyan oo doolar,isla markaana dowladda u fududeyn doonta in ay wax badan ka qabato dhibaatooyinka jira.

Xubnaha Golaha Baarlamaanka oo ay horyaalaan akhrin iyo ka doodidda miisaaniyadda dalka,ayaa la filayaa in ay howlohooda u gutaan si daacadnimo ah,kadib kolkii Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale Beyle uu soo dhameystiray barnaamijkii dhaqaale ee ay ku howlgalayeen xukuumadda ,gaar ahaan sanadka soo socda.

Tallaabadaan la xiriirta kordhinta miisaaniyadda ayaa timid kadib markii maamulka wasaaradda maaliyadda ay shaaca ka qaadeen in sadex laab iyo afar laab la helay lacagihii ka soo xeroon jiray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho,taasina ay ku timid hagaajinta nidaamka loo qaado dakhliga.

Lacagahaasi ayaa lagu saleeyay in ay yihiin kuwo laga soo uruurinaayo goobaha laga maamulo ilaha dhaqaale ee dalka sida dekedda,garoonka diyaaeadaha iyo meelaha kale,waxaana miisaaniyadda sanadkaan lagu daray lacago badan oo loogu talagalay in wax looga qabto arimaha bulshada,gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka,iyadoo sidoo kale lagu xisaabtamayo dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka daneeya Soomaaliya.

Waxaa dhab ah in ay jiraan farqi u dhexeeya miisaaniyaddii hore iyo tan maanta ee loo gudiyay golaha baarlamaanka  ,hasa yeeshee waxaa muuqda in xukuumaddaan ay xil iska saartay sidii loo heli lahaa dakhli sax ah oo salka ku haya caafimaad-qabka ururinta canshuuraha dalka, sidaa daraadeed dowladda Soomaaliya waxa ay heysay  fursad qaali ah oo aan soo marin kuwii ka horeeyay

Hadii dakhliga gudaha loo maamulo si daacad ah oo ay ku dheehan taahay alla ka cabsi waxaa goor dhow dalka Soomaaliya uu ku tallaabsan doonaa horumar la mid ah kuwa ay gaareen  dalalka Afrika qaarkood.

Dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan dowladda,gaar ahaan wasaaradda maaliyadda,ayaa u muuqda mid suuragalinaya in dalku uu iska ilaalin doono lacago deyn ah oo ka yimaada dibadda,waxaaana la rajeynayaa in la bilaabo guud ahaan qaadista canshuuraha dalka oo haatan u muuqda kuwo u socda si gaabis ah.

Mudada dhow dakhliga ka soo xerooda caasimadda dalka ayaa lagu wadaa in lagu dhiso goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada ,isla markaana lagu bixin doono  mushaarooyinka shaqaalaha iyo kan ciidamada,iyadoo si gaar ah lacagaha ay is-dhaafsanayaan maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda uu yahay mid cad oo aan keeneyn  in gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Miisaaniyaddu waa muraayadda laga daawado waxqabadka dowladda,sidaa daraadeed waxaa haboon in xukuumada  lala qeybsado dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee loogu adeegayo umadda,taas oo  dhiirigelin karta isla Xisaabtan dhab ah oo salka ku haya ogaanshaha hannaanka Maaliyadeed ee dalka ,iyadoo ay lama huraan tahay in dadweynuhu  ay helaan  ama la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado iyo in la mariyay dhaqaalahaasi meeshii saxda aheyd ee loogu talagalay

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xanuunka badnaa ee bishii Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi.

-DHAMMAAD-

ABU DHABI, UNITED ARAB EMIRATES – April 10, 2017: HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces (R), meets with HE Mohamed Abdullahi Farmajo, President of Somalia (L), during a Sea Palace barza.
( Rashed Al Mansoori / Crown Prince Court – Abu Dhabi )

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay taageerto argagixisada

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaas.

Trump wuxu cambaateeyay barnaamijka nukliyeerka K/waqooyi  iyo taageerada waxa uu ugu yeeray dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada.

Sebtember Maraykanku wuxu u soo jeediyey Qaramada Midoobay silsilad cunaqabatayno oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un.

Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan falalka argagixisada caalamiga.

Kuuriyada Woqooyi waxay horey ugu jirtay liiskan laakiin waxa ka saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga.

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay taageerto argagixisada

0

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaas.

Trump wuxu cambaateeyay barnaamijka nukliyeerka K/waqooyi  iyo taageerada waxa uu ugu yeeray dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada.

Sebtember Maraykanku wuxu u soo jeediyey Qaramada Midoobay silsilad cunaqabatayno oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un.

Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan falalka argagixisada caalamiga.

Kuuriyada Woqooyi waxay horey ugu jirtay liiskan laakiin waxa ka saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga.

Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo lagu dhawaaqayo

0

Waxaa lagu wadaa in maanta uu Guddiga doorashooyinka uu ku dhawaaqo natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar,iyadoo ay soo dhamaaden tirinta codadka.

Iyadoo taasi ay jiro ayaa hadana  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani sheegay in aysan aqbali doonin wixii sharci daro ah xili ay cabashooyin ka muujiyeen qaabkii doorashada u dhacday.

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada ee Somaliland.

Dhawaan waxaa ka dhacay deegaanada Soomaaliland rabshado salka ku haaya habka ay u dhacday doorashada,taasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre ayaa galabta kulan kula qaatay xafiiskiisaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kan ayaa qayb ka ah dadaalada Xukuumaddu ku dhagaysanayso fikradaha aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre  waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee Qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego marxaladihii adkaa ee dalku soo maray, loogana soo gudbay wadatashi iyo tanaasul.”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ugu danbayntii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu ugu dhega-nugul yahay bulshada qeybaheeda kala duwan, diyaarna ugu yahay inuu dhageysto cid walba oo dalka ku biirin karta talo wanaagsan oo wax dhiseysa.

 

Xukuumadda oo sheegtay in Baarlamaanka la horgeyn doono Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa

0

Muqdisho, 19 November 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in  cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatey horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah. Si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa ama dhiiragelineysa. Dhawaan waxaa baarlamaanka horgeyn doonnaa Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yiri R/Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

 

R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta kulan kula qaatay xafiiskiisaa aqoon yahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kan ayaa qayb ka ah dadaalada xukuumadu ku dhagaysanayso fikradaha aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego marxaladihii adkaa ee dalku soo maray, loogana soo gudbay wadatashi iyo tanaasul.”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ugu danbayntii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu ugu dhega-nugul yahay bulshada qeybaheeda kala duwan, diyaarna ugu yahay inuu dhageysto cid walba oo dalka ku biirin karta talo wanaagsan oo wax dhiseysa.