Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay Madaxda ugu sareeyso dalka hindiya

Date:

Madaxweynaha Dalka India Ram Nath Kovind, Ku Xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Narendra Modi ayaa si wada jir Aqalka Madaxtooyadda ee dalkaasi ugu qaabilay waftigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleed (Khadar).

Madaxda ugu saraysa dalka India ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo safar ku jooga Dalkaasi India.

Kulankoodi ka dib ayaa mas’uuliyiintan waxay ka qaybgaleen kulan casho sharaf ah oo madaxda Dalka India ay u sameeyeen wafuud ka socota 121 Dal oo ka qeybgalaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysaiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Dalka ee Dalkasi India.

Wafddiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qaybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...