Madaxweynaha Jamuuriyada soomaaliya oo ku baaqay in la bixiyo canshuurta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban Aqalka sare iyo Golaha Shacabka.

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta si rasmi ah aan u furo Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday madaxbanaanida Soomaaliya ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in lagu xad gudbo midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ganacsi iyo maalgashi lagu sameyso balse ay muhiim tahay in ogolaansho looga haysto hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

“Soomaaliya waxey diyaar  u tahay Maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cidkastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladu dhawaan ay bilaabi doono wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland si loo xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada hadala aan la leenahay Somaliland, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii qilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonaa miiska wada hadalka. Ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo hadal qaaday ahmiyadda ay leedahay in la bixiyo canshuurta ayaa sheegay in looga kaaftoomi karo kaalmaha shisheeye iyo in dowladdu bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka.

“Canshuurta waxaan uga kaaftoomi karnaa kaalmada shisheeye hadii la bixiyo waxaa noo fududaaneysa bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka, iyo sidoo kale inan al-Shabaab ka saarno meelaha ay heystaan” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...