Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban Aqalka sare iyo Golaha Shacabka.
โWaxaan ku faraxsanahay in maanta si rasmi ah aan u furo Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaโ ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday madaxbanaanida Soomaaliya ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in lagu xad gudbo midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ganacsi iyo maalgashi lagu sameyso balse ay muhiim tahay in ogolaansho looga haysto hayโadaha Dastuuriga ah ee dalka.
โSoomaaliya waxey diyaarย u tahay Maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cidkastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho heyโadaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeedโ ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladu dhawaan ay bilaabi doono wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland si loo xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
โWaxaan dhawaan bilaabi doonaa wada hadala aan la leenahay Somaliland, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii qilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonaa miiska wada hadalka. Ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo hadal qaaday ahmiyadda ay leedahay in la bixiyo canshuurta ayaa sheegay in looga kaaftoomi karo kaalmaha shisheeye iyo in dowladdu bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka.
โCanshuurta waxaan uga kaaftoomi karnaa kaalmada shisheeye hadii la bixiyo waxaa noo fududaaneysa bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka, iyo sidoo kale inan al-Shabaab ka saarno meelaha ay heystaanโ sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dalka.
