Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka:Midnimo iyo Dadnimo.. Gardarro iyo Tusaalooyinka Gobolka

Date:

Madaxweynaha jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa lagu wadaa in uu furo kalfadhiga saddexaad ee labada aqal ee baarlamaanka dalka oo fasax ka soo laabanaya. Waxay tani ku soo beegmeysaa iyadoo ay dadka iyo dalku wajahayaan caqabado badan oo midnimo oo kaliya looga gudbi karo.

Kalfadhigani waxa uu u soo aadayaa iyadoo dalal iyo dadyow shisheeye ay ku dhiirradeen wax dhaawac ku ah midnimada iyo madax bannaanida dalkeenna.

Waxa uu kalfadhigani furmayaa iyadoo madaxweyneheenna iyo shacabkeennaba lagu hayo beegsi warbaahineed iyo olole lagu af-lagaaddeynayo oo si xoog leh uga socda baraha bulshada.

Ololaha waxaa hor boodaya dad aan Soomaali ahayn. Shacabkeenna ayaa lagu sheegayaa kuwo baahi yo tuugsi ku tilmaaman.

Madaxdeenna ayaa lagu sheegayaa kuwo kala qeybinaya dalkii iyo dadkii ay matalayeen.Kuwa dooddaas qaba ayaa iska dhigaya in ay Soomaalida caawinayaan.

Waxaa dhiirri gelin leh sida ay ilaa hadda shacabka iyo siyaasiyiinta dalku uga fal celiyeen arrintan. Madaxweynuhu waxa uu matalaa qarannimada, madaxbannaanida, calanka iyo ciidda. Si kastoo aragti loogu kala fog yahay waa in maanka lagu hayaa waxa uu u  taagan yahay.

Tusaalooyinka Gobolka : Ethiopia iyo Kenya.

Kalfadhigani waxa uu furmayaa iyadoo ay dalalka gobolku ay xal u helayaan khilaafaadkii ka jiray. Ra’iisulwasaarihii Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa bishii hore is casilay, si xal loogu helo xasillooni la’aan siyaasadeed oo dalkiisa hareysay, waxayna reer Ethiopia xusul duub ugu jiraan in aan xaaladda dalkoodu faraha ka bixin oo  ay xasillooni ku naalloodaan.

Dalka Kenya waxaa markii ugu horreysay kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo kula tartamay doorashadii muranka dhalisay dhiigguna ku daatay ee Kenya labo jeer ka dhacday sanandkii la soo dhaafay,

Uhuru iyo Odinga oo midba kan kale ugu yeeray ‘Walaalkey” waxa sheegeen in la gaaray xilligii khilaafkooda la xallin lahaa si aan dalkoodu  u noqon mid fashilmay, waxayna ballan qaadeen in ay dib u heshiisiin billaabi doonaan.

Labada tulsaale ee dalalka dariska waxxaa ku jira darsi aad u weyn oo soomaalideenna si gaar ah u khuseeya kaaso o ah : Midnimada, Midnimada iyo midnnimada oo kaliya ayaa looga gudbi karaa culeysyada gudaha iyo dibadda.

Dad ayaa ka hadlaya in kalfadhigani noqon doono mid kulul oo muran hareeyo. Waxaa kaloo sidaas jecel dhinacyo kale oo geeloodu khilaafkeenna ku dararo.

Goleyaasheenna qaran iyo siyaasiyiinteenna ayaa looga fadhiyaa inay riyooyinka shacabka iyo rabitaannada shisheeye mid rumeeyaan. Rajadeennu waa guul.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...