Guddoomiye Jawaari” waxaan xooga saaraynaa mudada uu kalfadhiga furanyahay arimaha barlamaanka horyaallo”

Date:

Mudane; Jawaari  ayaa sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kalfadhigaan  ay isku dayi doonaan , dib u dejinta dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca Dalka, sal u dhigidda fadaraalaynta Dalka , Dimoqaraadiyeynta Soomaaliya, ka go’aan gaaridda maqaamka Magaala madaxda Dalka ee Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa  si weyn ugu nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca Dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi Karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960 illaa 1972.

Wuxuu guddoomiye Jawaari ammaan ballaadhan usoo jeediyay Baarlamanka 10 aad oo uu ku tilmaamay inay ka shaqa badan yihiin kii 9aad 42%, wuxuuna intaa raaciyay inay meel mariyeen muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen 33 go’aan, halka Baarlamankii kan ka horreeyayna ay meel mariyeen 14 oo keliya.

Prof: Jawaari ayaa dul istaagay wax qabadkii xukuumadda oo ay ka mid yihiin soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd Dalal shisheeye, hir gelinta xarumo Dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas  oo ay booqasho ku tageen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamanka.

Dhismaha garsoor madax bannaan oo uu shacabku ku kalsoonaan karo, ayuu sheegay Guddoomiye Jawaari inuu udub dhexaad u yahay hannaanka Dowladnimada , isla markaana loo baahan yahay in dib eegis lagu sameeyo Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha ayaa  tilmaamay sidoo kale in shuruucda haatan loo maro nabadaynta Dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan Dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii.

Safarkii  uu Madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid Gobollada Dalka ayuu guddoomiyhu ku sheegay guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu Safarkiisu  qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambayntii ka codsaday R/wasaaraha iyo guddiyada u xilsaaran dib u heshiisiinta iyo dib u eegista Dastuurka inay dardar geliyaan soo gudbinta Ajandayaashaas, si uu Baarlamanku ugu doodo una meel mariyo, isagoo codsaday in lagu dhaqaaqo ballan qaadyadii ay hore u samaysay xukuumadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadda ee ANTALYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...