Home Blog Page 1332

Kulankii Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo Baaq Caawimaad deg deg ah laga soo saaray

0

Muqdisho(SNTV):—-Guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadaha oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasararaha xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa Maanta yeeshay Kulankii ugu horeeyay oo uu shir gudoominayay Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ah gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa uu kulanka kadib saxaafadda kula hadlay Hoteelka SYL oo kulanku uu ka dhacay, waxa uuna sheegay in guddigu sameestay afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, isaga oo dhanka kale baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Bulshada Soomaaliyeed.

“Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed guda iyo dibadba, hadii ay dhaqaalo bixinyaan, hadii ay raashin bixinayaan iyo hadii ay dhar bixinayaanba. Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoojta waa in aan si wada jir ah aan uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadinno walaalaheen.”, ayuu yiri kusimaha Ra’iisul wasaaraha.

Gudoomiyaya guddiga wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu ku baaqay in cid kasta oo wax heysata ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaatato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo.

“Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa. Dhib weyn oo dad badan saameysay oo geeri keenay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shcab weynaha Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan walaalahooda fatahaadu heshay oo maanta banaanka dhooban oo hoy la’aanta ah, cunnna la’aanta iyo biya la’aanta ah, oo xitaa uu caafimaadkoodu Qatar ku jiro”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoonno ay ka sameeyeen Bankiyada iyo Number EVC kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo.

Ciidamada Kenya oo Gacanta Al-Shabaab kasoo badbaadiyay 13 Dhallin yaro ah

0

Nairobi-(SNTV)-Ciidamada xoogga Dalka Kenya ayaa waxay Gacanta Al-shabaab kasoo badbaadiyeen 13 Dhallinyaro ah, kuwaasoo tababarro ay ku siinayeen degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada hoose.

Dhalinyaradan oo markii hore ka tagay Dalka Kenya ayaa waxay xiriir la sameeyeen Ciidanka Millitariga Dalka Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada hoose, taasoo fududeysay in dib xorriyaddoodii loogu soo celiyo.

Dhalinyaradan oo da’dooda ay u dhaxeysay 18 ilaa 34 ayaa Ururka Al-Shabaab waxay tababarro ku siinayeen degaanka Raas Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose ee Dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dedaallo dheeri ah ku bixisa sidii ay xogo badan ugu heli lahayd Dhallinyarada ay siyaabaha kala duwan ku kaxeystaan Al-Shabaab, kuwaasoo ay ujeeddadoodu tagay inay ku qasbaan ka qayb qaadashada rabshadaha ay Argagixisadu ka geysato gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Isha/ The Star

Mashruuca Qolalka Shirarka Hay’adaha Dawladda oo la daah-furay

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u furay qolka shirarka ee Aqalka Sare, kaasi oo qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu fududeynayo xiriirka hay’adaha dawladeed.

Mashruucan oo uu maal-geliyay Bankiga Adduunka waxaa lagu dhisay 37 qolal shirar oo si casri ah loo qalabeeyay, kuwaasoo min 5 laga dhisay Somaliland, Puntland, GalMudug, HirShabelle, SouthWest and Jubbaland, halka inta soo hartay laga dhisay caasimadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta inay Aqalka Sare u xusheen daahfurka mashruucan. Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in qolalkan ay Aqalka Sare ka caawin doonaan sidii uu xiriir joogto ah ula yeelan lahaa goleyaasha dawlad-goboleedyada.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda lagu daah-furayay mashruucan ayaa Wasiir Cabdi Cashuur Xasan wuxuu uga mahad celiyay Bankiga Adduunka inuu maal-geliyay mashruucan oo lagu dhisayo awoodda hay’adaha dawladeed. Wuxuu sheegay in mashruucan oo soo socday sanadihii u dambeeyay la dardar-geliyay bilihii la soo dhaafay si hay’adaha dawladeed ay uga faa’iideystaan farsamada casriga ah.

“Qolalka shirarka waxay leeyihiin faa’iidooyin badan. Waxay sare u qaadi doonaan xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dawladeed; waxay sugayaan amniga madaxda, waxay noo baajinayaan kharashaadka safarrada, waxayna badbaadinayaan deegaanka maadaama safarkii yaraanayo,” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaan rajeynaynaa in si wanaagsan looga faa’iideysan doono, ayna caawin doonaan dhismaha hay’adaha dawladeed.”

Wasiirka gaadiidka XFS oo heshiis kala saxiixdeen dowlada Jabuuti

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Cirka ee dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Socdaalka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxaa ku waheliyay ,Mareeyaha guud ee hay’ada duulista (SCAMA) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa halkaasi ku gaaray heshiis ku aadan Wadashaqeynta labada wasaaradood iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada gaadiidka iyo duulista rayidka labada dal.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray shaqallaha dowlada iyo kuwa gaarka ah Mallinta shaqallaha Aduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunta u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda Federaalka ay haatan gacanta ku hayso shuruuc muhiim u ah dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay lafdhabar u yihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa faray shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay xil iska saaraan daryeelka iyo bad-qabka shaqaalahooda si loo hubiyo in aan la duudsiin xuquuqahooda aasaasiga ah.

“Waxaa kale oo muhiim ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay sameystaan iskaashatooyin iyo ururro u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha si looga hortago xadgudub kasta oo kasoo wajihi kara hay’adaha iyo shirkadaha ay ka hawl galaan”

Wasiirka Maaliyada oo hambalyo u diray shaqalaha dowlada

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr:C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed maadaama ay Maanta ku began tahay 1da May Maalinta Shaqaalaha aduunka.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Har iyo Habeen u dhabar adeega shaqada Qaranka”ayuu yiri Beyle

Wasiirka ayaa guul ku tilmaamay in Xukuumadda ay ku guuleysatay bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada, taasoo sababtay in hormar badan uu dalka ku talaabsado.

“Waxaa sharaf ii ah aniga iyo Xukumaddaan aan Wasiirka Maaliyadda ka ahay in aan ku guuleysanay bixinta mushaaraadkii Shaqaalaha Dowladda, Shaqaaluhu waa laf dhabarta Dowladda, horumar walba oo aan gaarno iyaga ayaa hormuud u ah”.

Dr: C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Shaqaalaha Dowlada waxay gudoonsiiyeen Shahaado sharaf 30/1/2018 kii, iyagoo ugu gartay inay ku sharfaan Hormarada dhinaca dhaqaalaha oo Wasaaradda Maaliyadda ay sameysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Dabbaaldegga Xuska Munaasabadda shaqaalaha dunida  1da may ee sanadkaan 2018 ee dalkeenna Soomaaliya waxay ku soo beegantay xilli Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo Barnaamij ballaaran oo lagu xaqiijinayo Tirada dhabta ah ee Shaqaalaha rayidka ah iyo tayadooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa yiri “ In la helo tirakoobka saxda ah ee shaqaalaha dowladda waxay inoo suurta galinaysaa xaqiijinta tirada iyo tayada shaqaale aan haysanno inta ay la egtahay,iyo in aan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda aan u diyaarinno sidii ay ula falgali lahaayeen shaqaalaha aduunyadda  si aan u noqonno dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda oo garoonka ku soo dhaweyay ciyaartooyda 17 jirada ee dalka soo gaaray

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah kasoo hoyay Tartankii Cecafa ee lagu qabtay Dalka Burundi.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay Da’yarta Qaranka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul wasaare Kheyre uu ugu hambalyeeyay Ciyaartoydeena guusha ay soo gaareen.

Tartanka Cecafa waxaa ka qeyb galay Siddeed wadan oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Dalka Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da’yarta dalkeena, waxaana Soomaaliya ay sidaas ku gashay Kaalinta Labaad.

Wargelinta: Tartan cilmiyeedka Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed waxay ku Wargalinaysaa Maamulada Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Dowlad Gobaleedyada ka dhisan Dalka in Radio Muqdisho iyo SNTV ay sanadkii 8-aad si wadajir ah u qaban doonaan Tartan Cilmeeydka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo hadda foodda nagu soo heyso.

Hadaba Guddigu Wuxuu Ogeysiinayaa Dhammaan Degmooyinka daneynaya ka qeybgalka tartanka in ay Araajida Codsiyadooda Ka Qeybgalka Tartan Cilmiyeedka ay Keensadaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska.

Shuruudaha Ka Qeygalka Tartanka.

  • Tartanka Waxaa Ka Qeybgalaya 17-ka Degmo Ee Gobalka Banaadir iyo Caasimadaha Magaallo Madaxyada Goballada Soomaaliya.
  • In tartameyaasha Dagmada ay Warqad Ogolaansho ka wataan Maamulka Dagmada ama Dowlad Gobaleedka ay matalayaan.
  • In Tartamiyaashu ay Codsigoodu ku Caddeeyaan Saddax Qof oo La heli karo muddada tartanku Socdo si loogala Xaajoodo wixii quseeya ee ku saabsan Anshaxa iyo habsami u Socodka Tartanka.
  • Waqtiga Qabashada Codsiyada Ka Qeybgalka Tartanka Waxa ay ku Egtahay 12 May 2018 .

Hadaba Wixii Faah faahin Intaas Dheer Kala Soo Xiriir Talefoonada Nabaradoodu Kala Yihiin:-

0615118508 oo laga helo Maxmed Kaafi Sheekh Abuukar ama 0615337780 Cabaas Maxamed Faarah           Ama  Email-ka  sntvramadaan2018@gmail.com

Ciyaartooyda 17-jirada Qaranka Soomaaliya oo maantay soo gaaray muqdisho.

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah kasoo hoyay Tartankii Cecafa ee lagu qabtay Dalka Burundi.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay Da’yarta Qaranka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul wasaare Kheyre uu ugu hambalyeeyay Ciyaartoydeena guusha ay soo gaareen.

Tartanka Cecafa waxaa ka qeyb galay Siddeed wadan oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Dalka Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da’yarta dalkeena, waxaana Soomaaliya ay sidaas ku gashay Kaalinta Labaad.

Keating oo hambalyo u diray guddoomiye Maxamed Mursal.

0

Muqdisho(SNTV) -War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjiraah QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa loogu halbalyeeyey guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shalay ay doorteen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ergayga QM Keating ayaa wuxuu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay mudanayaasha Golaha Shacabka sida hanaanka wanaagsan leh oo ay u doorteen guddoomiyaha cusub,isagoo u rajeeyey in uu ku guuleysto howshiisa.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale waxaa loogu mahadceliyaay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,wuxuuna xusay in mudadii uu hoggaaminayay baarlamaanadii 9-aad iyo kan tobnaad uu qabtay howlo aad u muhimsan,iyo dowrkii uu qaatay.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka maalintii shalay,isagoo ka guleystay ilaa 10 musharax kale oo xilkaasi u taagnayd.