Home Blog Page 1333

R/wasaare ku xigeenka dalka oo Xildhibaanada ku Bogaadiyay hanaanka ay u doorteen Guddoomiyaha cusub.

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa hambalyo udiray Guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka.

Ku xigeenka Ra’iisalwasaaruhu waxaa uu mudanayaasha baarlamaanka ku boogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ah ee ku doorteen Guddoomiyaha cusub.

Qoraal kooban uu ku baahiyay boggiisa twitterka ayaa udhignaa sidan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Md Mohamed Mursal. Waxaan u rajaynayaa in ilaahay xilka u fududeeyo, waxaan kale oo Golaha shacabka ku boogaadinayaa hanaanka Dimuqraadiyadu bud-dhiga utahay ah ee ay ku doorteen guddoomiyaha cusub”.

 

Madaxweynaha Jamuuriyada oo hambalyo u diray gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.

“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo balan qaaday in uu wax ka qaban doono arimaha horyaallo

0

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii Codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda i siisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan, Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2017 waxaan hortiina ka aqriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balanqaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si danta dalka iyo dadka ay ku jirto”.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo wareega sedexaad kula tartamay Mudane Maxamed Mursal ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub, isagoo balanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono.

Qalab internetka Onlinka oo loga qeyb galidoono shirar caalami ah ayaa laga hirgaliyay xafiisyada dowlada

Wasaarada Boostada Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa xarunta  aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya ka hergalisay mashuuruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo onleyn looga qeyb gali karo shirarka ka dhacaya dibada kaas oo uu xariga ka jaray Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Mashruucan oo ay maalgalintiisa laheed wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta kala kaashatay bankiga aduunka ayaa ah mid muhiimadiiso tahay in nidaam isgaarsiineed uu yeesho dalka waxaana arinta kaga warmay warbahinta qaranka Cabdi Salaam Shariif Xuseen mareeyaha mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta ect oo sharxaad dheer ka bixiyay muhiimada ay u leedahay isgaarsiintaan laamaha dowlada.

Wasiirka Boostada iyo isgaarista xukuumada soomaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo ka hadlay kulanka qalabka lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in qalabkani aay geeyen  qayb ka mid ah xafiisyada dowlada si loo helo isgaarsiin dhamestiran.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta xukuumada soomaliya kaga mahadcilayay shaqada adag ay dalka u hayaan,  sido kale waxa uu sheegay in qalabkaan isgaarsiineed u yahay hormaar soo garay dalka iyo xafiisyada dowlada.

Ilaa 37 xafiis ayeey sheegtay wasaarada boostada iyo isgaarsiinta soomaliya in qalabkani ku rakibeen sidoo kale ay gaarsiindoonaan maamul Goboleedyada dalka.

Maxamed Mursal Sheekh oo ku guuleystay doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

0

Waxaa lasoo gaba gabeeyay Tirinta Codadka Wareega Sadexaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isugu soo hareen Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow iyo Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan.

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi weli Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ku guuleystay Guddooomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay codadka ugu badan oo gaaraya 147 halka Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

“Waxaa codeeyay 265 Mudane, Xildhibaan Ibraahim Isaaq wuxuu helay 118, Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu helay 147, waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan”.ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

 

Labo Musharax oo ka tanaasulay u tartamida kursiga Golaha Shacabka

0

Musharaxiinta kala ah Shariif Maxamed Abdalla iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tanaasulay u gudbida wareega Labaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socota xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda loo gudbay wareega saddexaad ee doorashada oo ay isugu soo hareen Labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow.

Musharax Shariif Maxamed Abdalla ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada u codeysay iyo kuwa aan u codeyn intaba,isagoona kula dardaarmay in si mas’uuliyad iyo Xilkasnimo ku jirto u doortaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale,Musharax C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u sababeeyay tanaasulkiisa mid uu ugu turayo Xildhibaanada una fududeeyo doorashada.

Wuxuuna cadeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu tartamo,Xildhibaanadana codkooda ay siiyaan,waxaa hadda socota codeynta doorashada wareega saddexaad.

 

Shirka xal u helida fatahaadaha Soomaaliya oo malintiisa saddexaad galay

0

Waxaa maalintii saddexaad galay shir looga hadlayo arrimaha Fatahaada iyo abaaraha kaasi oo ka socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,waxaana shirka si rasmi ah uga furmay Xarunta Bank Aduunka Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Ka qeyb galayaasha shirka ee Dowladda Somaaliya iyo Beesha caalamka ayaa inta uu shirka socda diirada saari doona ka doodista geedi socodka wax ka qabashada dhinacyada dib u kabashada iyo u adkeysiga Abaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan arrimaha soo laab laabtay sida Fataahada iyo Abaaraha Dalkeenna.

Maanta gelinka danbe ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka,iyadoona laga soo saari doono go’aan mideysan ahmiyadna u leh Soomaaliya gaar ahaan wax ka qabashada arrimaha masiibooyinka ee Fatahaada iyo Abaaraha soo noq noqday.

Shirkan ayaa ku soo aadaya,xilli Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhallinyaradda is abaabulay oo dhaqallo uruurin u sameyay dadkii ku wax yeelobay fatahaadaha wabiga shabelle

0

Kullan ay dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay kaga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ,Qaar kamida maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, waxgarad,Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxa ayna dhammaantood isku raaceen in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ay wax yeeleysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dhalinyarada Is xilqaamayaasha Puntland oo kulanka ka hadlay wax ay fariin udireen dhaamaan ummada Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in loo istaago caawinta iyo garab istaaga dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Puntland ayaa iyagana u mahadceliyay dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland, iyagoona uga mahadceliyay sida ay marwalba ugu taagan yihiin u gurmashada ummada Soomaaliyeed waxayna dhankooda sheegeen inay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ayaa isna waxa uu bogaadiyay dadaalka ay wadaan dhalinyarada Isxilqaamyaasha Puntland waxa uuna sheegay in ka ciidan ahaan ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada gurmadka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu danbeyn waxaa kullanka ka hadlay Waxgaradkii iyo nabadoonadii ka qeybgalay munaasabadda, waxayna sheegeen inay dhankooda diyaar u yihiin ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

29-Ruux oo ay ku jiraan 8-wariye oo lagu dilay Qarax ka dhacay Afghanistan.

Ugu yaraan 29-Qof oo ay ku jiraan 8-Wariyeyaal ah ayaa ku geeriyooday halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen ka dib labo Qarax oo is xig xigay oo ka dhacay magaalada Kapul ee caasimadda dalka Afgaanistaan,sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi.

Qaraxyada ayaa saaka waxay ka dhaceen aagga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kapul.

Qaraxa hore oo ahaa Qof naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afganistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kapul,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.

Sidoo kale Qaraxa Labaad oo dhacay 20-daqiiqo gudahooda ka dib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay Kooxaha Gurmadka Caafimaadka iyo Wariyeyaal goobta soo gaaray.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in Weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 29-ruux halka 49-ruux ay   ku dhaawacmeen.

Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay Qaraxyada ku dhintay.

Maleeshiyada Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

 

Ra’iisulwasare ku xigeenka dalka oo la kulmaya Madaxweynaha Koonfurta Suudaan

0

Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ku sugan magaalada Bujunbura ayaa lagu wadaa inuu kullan la qaato madaxweynaha dalka Burundi,isagoona kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Burundi.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxay ka wada xaajoon doonaan howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya,maadama Burundi ay ka mid tahay dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhan ah Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ku-xigeenka  dalka,Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciyaartoyda Da’dooda ka hooseyso 17-jirada ee dalkaeenna Soomaaliya meesha wanagsan ee ay soo gaareen ee Finalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee xulkeenna Soomaaliya u laqaatay ciyaartoyda dalka Tanzania.

Sidoo kale,Mahadi Maxamed Guuleed Khdar,Ra’iisal ku-xigeenka dalka ayaa kullamo gooni gooni ah la qadan doona mas”uuliyiintii  kasoo qayb gashay Ciyaarah Finalka ahaa  ee Bariga iyo Bartamaha Afrika,kuwaasi oo uu kala hadli doona sare u qaadista tayada Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku matasha tartanada Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xulkeenna 17-jirada ayaa meel wanaagsan ka gaaray Ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ee ku soo dhammaaday dalka Burundi gaar ahaan magaalada Caasimadda u ah ee Bujunbura.