Ciyaartooyda 17-jirada Qaranka Soomaaliya oo maantay soo gaaray muqdisho.

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah kasoo hoyay Tartankii Cecafa ee lagu qabtay Dalka Burundi.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay Da’yarta Qaranka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul wasaare Kheyre uu ugu hambalyeeyay Ciyaartoydeena guusha ay soo gaareen.

Tartanka Cecafa waxaa ka qeyb galay Siddeed wadan oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Dalka Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da’yarta dalkeena, waxaana Soomaaliya ay sidaas ku gashay Kaalinta Labaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....