Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray shaqallaha dowlada iyo kuwa gaarka ah Mallinta shaqallaha Aduunka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunta u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda Federaalka ay haatan gacanta ku hayso shuruuc muhiim u ah dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay lafdhabar u yihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa faray shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay xil iska saaraan daryeelka iyo bad-qabka shaqaalahooda si loo hubiyo in aan la duudsiin xuquuqahooda aasaasiga ah.

“Waxaa kale oo muhiim ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay sameystaan iskaashatooyin iyo ururro u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha si looga hortago xadgudub kasta oo kasoo wajihi kara hay’adaha iyo shirkadaha ay ka hawl galaan”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...