Kulankii Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo Baaq Caawimaad deg deg ah laga soo saaray

Date:

Muqdisho(SNTV):—-Guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadaha oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasararaha xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa Maanta yeeshay Kulankii ugu horeeyay oo uu shir gudoominayay Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ah gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa uu kulanka kadib saxaafadda kula hadlay Hoteelka SYL oo kulanku uu ka dhacay, waxa uuna sheegay in guddigu sameestay afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, isaga oo dhanka kale baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Bulshada Soomaaliyeed.

“Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed guda iyo dibadba, hadii ay dhaqaalo bixinyaan, hadii ay raashin bixinayaan iyo hadii ay dhar bixinayaanba. Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoojta waa in aan si wada jir ah aan uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadinno walaalaheen.”, ayuu yiri kusimaha Ra’iisul wasaaraha.

Gudoomiyaya guddiga wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu ku baaqay in cid kasta oo wax heysata ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaatato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo.

“Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa. Dhib weyn oo dad badan saameysay oo geeri keenay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shcab weynaha Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan walaalahooda fatahaadu heshay oo maanta banaanka dhooban oo hoy la’aanta ah, cunnna la’aanta iyo biya la’aanta ah, oo xitaa uu caafimaadkoodu Qatar ku jiro”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoonno ay ka sameeyeen Bankiyada iyo Number EVC kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...