Wasiirka Maaliyada oo hambalyo u diray shaqalaha dowlada

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr:C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed maadaama ay Maanta ku began tahay 1da May Maalinta Shaqaalaha aduunka.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Har iyo Habeen u dhabar adeega shaqada Qaranka”ayuu yiri Beyle

Wasiirka ayaa guul ku tilmaamay in Xukuumadda ay ku guuleysatay bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada, taasoo sababtay in hormar badan uu dalka ku talaabsado.

“Waxaa sharaf ii ah aniga iyo Xukumaddaan aan Wasiirka Maaliyadda ka ahay in aan ku guuleysanay bixinta mushaaraadkii Shaqaalaha Dowladda, Shaqaaluhu waa laf dhabarta Dowladda, horumar walba oo aan gaarno iyaga ayaa hormuud u ah”.

Dr: C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Shaqaalaha Dowlada waxay gudoonsiiyeen Shahaado sharaf 30/1/2018 kii, iyagoo ugu gartay inay ku sharfaan Hormarada dhinaca dhaqaalaha oo Wasaaradda Maaliyadda ay sameysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Dabbaaldegga Xuska Munaasabadda shaqaalaha dunida  1da may ee sanadkaan 2018 ee dalkeenna Soomaaliya waxay ku soo beegantay xilli Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo Barnaamij ballaaran oo lagu xaqiijinayo Tirada dhabta ah ee Shaqaalaha rayidka ah iyo tayadooda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa yiri “ In la helo tirakoobka saxda ah ee shaqaalaha dowladda waxay inoo suurta galinaysaa xaqiijinta tirada iyo tayada shaqaale aan haysanno inta ay la egtahay,iyo in aan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda aan u diyaarinno sidii ay ula falgali lahaayeen shaqaalaha aduunyadda  si aan u noqonno dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...