Keating oo hambalyo u diray guddoomiye Maxamed Mursal.

Date:

Muqdisho(SNTV) -War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjiraah QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa loogu halbalyeeyey guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shalay ay doorteen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ergayga QM Keating ayaa wuxuu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay mudanayaasha Golaha Shacabka sida hanaanka wanaagsan leh oo ay u doorteen guddoomiyaha cusub,isagoo u rajeeyey in uu ku guuleysto howshiisa.

Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale waxaa loogu mahadceliyaay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,wuxuuna xusay in mudadii uu hoggaaminayay baarlamaanadii 9-aad iyo kan tobnaad uu qabtay howlo aad u muhimsan,iyo dowrkii uu qaatay.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka maalintii shalay,isagoo ka guleystay ilaa 10 musharax kale oo xilkaasi u taagnayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...