Home Blog Page 1331

R/Wasaare ku xigeenka XFS oo lagu soo dhaweeyey Addis-Ababa

0

Adis-Ababa(SONNA) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Itoobiya Maxamed Cali Nuur, masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa la xiriirta ka qeybgalka  munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara.

Waxaa lafilayaa in ay halkaasi khudbado ka jeediyaan madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa,iyadoo lafilayo in ku xigeenka raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) uu halkaas ka jeediyo uu kaga hadlidoona ahmiyadda munaasabadda iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Mudane Mahdi Maxamed guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka digay in la baajiyo kulanka Mike Pence iyo Maxamuud Cabaas

0

Washington(SONNA) War ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan dowladda Falastiin inay hakiso kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Arrintani ayaa soo baxday waxyer un kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Dalka Mareykanka Mr  Mike Pence kaasi oo la qorsheynayo in uu booqdo dhulka Falastiin.

Mas’uul sare oo katirsan xisbiga madaxweyne Maxamuud Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus,taasi oo keentay in Mareykanka uu soo saaro digniintaas.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mr Pence ayaa lafilayaa in uu socdaal ku taga Bariga Dhexe dabayaaqada Bishan,lama oga waxyaabaha shirkaasi uga qorsheysan maamulka Donald Trump.

Isku dhacyo u dhexeeya Falastiyiinta iyo ciidamada Yuhuudda ayaa ka dhacay magaalada la heysto ee Daanta Galbeed,waxaana ku dhaawacmay ilaa 30 falastiiniyiin ah.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

 

Madaxweyaha JFS oo Sharma Sheekh uga qeybgalaya shirka ganacsiga Africa+Sawirro

0

Masar(SONNA) Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar waxaa ka furmay shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

Soomaaliya waxaa uga qebgalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa siweyn loogu sooo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Sharma-Alsheekh,waxaana soo dhaweyeey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo madax katirsan dowladda dalkasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkiisa Masar ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka  lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in uu kulamo la yeeshey madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi qaar kood,kuwaasi oo xiriir uu kala dhexeeya Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay go’aanka Maraykanka ee Qudus

0

Muqdisho (SONNA), Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanada Guduudo Carwo

0

Warsaxaafadeed—December 7, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Fannaanaddii weynayd ee Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo maanta ku geeriyootay magaalada Hargaisa.

“Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxday Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo kamid ahayd fanaaniinta ay aadka u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaadatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey istiraatejiyada aminga gudaha iyo arrimo kale (Sawirro)

0

Muqdisho (SONNA), 07 December 2017 –Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Dawladda Federaalka  yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada, ansixinta Istraatejiyada Amniga iyo arrimo kale.

Ugu horreyn, Wasiiru Dawlaha Amniga Mudane Xasan Macalin ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga dalka, isagoo sheegay in howlgallada xasilinta ay si xowli ah u socdaan oo degmada Afgooye lagu soo qabtay labo maleeshiyada Al-Shabaab  ka tirsan oo shacab dil u geystay. Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa isu soo dhiibey gaari Cabdi Bile ah iyo maleeshiyadii la socotay, iyagoo ka faa’iideysanya cafiskii Madaxweyne Farmaajo. Wasiir ku xigeenka Amniga Abdinasir ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey Istraatejiyada Amniga Gudaha ee 2017 – 2022 tanoo ka tarjumeysa siyaasada amniga, saldhigna looga dhigay Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ujeedada Istraatejiyada ayaa ah in muwaadin walba loo abuuro jawi amni ah oo la isku haleyn karo.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadija Maxamed Diiriye ayaa golaha warbixin buuxa ka siisey qorshaha hirgelinta tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo G/Benaadir oo maanta lagu daahfurayo Muqdisho. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in hirgelinta tartankan uu ku yimid wadatashi muddo socday oo gobollada qaarkood ay booqdeen. Hirgelinta tartankan ayaa waxey dhiirigelineysaa is-dhexgalka bulshada iyo nabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Weheliye ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee 6dii December 2017 ay GalMudug iyo Ahlu Sunna ku heshiiyeeen inay dhistaan maamul loo dhanyahay. Wasiirada ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo markii la doortay Sheikh Shaakir ku casuumay Caleemasaarkii oo tan iyo markaasina ay Dawlada Federaalka ay ku howlaneed sidii heshiiskan taariikhiga ah loo gaari lahaa. Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxda GalMudug ay sidooda ahaanayaan, hase yeeshee lagu soo kordhinayo jagada Madaxa Xukuumada oo Sheikh Shaakir uu noqonayo, waxuuna shir-guddoomin doonaa golaha wasiirada GalMudug. Heshiiska ayaa lagu sii dhameystiri doonaa Dhuusamareeb usbuucyada soo socda.

Golaha ayaa waxaa looga warbixiyey shirarkii 3da, 4ta iyo 5ta December 2017 ka dhacay Muqdisho oo kala ahaa Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ay Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada qeyb ka ahaayeen, Shirkii Amniga ee 4ta December iyo kii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee 5tii December. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirarkaas ay muhiim u ahaayeen geedi socodka Soomaaliya caddaalad iyo sharci ku dhisan, iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii Dawladda ee dhanka siyaasada, dib-u-eegista dastuurka, dib-u-heshiisiinta, federaaleynta, doorashooyinka, maamulka iyo maareynta maaliyada iyo sugida amniga. Golaha ayaa ammaanay doorka dadkii soo qabanqaabiyey ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sida Hay’ada isku-xirka Deeqaha (ACU).

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa ka warbixiyey maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Seychelles oo uu xabsiga ku booqday, isla markaasna Dawladda Seychelles la soo saxiixday heshiis maxaabiista loogu soo celinayo dalkooda. Sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirkii Afrika iyo Yurub oo ka dhacay Abidjan ee diiradda lagu saarayey xoojinta xiriirka Afrika iyo Yurub isla markaasna lagu lafa-gurey shaqo abuurka dhalinyarada Afrika. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la soo qaatay Wasiirka Romania oo aad u daneynaya Soomaaliya iyo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la soo saxiixday dalka Lithuania.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Diinta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmi doona 16ka December 2017, kaasoo looga dan leeyahay in la xoojiyo doorka culumada Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah bulshada iyo in Culumada ay hormuud ka noqdaan soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdihso (SONNA), guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiilka Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo Madax ka socotay Barnaamijka Horumarinta Qaramada  Midoobay ee UNDP qeybta taageerta Baarlamaanka Soomaaliya.

kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin  sidii Qaramada Midoobay ay usii xoojin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo kordhinta mashaariicda ay ku taageerayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

sidoo kale waxyaabaha inta kulanka uu socday aad looga hadlay waxaa ka mid ah ka qeyb qaadashada dadaalka Dowladda Soomaaliyeed ay wado oo ku aadan la socodka ,hir gelinta iyo sidoo kale  dhameystirka Dastuurka Dalka dadaalada ay beesha caalamka ku bixin karto si kaalinta  beesha caalamka iyo taageeradeedaba ay meesha uga muuqdaan, sida uu kulanka ka dib warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka  Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo Magaaladda Sharma Shiikh ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

Wasiirka Amniga XFS oo shir Arrimaha Booliska looga hadlayay uga qeyb galay Doha+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA);– Wasiirka Wasaaradaa Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kasoo qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirka ayaa ka Qabsoomay magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, Waxaana Kasoo qayb galay Wufuud ka socotay dhamaan Dalalka Caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar,  Waxayna labada dhinac ka wada hadleen Sidii la isaga kaashan lahaa Xidhiidhka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qeyb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, Waxaana shirkan kusoo beegmayaa Xili dhowaan ay siwayn usoo shaac baxday Dhibaatooyinka Baaxada ee dadka Mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.

Dhageyso:- Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka 5-sano ee soo socota

0

Muqdisho(SONNA);– Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna,shirarkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Kulanka Wasiirada uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee soo socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Wasiir ku-xigeemka C/naasir,waxayna diirada saareen muhiimadda ay leedahay Qorshaha istiraatijiyada Amniga Gudaha ee 2017 ilaa iyo 2020,waxayna sheegeen in Arrimaha Amniga yoolka saareysa siyaasadda amniga dalka saldhigna u ah Qorshaha horumarinta dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso shirka shiraa’id uu Wasiir Yariisow ku faah faahiyay