Home Blog Page 1328

Ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo soo xiray Shirkii ganacsiga ee ka socday Turkiga

0

Istanbul , May, 05, 2018– Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

Qadar iyo Turkiga oo gargaar gaarsiiyey Dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga Shabeelle

Baladweyne-(SNTV)– Midowga hay’adaha gargaarka Qadar ee (Qatar Charity)  iyo Dowladda Turkiga ayaa deeq gargaar oo kala duwan gaarsiisay Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Magaalada Baladweyne,iyado wafdigaasina uu hoggaaminayay kusimaha raiisul Wasaaraha dalka ahna raiisul Wasaare kuxigeen.

Hay’adaha Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA, ayaa Baladweyne geeyay deeq isugu jirtey  Lix nooc oo Raashin ah , waxaana ka faa’iideystay Shan Kun oo Qoys (5 Kun), waxa kaloo halkaasi la gaarsiiyey  Saddex Kun oo Bacaha   Roobka laga galo ah, iyadoo loo sameeyay  Boqol Musqulood, waxanay sidoo kale hay’adahaasi  halkaas ka billaabeen Biyo dhaamin, si Dadka u helaanBbiyo nadiif ah.

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed(Qadar) kusimaha raiisul wasaaraha Soomaaliya ahna raiisul wasaare kuxigeen ayaa deeqdaasi guddoonsiiyay madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare,iyadoo xubnaha wafdigaasi ay kamid ahaayeen Danjiraayasha  Dowladaha aan Walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga, Xildhibaanno iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda gargaarka,  waxayna dhamaantood sheegeen inay aad uga damqadeen dhibaatada baaxadda leh ee ay Fatahaaddu geysatay.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal, oo ku hadlay Magaca midowga hay’adaha Dowladaha Turkiga iyo Qadar ayaa sheegay in gargaarkan uusan ahayn kii ugu horreeyey, balse ay jiraan  gurmadyo badan oo wax looga qabad doono Dadka tabaalaysan.

Masuuliyiinta Dowladda federaalka ee halkaasi ku sugnayd ayaa intii howshan ku gudo jireen waxay Lagac gaaraysa Boqol Kun oo Doollar (100,000$) guddoonsiiyeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed  Cabdi Waare, taasoo ka timid maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa halkaasi kaga dhawaaqay Hal Milyan oo Doollar oo ay Dowladda dhexe ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ay waxyeellada ballaadhan ka soo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle.

“Dowladaha TUrkiga iyo Qadar oo ka jawaabayay baaqyada dowladda Soomaaliya waxaan dhihi karnaa garab istaaga Turkiga mid aad u wanaagsan,waxaan leenahay waa wiilashii Cusmaaniyiinta oo dib u soo rogaal celiyay,sidoo kale Dowladda Qadar oo walaalo nahay way nugu weynyihiin markasta way nagarabtaaganyihiin,waxaan leenahay waad mahadsantihiin,mudane Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku deeqday 1 Milyen oo dollar,gobolka Banaadir 100 kun oo dollar iyo shirkadaha ganacsi,naga guddoon Jeed ay lacagtaasi ku qorantahay”. ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeele ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya,dowladaha Qadar iyo Turkiga oo muujiyay isgarabtaag dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele.

Ra’iisul wasaare Khayre oo Istanbul Ganacsato kula kulmay (Sawirro)

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka Ganacsiga iy Warshadaha ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Ganacsato Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirkiisa Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)   kulanka ay magaalada Istanbul kula qaateen Ganacsatada Soomaliyeed ee ka qeyb-galay shirka maalgashiga Somali-Turkey Forum ee sannadlaha ah, kulanka waxaa joogey Safiirka Soomaaliya u fadhiyaha Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhageystay isbaddellada Ganacsi ee ay hormuudka ka tahay wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ee ka jira dalka, Ganacsatada ayaa ku ammaanay Xukuumadda juhdiga ay galineyso horumarinta Dhaqaalaha dalka oo uu sal u yahay Ganacsiga iyo Maalgashiga, waxa ay codsadeen in lagu gacan siiyo sidii ay dalka u keeni lahaayeen shirkado  badan oo dhanka Hirgelinta Maalgashiga iyo isdhaafsiga Ganacsiyada kala duwan ka shaqeeya, si loo iibgeeyo suuqa Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warsahadaha Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tilmaamay in Ganacsatadu ay Laf-dhabar u yihiin horumarka Soomaaliya ka jira, wasaarad ahaanna ay xil gaar ah iska saarayaan isku xirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, qeybna uu ka yahay shirka Somali-Turkey Forum ee Istanbul ka dhacay.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay doorka wasaaradda Ganacsiga iyo isbaddelka muuqda ee mudada kooban la gaaray, waxa uu dhiirageliyey in si xowli ah loo ballaariyo Suuq-geynta fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi ee Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Ganacstada Soomaaliyeed  bixinta Canshuuraha iyo ka qeyb-galka Tubta horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey in Ganacsatadu ay si weyn uga qeyb-qaataan gurmadka gobollada ay saameyeen Fatahaadaha, una rajeeyey in ay Ganacsiga Soomaaliya la tartan siiyaan dunida horumartay.

 

Shirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo ka furmay Magaalada Johannesburg

0

Pretoria (SNTV)- Waxaa Maanta Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ka furmay shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan.

Kulankan oo ay soo agaasintay Dowlada Japan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa, Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika iyo marti sharaf kala duwan oo shirka lagu casuumay.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.

Wafdiga ka socda Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah waxa ay la qaateen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Japan iyo Madaxweyne ku xigeenka hey’adda gargaarka iyo horumarinta Dalka Japaan, iyagoo kala hadlay sidii loo dar-dar galin lahaa mashaariicda Dowlada Japaan ay ka sameyso Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo Barri oo ay Bisha May tahay Shan, iyadoo inta uu socdana ay shirkadaha Dalka Japaan iyo kuwa Qaaradda Afrika ay kusoo bandhigi doonaan halkaasi wax soo saarkooda.

Munaasabad lagu Walaalaynayay Ciidamada Soomaaliyeed oo ka dhacday Muqdisho

Muqdisho-(SNTV)-Munaasabadan  lagu dhiirri gelinayay shaqada ay Qaranka u hayaan  Sadaxda Ciidan ee Militeriga  Asluubta iyo Booliska ayaa lagu qabtay xaruunta Gaadiidka Ciidanka  Booliska Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana ka qeyab  galay ku simaha Ra,iisul Wasaaraha ahna Ra,iisul wasaare ku xigeenka Dalka  gudoomiyaha Gobolka banaadir  Ahna Duqa muqdisho  Mudane  Cabdiraxmaan Cumar Cisamaan  {Injeneer yariisoow}  taliyayaasha Ciidamada Asluubta Militeriga iyo Booliska,  Wasiiro dhildhibaannada  Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka  Sarakiisha  Ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan iyo martisharaf.

Waxaana halkaasi Heeso guubaabo ah ka qaaday Hoballada matala Ciidamada Dalka, iyagoo soo bandhigay Suugaan muujineysa sida ay uga go,aan tahay difaaca Dalka iyo ka xoreenta  maleyshaadka Al-shabab.

Taliyaha  guud ee Ciidanka Asluubta soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed jaamac oo ku hadlayay Afka taliyaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in munaasabaddani  lagu dhiirri gelinayo Dhallinyarada cusub ee ku soo biiray Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo diyaar u ah inay Dalkooda Hooyo ka sifeeyaan kooxaha nabad diidka ah.

ku simaha Ra,iisul Wasaaraha Ahna Ra,iisul wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed {Qadar]  ayaa xusay  in Ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwa ayaga dartood lagu gaarayo hannanka Dawladnimada Soomaaliya loona bahanyahay in lagu baraarujiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cadawga banneystay daadinta dhiigga Shacabka  Soomaaliyeed .

Hannanka Walaalaynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka mid ah nidaamyada dardar gelinta xasilinta Dalka si ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka,si ay umadda  Soomaaliyeed  u helaan amni iyo nabad waarta.

 

Faah faahin ka soo baxaysa weerar ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

0

Kenya(SNTV) Weerarkan ayaa dad xog-ogaal ah oo deegaanka ah ay sheegeen inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku taalla Koonfurta Mnadera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya,kaasi oo dad rayid ah uu qasaar eka soo gaaray.

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Sida uu qorey Wargeyka lagu magacaabo The Daily Nation ee ka soo baxa wadanka Kenya oo soo xiganaya Madaxa Ammaanka ee Gobolkaasi ninka lagu magacaabo Kutswa Ololka ayaa wuxuu qorey wargeysku in la rumeysan yahay in weerarkaasi ay geysteen maleeshiyaad xiriir la leh koxda Alshabaab,wuxuna intaasi ku daray in aan weli sirasmi ah u cadayn qasaaraha  rasmiga ah ee halkaasi k adhashey.

Wararka ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi Kenya ayaa wadaan howlgalo lagu baadi goobayo ragii weerarkaasi ka dambeeyey.

Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa ku jira heegan ballaaran,tan iyo markii maleeshiyaadka argagaixisada ah ee Alshabaab ay kordhiyeen weerarada ay k ageysanayaan gudaha dalkaasi Kenya,waxaana dhowr jeer oo horey ay weeraro k ageysteen qeybo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya,sida Gaarisa iyo Mandheere,iyadoo inta badan laga hortagay dhagaraha ay u soo maleegaan shacabka.

Wasiirada Khayraadka Biyaha ee Jaamacadda Carabta oo shir ugu soo geba geboobey Kuwait

0

Kuwait(SNTV) Shir weynaha 3aad ee Arrimaha Biyaha Carbeed ee heer Wasiir ah ayaa lagu soo gabagabeeyay Dalka Kuwait,iyadoo go’aanada soo baxay ay yihiin kuwo waxtar u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana ka qeybgalay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya.

Wasiiradda Biyaha Carbeed ayaa isku afgartay in Dowladaha Carbeed iska kaashadan Horumarinta Kheyraadka Biyaha iyo habsami u maamulka ilaha Biyaha wadamadaasi.

Wasiiradu waxa ay isla gorfeeyen in Dowlaha Carbeed ee dhaqaalohoodu hooseeyo laga saacido mashaariicda horumarinta biyaha iyadoo Hay’adda Carbeed ee Horumarinta Biyaha laga codsaday in ay daraasad ku sameyso baahida dalalka u baahan in laga gacan siiyo Horumarinta Biyaha.

Kusimaha Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir Ku Xigeenka Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim  oo qudbad qaayo leh ka jeediyay shirweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladda Biyaha Dalka iyo dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga gacan siiyo,taas oo si weyn loogu dhag raariciyay.

kulamadii gaar gaarka  ahaa ee Wafdiga Soomaaliya ay la yeeshen wafuuda kala duwan ee Shirka ka soo qeybgashay ayaa dhammaan ku soo dhammaaday is afgarad iyo ballan qaadyo la xiriira mashaariic lagu horumarinayo Kheyraadka Biyaha in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Dawladda Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxdii ka socotay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0
Jabuuti (SONNA), Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa maanta kulan soo dhoweyn ah u sameeyey Wafigii ka socday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Taliyaha hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, waxaana uu ka xog wareystay Xaaladda Soomaaliya.
 
R/wasaare Kaamil, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay joogto marxalad aad u wanaagsan, isaggoo xusay in ay socdaan horumaro kala duwan oo dhinacyo badan leh.
 
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa kulankaasi ku Casuumay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo dalka Jabuuti tababar ku siiya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee mar walbo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, isaggoo siiyey Bilado abaal marin ah oo lagu dhiiri gelin ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhigiisa dalka Belgium oo ku kulmay Brussels

0

Brussels, May, 03, 2018—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo maalmahaan safar shaqo ku joogay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaasi, Charles Michel.

Xasan Cali Khayre iyo iyo a’iisul Wasaaraha Belgium, Charles Michel oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka hadlay arima muhiim u ah labada dowladood oo ay kamid tahay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.

“Waxa aan la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium, Charles Michel. Waxa aan ka wada hadalnay arima badan oo khuseeya labada dowladood oo ay kamid tahay xariirka soo jireenka iyo sida loo xoojin lahaa”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Kulanka Ra’iisul wasaare Kheyre uu la qaatay Charles Michel ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kulamo uu Brussels kula yeeshay masuulyiin ka tirsan midawga Yurub, kadib markii uu soo idlaaday kulankii looga hadlayay amaanka iyo hanaanka horumarka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels.

Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Aqalka sare oo maanta qabtay kullan dhageysi dadweyne ee sharciga Keyraadka biyaha Qaranka

0

Muqdisho(SNTV):- Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Bulshada qeybaheeda kala duwan,sida Ururada Bulshada rayidka,Qubarada Biyaha iyo deegaanka,qaar ka mid ah Macalimiinta Jaamacadaha ku yaalo magaalada Muqdisho,Wakiilo ka socday shirkadahha Biyaha siiya Shacabka Gobolka Banaadir,Wakiilo ka socday Hay’adaha Biyaha Kheyriga ah ka shaqeeya,Xubno isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro  ka kala socday Maamul Gobolleedyada dalka xubanaha ka ah Dowladda Federaalka,Qareeno sharci iyo dadweyne kale.kuwaasi oo aragtidooda ka dhiibtay sharciga la doonayo in loo sameeyo Kheyraadka Biyaha oo horay labo marxaladood u soo maray Xukuumadda iyo Golaha shacabka hadana uu horyaalo Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddiga Keyraadka Biyaha,kaabayaasha,dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Semator Ilyees Cali Xassan oo ay dhinac fadhiyeen ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in ujeedka loogu yeeray dadweynaha ay tahay in la dhageysto aragtidooda ku aadan sharciga Biyaha iyo haddii ay jiraan feker ay ku biirinayaan si loo soo saaro nidaam hagaya Kheyraadka Biyaha oo loo dhan yahay,wuxuuna dadweynaha kala duwan ee kullanka yimid uga mahad celiyay sida ay ugu heelan yihiin sameynta sharciga Kheyraadka Biyaha dalka.

Qaar ka mid ah Xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ee ka socday Maamulada shanta ah ee dalka ka jira ayaa soo dhoweeyay kullanka dhageysiga dadweynaha,waxayna sheegeen in sharciga Biyaha uu aas-aas u yahay nidaam Bulshada Biyaha si isku mid ah uga faa’ideysan karaan,iygaoona dhanka kale tilmaamay in muhiim ay tahay in wadatashi arrintaan lagala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed,maadama ay yihiin dadka sida tooska ah u saameyneyso.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka ee SOSCENSA,Diini Maxamed Diini oo kullanka dhageysiga dadweynaha ka hadlay ayaa sheegay iney muhiim tahay in la badiyo kullamada wadatashi ceynkan oo kale ee aragtidooda looga dhageysanayo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku saabsan sharciga Kheyraadka Biyaha,isagoona Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Aqalka sare ku ammaanay howsha adag ee Bulshada u hayaan.

Ugu danbeyntii,Dadweynihii ka soo qeyb galay Kullanka dhageysiga Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo Guddiga Keyraadka Biyaha,kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare ayaa isku raacay in si wadajir looga shaqeeyo hirgelinta sharciga Keyraadka Biyaha Qaranka,kaasi oo lagu dabaqayo nidaamka Federaalka ah ee dalka uu qaatay.

Golaha Aqalka sare ayaa hadda waxaa horyaalo dhowr sharci oo uu ka mid yahay sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka,kaasi oo hadda laga tala gelinayo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool shanta Maamul Gobolleed iyo Gobolka Banaadir si loo helo aragti mideysan oo lagu dabaqo sharciga ka dibna marka la isku raaco uu Golaha uu ansixiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo si uu u saxiixo faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro si loo dhaqan geliyo.