Shirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo ka furmay Magaalada Johannesburg

Date:

Pretoria (SNTV)- Waxaa Maanta Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ka furmay shir looga hadlayo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee Dalalka Qaaradda Afrika iyo Jabaan.

Kulankan oo ay soo agaasintay Dowlada Japan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa, Criral Ramaphosa, Wasiirro ka socda Dowlaha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ,iyo Wasiiro ka socda Dalka Japan, madax ka socotay ururo caalami ah,shirkadaha ganacsiga ee ugu waaweyn Dalka Japan iyo Dalalka Qaaradda Afrika iyo marti sharaf kala duwan oo shirka lagu casuumay.

Ujeedka shirka waxaa uu ahaa maalingalinta Dowladda Japaan ay ka sameyneyso Dalalka Qaaradda Africa iyo sidii ay iskaashi dhaqaale iyo mid ganacsi oo dhow u sameysan lahaayeen Labada dhinac.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr iyo Agaasimaha xariirka caalamiga ah , Daahir Salaad Xasan ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkan heerka caalami ah.

Wafdiga ka socda Wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah waxa ay la qaateen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Japan iyo Madaxweyne ku xigeenka hey’adda gargaarka iyo horumarinta Dalka Japaan, iyagoo kala hadlay sidii loo dar-dar galin lahaa mashaariicda Dowlada Japaan ay ka sameyso Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo Barri oo ay Bisha May tahay Shan, iyadoo inta uu socdana ay shirkadaha Dalka Japaan iyo kuwa Qaaradda Afrika ay kusoo bandhigi doonaan halkaasi wax soo saarkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...