Home Blog Page 1329

Wasiir C/raxmaan Iidaan”Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa”

0

Muqdisho(SNTV):–3-da May, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan, Sanadkan waxaa cinwaanku yahay Hubinta Awoodda Maamulada, Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga, Dabaaldegyada sanadkan 2018.

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta, kusimaha Agaasimaha guud ahna Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda Warfaafinta  iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qaybgalay  Munaasabo kala duwan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo hambalyo u diray dhamaan suxufiyiinta.

“Maanta meesha aan ka joogno Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa, taas oo ku timid dhabar adeeggii ay u soo galeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kaleba kala soo kulmay hasa ahaatee mirihii  maanta la joogo”. ayuu yiri sii hayaha Wasiirka Warfaafinta.

Mudane Cabdirixmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay  in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda, sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradda ay ku mashquulsan tahay sidii xiriirkooda loo adkeyn lahaa Warbaahinta, wuxuuna tilmaamay in ay rajeynayaan in dhawaan ay Baarlamaanka ansixiyaan xeerka Saxaafadda.

“Wasaaradda waxa ay ku howlan tahay isku xirka Warbaahinta Soomaaliyeed, innaga oo shirar ku kala qabanay qeybo badan oo dalka ka mid ah, taasi oo wadada u xaareysa fursad siinta xoriiyadda hadalka si akhlaaq ay ku jirto, waxaan markale ku amaanayaa warbaahinta dadaalka wanaagsan ee ay hayaan,” Ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Iidaan.

Dhamaan madaxdii kale iyo masuuliyiintii hadashay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan dhowritaan (Protection) iyo in ay dhamaanta la xisaabtan la’aanta kuwa tacadiyada u geysta bahda warbaahinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yarisow oo Daah Furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Caasimadda

0

Muqdisho, 03 Maajo, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Benaadir, ayaa sheegay ujeedka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay in ay tahay shacabka talada in dib loogu celiyo.

Barnaamijkan ayaa waxaa dhinac socda qorshaha Isku xirka Maamulada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka dalka, arrimaha lagu falan qeeyey kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dowrarka iyo kaalinta Maamullada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo garsoorka Degmooyinka Gobolka Banaadir, Hoggaaminta suuban, Xalinta Khilaafaadka, sareynta sharciga iyo Dawladda wanaagga.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay bulshada iyo Dawladnimada Soomaaliya in la hello maamul hoos laga soo dhisey, si bulshadu ay iyagu go’aan uga gaarto cidda matalaysa.

“Si magaalada Muqdisho looga hirgeliyo dimuqoraadiyad hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona muwaadinkuna u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto, waxaan bilownay geeddigan oo leh habraac dhameystiran oo ku jirto wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Garsoorka dalka”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka ku nool Caasimadda in loo dhaweeyey maamulka, isla markaana arrintaas ay ka dhalatay kalsooni iyo wadashaqeyn buuxda. Waxuna xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shacabku ay yeeshaan talada lagu hagayo deegaankooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan maamuus ah u sameeyey Xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano

Muqdisho (SNTV), 3 March 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay Guddiga Ciyaaraha Qaranka, Macalimiinta, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahannada Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka yartahay 17 sano.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee heer Qaran, daadaalka ay muujiyeen iyo sida ay caalamka ugu soo bandhigeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lahaan karaan saaxada tartannada heer qaaradeed.

“Annaga waxa ay noo xisaabsan tahay in aad guuleysateen, sababtoo ah waxaad ka soo guuleysateen intaas oo dal, idinkoo dalkiinnu uu soo kabanayo ayaad ka badiseen dowlado badan oo aan bur bur ku dhicin, dowladahaas oo sannadadii aan bur burka ku jirnay iyagu soo dhismayey.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka iyo shaqaalha Wasaaradda Cayaaraha, dhallinyarada iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen da’yarta heer Qaran iyo guud ahaan cayaaraha dalka.

Xulka Da’yarta Qaranka ee U-17ka ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Koobka Qaaradda Afrika ee 17-jirrada oo saddex bilood kaddib fumi doona.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar kamid ah guddiyada Midawga Yurub

0

Brussels, May, 03, 2018—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen guddiyada Midawga Yurub u qaabishan Badaha, kaluumeysiga iyo gargaarka.

Kulanka hore oo looga wada hadlay sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka Soomaaliya, ayuu Ra’iisul wasaare Khayre la yeeshay guddiga midawga Yurub ee arimaha badaha iyo Kaluumeysiga.

kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota maamul gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Raiisul wasaare Kheyre waxa uu kusoo ban-dhigay qorshayaal ku saabsan sidii midawga Yurub uga taageeri lahaa Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka iyo kalluunka.

intii uu socday kulanka, waxaa lagu lafa guray hanaanka ugu haboon ee si wadajir looga faa’iideyn karo shacabka Soomaaliyeed kalluunka iyo khayraadka badaha dalka.

Guddoomiyaha Guddida arimaha badadaha iyo kalluumaysiga Midowga Yurub, Karmenu Vella, ayaa soo dhaweeyey dadaallada xukuumadda ee ku aaddan in loo midoobo hanaanka Soomaaliya ay khayraadkeeda ula soo bixi lahayd ugana faa’iideysan lahayd si dalku u gaaro isku filanaansho dhaqaale.

Kulan kale ayuu Ra’iisul wasaare Kheyre la yeeshay Gudoomiyaha guddiga gargaarka iyo kahor tagga musiibooyinka, Christos Stylianides, waxa ayna ka wada hadleen arimaha gargaagka gaar ahaan qaabka loo caawin karo kumanaanka kun ee daadadku barakiciyeen. Christos Stylianides ayaa ballan qaaday in midawga Yurub uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya.

Brussels, May, 03, 2018—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen guddiyada Midawga Yurub u qaabishan Badaha, kaluumeysiga iyo gargaarka.

Kulanka hore oo looga wada hadlay sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka Soomaaliya, ayuu Ra’iisul wasaare Khayre la yeeshay guddiga midawga Yurub ee arimaha badaha iyo Kaluumeysiga.

kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota maamul gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Raiisul wasaare Kheyre waxa uu kusoo ban-dhigay qorshayaal ku saabsan sidii midawga Yurub uga taageeri lahaa Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka iyo kalluunka.

intii uu socday kulanka, waxaa lagu lafa guray hanaanka ugu haboon ee si wadajir looga faa’iideyn karo shacabka Soomaaliyeed kalluunka iyo khayraadka badaha dalka.

Guddoomiyaha Guddida arimaha badadaha iyo kalluumaysiga Midowga Yurub, Karmenu Vella, ayaa soo dhaweeyey dadaallada xukuumadda ee ku aaddan in loo midoobo hanaanka Soomaaliya ay khayraadkeeda ula soo bixi lahayd ugana faa’iideysan lahayd si dalku u gaaro isku filanaansho dhaqaale.

Kulan kale ayuu Ra’iisul wasaare Kheyre la yeeshay Gudoomiyaha guddiga gargaarka iyo kahor tagga musiibooyinka, Christos Stylianides, waxa ayna ka wada hadleen arimaha gargaagka gaar ahaan qaabka loo caawin karo kumanaanka kun ee daadadku barakiciyeen. Christos Stylianides ayaa ballan qaaday in midawga Yurub uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya.

Wasiir Maareeye oo shir guddoomiyay shir ku saabsan iskaashiga Ganacsi Soomaaliya iyo Turkey oo Istanbul ka dhacay

0

Istanbul(SNTV) Shirkan oo looga hadlayo horumarinta iyo iskashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee Dalkaasi Turkiga ,iyadoo uu shir guddoominayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya shirkado ganacsi oo laga leeyahay wadamada Soomaaliya iyo Turkiga,kuwaasi oo gaaraya ilaa 100 shirkadood oo ganacsi,iyaga  oo ka wada hadlay isdhaafsiga aragti ku dhisan Maalgashi iyo fursado kale oo ka bannaan labada dal.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya waxaa ku wehliya shirkaasi wafuud ka kala socota Dowlada Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo rugaha ganacsi ee dalka kajira,waxaana la isdhaafsaday argti ku aadan sida la isaka kaashan karo horumarinta ganacsiga ee labada Dal.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dalka loo gaar siin lahaa horumar ballaaran,iyadoo loo marayo wadiiqooyinka maalgashineed.

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo ku aaddan Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka u diray Wariyeyaasha Soomaaliyeed

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada Saxaafadda Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, faafinta horumarka dalka, ilaalinta xasilloonida iyo midnimada shacabka.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda. Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey dhowrista xorriyadda hadalka, maadaama ay tahay xaq dastuuri ah oo muuwaadin kasta uu leeyahay, iyadoona dhanka kale ay waajib tahay in loo hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka Qaranka uga dagsan Saxaafadda oo ay ka mid tahay Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed ee ay ansixiyeen Baarlamaanka dalka.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay Bahda Saxaafadda in ay sii labo-jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Jabuuti(SNTV);- Sarreeye guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo muddo seddex bilood ah dalkaan tababar ku qaatay.

General Kediye oo ku hadlayey Magaca Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Dawladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Dawladda Talyaaniga uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee tababarka ay u siiyeen Ciidaka maanta tababarka loo soo xiray.

Ciidanka Tabarka loo soo xiray ayaa goobta ku soo bandhigay waxyabihii la baray mudada uu tabarka u socday waxyaabihii ay soo bandhigeen waxaa kamid ahaa sida looga hortago rabshadaha xilliyada ay mudaaharaadyada ay socdaan.

Madaxweynaha Kenya oo balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV);- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ballan qaaday in dalkiisu uu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay in xasilloonidoodu ay asaas u tahay nabad galiyada dalkiisa.

Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal qani ah ay dhibaato ku hayaan dad Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaya Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,wuxuuna balanqaaday in Kenya ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya, si ay u sii xoogeysato hannaanka dowladnimo ee ka jira.

“Waxaan ka shaqeynay in aan xaqiijinno garab istaagga Soomaaliya iyo in ay hesho taageero ku haboon caqabadaha hor yaalla, waan sii wadaynaa in aan arrinkas ka shaqeyno. Soomaaliya waa taageernay, waana sii wadi doonaa inaan gacan ka geysano in shacabka Soomaaliyeed ay dhistaan dawlad adag oo xasiloon.” Ayuu ku yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Khudbadda uu ka jeedeyey Mudanayaasha Baarlamaanka Dalkas

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa ammaanay Ciidanka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya,kuwaasi oo ka caawiya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada AlShabaab.

Mr. Kenyatta ayaa sheegay in danta Kenya ay tahay Soomaaliya oo degan,isagoona xusay in Soomaaliya uu yahay wadan dagaalo sokeeye aafeeyeen,balse si dhaqsi ah hadda u soo kabsanaya.

UN ENVOY PRAISES COURAGE AND DEDICATION OF SOMALI JOURNALISTS ON WORLD PRESS FREEDOM DAY

0

Marking World Press Freedom Day, the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating, today commended the courage and dedication of the country’s journalists who operate in one of the world’s most dangerous environments for media workers.

“I salute the hundreds of Somali journalists who risk their lives on a regular basis to do their job,” said Mr. Keating. “A truly free and independent news media is indispensable in all democratic societies, an essential means to hold the powerful to account. An essential component for the media to do its job is ending the culture of impunity that, unfortunately, prevails for crimes committed against journalists.”

This year’s observance of the day is taking place under the theme ‘Keeping Power in Check: Media, Justice and The Rule of Law.’ The theme is particularly relevant to Somalia: according to the New York-based Committee to Protect Journalists (CPJ), no one has been brought to justice for the murders of 26 journalists over a ten-year period, and for the third consecutive year Somalia was given the worst track record worldwide for unsolved murders of journalists in the CPJ’s 2017 Global Impunity Index.

The Human Rights and Protection Group of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), which Mr. Keating heads, has documented continuing violations of the right to freedom of expression, including the closure or suspension of 14 media outlets in Somalia between August 2016 and March 2018 and the arbitrary arrest and detention of 131 people for reasons related to freedom of expression during the same period.

The UN Special Representative urged members of the Federal Parliament to resume their deliberations over an amended version of Somalia’s 2016 Media Law and give due consideration to a list of recommended changes to the law submitted by the country’s leading media associations last year.

UNSOM and the Office of the UN High Commissioner for Human Rights will issue a public report later this year that details the continuing restrictions on press freedoms in Somalia since they jointly published a 2016 report on the right to freedom of expression.

Wasiir Iidaan “Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 3-da May maalinta xorriyadda hadalka”

0

Muqdisho, 03 Maajo, 2018—maanta oo kale 3-da May waa maalin ku weyn dhammaan bahda warfaafinta adduunka iyo midda Soomaaliyeed, macdamaa loo asteeyey in ay tahay maalinta xorriyadda hadalka, ugu horreyn waxaan hambalyo u dirayaa Warbaahinta Soomaaliyeed oo aan aaminsanahay in ay kaalin weyn ka cayaaraan in Soomaaliya ay ku faanto xorriyadda hadalka.

“maanta meesha aan ka joogno Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa, taas oo ku timid dhabar adeeggii ay u soo galeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kaleba kala soo kulmay hasa ahaatee mirihii  maanta la joogo”.

Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed  saaxiibbadii ay ku waayeen iyaga oo ku taagan helitaanka xorriyadda hadalka, waxaana EEBBE uga baryeennaa in uu siiyo Jannadiisa Fardowsa.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay dhiiragalineysaa Xorriyadda hadalka iyadoo aan la leexaneyn xeerarka iyo shuruucda dalkaan u yaalla, dhowaan waxaan rajo weyn ka qabnaa in Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed uu ka soo gudbo goleyaasha sharci dejinta, marka uu madaxweynaha dalka saxiixana waa midka aan isku dhaqi doonoo oo aan heshiiska ku nahay.

Waxaa lagama maarmaan ah in warbaahinta Soomaaliyeed ay masuuliyad dheeri ah iska saaraan sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarinta dowladnimada iyo dhismaha dalkooda iyagoo ka fogaanaya in loo adeegsado burburin iyo u adeegidda fikrad aan Soomaali aheyn.

Waxaan ugu baaqayaa Warbaahinta Soomaaliyeed in ay xil iska saaraan gurmadka dadka masaakiinta ah ee ay Webiyada Shabeelle iyo Jubba ku soo fataheen, gacanna la siiyo guddiga Qaran ee uu madaxda u yahay ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, dowladda Soomaaliya waxa ay ku yaboohdey lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo gurmadka looga qeyb-qaadanayo, warbaahintuna waxaa muhiim ah in ay mudnaanta koowaad siiyaan wararkaa ayna sameeyaan barnaamijyo gargaarka ku saabsan.

Wasaaraddu waxa ay ku howlan tahay isku xirka warbaahinta Soomaaliyeed, annagoo shirar ugu qabannay Muqdisho iyo Garoowe si loo dhiirageliyo loogana wada shaqeeyo danta dalka, taas oo waddada u xaareysaa fursad siinta xorriyadda hadalka si ay AKhlaakh ku jirto, lana dhowrayo Dastuurka  dalka iyo Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.

Mar kale ayaan ku ammaanayaa Warbaahinta dedaalkooda wanaagsan, waxaana ku dhiiragelinayaa in ay sii wadaan howsha danaha dalka u adeegeysa.

 

                             ——DHAMMAAD—-