Home Blog Page 1329

R/W Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha Xukuumadda, si loo dar-dargeliyo barnaamijka isla-xisaabtan oo horey ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Khayre ayaa kormeer ku tagey Wasaaradaha Gaadiidka iyo Maaliyadda, halkaas oo kula kulmay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo xiligii uu kormeer ku jirey shaqeynayay, waxuuna ku bogaadiyey sida ay uga dhabeeyeen waqtigii shaqada loo jaan-gooyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii ku jirey kormeerkiisa wuxuu mid mid u booqday qeybaha ay ka kooban yihiin wasaaradahaasi, isagoo kula dar-daarmay shaqaalaha iney ilaaliyaan xiliga shaqada isla markaana ay dawladdu la xisaabtameyso cid walba oo mushaar ka qaadata.

 

Maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan oo lagu dilay Bay

0

Bay(SONNA) Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  ka warbixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degaanno hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, gaar ahaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Alshabaab.

Maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab ayaa lagu dilay weerarkaasi,islamarkaana gacanta lagu dhigay kuwo kale sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuura Diin Abuukar.

Ma’uusan sheegin inta ay la egtahay tirada Shabaabka lagu dilay howlgaladaasi,balse wuxuu xusay in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo tiro kale oo nolol lagu qabtay.

Deegaanada howlgaladaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay gaar ahaan wadada xiriirisa  Muqdisho iyo Baydhabo ,halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey Shabaab ay ka bilaabeen in shacabku ay waddadaasi ay ku dhibaateeyaan.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab,gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan dagaal ka dhan ah maleeshiyadaasi.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo gaaray K/Afrika

0

K/Afrika(SONNA) Xildhibaan ka socda Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Cape-Town ee dalka koofur Afrika,waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi kusoo dhaweeyay jaaliyadda soomaaliyeed.

Jaaliyadda ayaa soo dhaweyn wanaagsan u sameysay  senator,Abdi Axmad Dhuxulow (dhegdheer) oo garoonka diyaaradaha ee magaalada cape town kula hadlay jaaliyadda kadib marki diyaaraddii sidday ay soo caga dhigatay ayaa dhankiisa u muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay la kulanka shacabkiisa,maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee masuuliyiin ka socota Aqlka sare ee Dowlada Fedaraalka soomaaliya ay yimaadaan magaaladaan cape town.

Ali Calasow, Abuukar Bunka iyo Mahad Cumar Cabbdi oo ka mid ahaa odayaashi ka qeyb galay soo dhaweynata oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay soo booqdaan.

Ugu dambeyntii Senator Abdi Axmed (Dhuxulow) ayaa u mahadceliyay shacabkii soo dhaweeyay si koobanna warbixin uga siiyay waxyaabaha socdaalkiisu ku aadanyahay,wuxuuna xusay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay u kuurgalaan xaaladda Soomaalida ku nool halkaasi.

Dowladda Lubnaa oo ku baaqday cunaqabatayn la saaro Mareykanka

0

Lubnaan(SONNA) Gebran Bassil oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka  Lubnaan, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Xukuumadda Washington,si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka,taasi oo ay ku tilmaantay wadada kaliyah oo looga aarsan karo Mareykanka.

Hadalka ka soo baxay Dowladda Lubnaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo wadamada Islaamku ay ka fekerayaan sidii laga yeeli lahaa go’aanku uu qatay Mareykankaiyo in laga jawaabo.

Waxaa kale oo ka jiray magaalada Qaza deganaansho la’aan kaddib dibadbaxyo ka dhacayay halkaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Daanta Galbeed ee Israil ay heysato.

Waxaa dhamaan dunida Muslimku ay ka midaysantahay aragtida ku aadan talaabada uu qaaday madaxweyne Donald Trump,taasi oo walaac u abuurtay bulshada caalamka

Koxda Kubadda Cagta K/Galbeed oo 1-0 kaga badisay Hirshabeele iyo labada madaxweyne oo ka hadlay+Sawiiro

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa  maalintii labaad ka dhacay magaalada Muqdisho tartankii ciyaaraha Gobolada,iyado maanta ay isaga hor yimaadeen kooxaha ku badda cagta Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Waxaa goobjoog ka ahaa Daawashada ciyaartan Madaxweynaha  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KoofurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u kululayd ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan,hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda labada dhinac ay bilaabeen dardar cusub,muddo kadib ayaa waxaa ay la yimadeen Koonfur Galbeed goal taasi oo ka dhigtay  in ay ku soo dhamaato ciyaarta K/Galeed 1-0 Hirshabeele.

Madaxweyne Shariif Xasan iyo Maxamed Cabdi Waare oo hadalo kooban halkaasi ka jeediyay ayaa dhiiro geliyay habsami u socodka Ciyaaraha socda,waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay arrin lagu farxo in horumaro ay sameynayaan bulshada,kubadda cagtuna ay qeyb ka tahay.

Tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada oo shalay si rasmi ah uga furmay garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wada ciyaaray xulka Banaadir iyo Jubbaland,ciyaarta ayaa 2-1 waxaa ku badiyay xulka Banaadir.

Kulan looga tashanayo dib usoo celinta Shirkaddii Somali Airline oo ka furmay Muqdisho”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Kulankaan ayaa looga hadlayey sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline.

Kulanka ayaa intii u socdey waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada  Mudane C/Raxmaan oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.

Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa mudo dheer soo waday qorshaha la doonayo in dib loogu soo celiyo shirkaddii Diyaaradaha Somali Airline, iyada oo sameysay wadatashiyo iyo shirar kala duwan oo arintaasi looga hadlayo.

 

 

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Faransiiska”Sawirro

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka faransiiska ayaa la kulmay agaasimaha socdaalka dalka Faransiiska, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen kusimaha safiirka ahna qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ku leedahey dalka Faransiiska iyo madax kale.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi iyo dhigiisa Faransiiska ayaa ka wada  hadley iskaashiga dhinaca arrimaha socdaalka, isdhaafsiga khibradaha iyo Baasaboorka Soomaaliya, isaga oo agaasimuhu ku wareejiyey saraakiisha Faransiiska tusaalaha baasaboorka Soomaaliya (Specimen).

Labada dhinac ayaa isla gartey in ay yeeshaan kulamo joogto ah iyo kuwo sanadle ah, islamarkaana la iska kaashado arrimaha la xariira socdaalada iyo jinsiyadda labada dal.

Dowladda Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay deeq dawo ah oo gaareysa 5-tan”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Diyaarad nuuca Mileteriga ah oo ka timid dalka Masar, islamarkaana siday deeq daawo ah oo gaareysa 5-tan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qunsulka Safaaradda Masar kala wareegay deeqdani waxaana goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo madax kale.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud ayaa uga mahad celiyay Dowlada Masar deeqda ay soo gaarsiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo la wareegay deeqadni daawada ah oo gaareysa 5-tan ayaa goobta ka sheegay  in daawadani la geyn doono goobaha loogu tala galay.

Dowladda Masar ayaa ka mid ah Dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana door muuqda ka qaadata hormarinta arrimaha aas aasiga u ah bulshada, sida waxbarashada caafimadka iyo qaar kale oo badan.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Xukuumadaydu wax Dulqaad ah uma yeelan doonto Musuqmaasuqa”

0

Muqdisho, December 9, 2017–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah uma yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta.

“Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa,  Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaari karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga.

Madaxweynaha oo ugu baaqay Madaxda Afrika in la iska kaashado abuurista jawi maalgashi.

0

 

Muqdisho, Disembar 9, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey fagaare ay ka soo qeyb galeen Madaxda Afrika ee shirkan qeybta ka ah, maamulayaal bangiyo caalami ah, ganacsato, khubaro dhaqaale iyo maal-qabeenno ayaa yiri “kulamadani waxa ay muujinayan baahida aan u qabno in aan abuurno jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso. Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.“

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah macdanta noocyadeeda kala duwan, gaaska dabiiciga ah iyo saliidda kuwaas oo dhammaantood soo jiidanaya indhaha maalgashade-yaasha Afrika iyo caalamkaba, waxaan kale oo leennahay xeebta ugu dheer Afrika iyo dhul aad u ballaaran oo ku habboon beeraha iyo wax soo saarka taas oo suurta gelineysa in Soomaaliya ay hormuud u noqoto haqab-tirka baahiyaha cunto ee Qaaradda Afrika.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.