Qadar iyo Turkiga oo gargaar gaarsiiyey Dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga Shabeelle

Date:

Baladweyne-(SNTV)– Midowga hay’adaha gargaarka Qadar ee (Qatar Charity)  iyo Dowladda Turkiga ayaa deeq gargaar oo kala duwan gaarsiisay Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Magaalada Baladweyne,iyado wafdigaasina uu hoggaaminayay kusimaha raiisul Wasaaraha dalka ahna raiisul Wasaare kuxigeen.

Hay’adaha Qatar Charity, Bisha Cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA, ayaa Baladweyne geeyay deeq isugu jirtey  Lix nooc oo Raashin ah , waxaana ka faa’iideystay Shan Kun oo Qoys (5 Kun), waxa kaloo halkaasi la gaarsiiyey  Saddex Kun oo Bacaha   Roobka laga galo ah, iyadoo loo sameeyay  Boqol Musqulood, waxanay sidoo kale hay’adahaasi  halkaas ka billaabeen Biyo dhaamin, si Dadka u helaanBbiyo nadiif ah.

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed(Qadar) kusimaha raiisul wasaaraha Soomaaliya ahna raiisul wasaare kuxigeen ayaa deeqdaasi guddoonsiiyay madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare,iyadoo xubnaha wafdigaasi ay kamid ahaayeen Danjiraayasha  Dowladaha aan Walaalaha nahay ee Qatar iyo Turkiga, Xildhibaanno iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda gargaarka,  waxayna dhamaantood sheegeen inay aad uga damqadeen dhibaatada baaxadda leh ee ay Fatahaaddu geysatay.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Mursal, oo ku hadlay Magaca midowga hay’adaha Dowladaha Turkiga iyo Qadar ayaa sheegay in gargaarkan uusan ahayn kii ugu horreeyey, balse ay jiraan  gurmadyo badan oo wax looga qabad doono Dadka tabaalaysan.

Masuuliyiinta Dowladda federaalka ee halkaasi ku sugnayd ayaa intii howshan ku gudo jireen waxay Lagac gaaraysa Boqol Kun oo Doollar (100,000$) guddoonsiiyeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed  Cabdi Waare, taasoo ka timid maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa halkaasi kaga dhawaaqay Hal Milyan oo Doollar oo ay Dowladda dhexe ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ay waxyeellada ballaadhan ka soo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle.

“Dowladaha TUrkiga iyo Qadar oo ka jawaabayay baaqyada dowladda Soomaaliya waxaan dhihi karnaa garab istaaga Turkiga mid aad u wanaagsan,waxaan leenahay waa wiilashii Cusmaaniyiinta oo dib u soo rogaal celiyay,sidoo kale Dowladda Qadar oo walaalo nahay way nugu weynyihiin markasta way nagarabtaaganyihiin,waxaan leenahay waad mahadsantihiin,mudane Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku deeqday 1 Milyen oo dollar,gobolka Banaadir 100 kun oo dollar iyo shirkadaha ganacsi,naga guddoon Jeed ay lacagtaasi ku qorantahay”. ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeele ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya,dowladaha Qadar iyo Turkiga oo muujiyay isgarabtaag dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...