Munaasabad lagu Walaalaynayay Ciidamada Soomaaliyeed oo ka dhacday Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Munaasabadanย  lagu dhiirri gelinayay shaqada ay Qaranka u hayaanย  Sadaxda Ciidan ee Militerigaย  Asluubta iyo Booliska ayaa lagu qabtay xaruunta Gaadiidka Ciidankaย  Booliska Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana ka qeyabย  galay ku simaha Ra,iisul Wasaaraha ahna Ra,iisul wasaare ku xigeenka Dalkaย  gudoomiyaha Gobolka banaadirย  Ahna Duqa muqdishoย  Mudaneย  Cabdiraxmaan Cumar Cisamaanย ย {Injeneer yariisoow}ย ย taliyayaasha Ciidamada Asluubta Militeriga iyo Booliska,ย ย Wasiiro dhildhibaannadaย  Aqalka Sare iyo Golaha Shacabkaย  Sarakiishaย  Ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan iyo martisharaf.

Waxaana halkaasi Heeso guubaabo ah ka qaaday Hoballada matala Ciidamada Dalka, iyagoo soo bandhigay Suugaan muujineysa sida ay uga go,aan tahay difaaca Dalka iyo ka xoreentaย  maleyshaadka Al-shabab.

Taliyahaย  guud ee Ciidanka Asluubta soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed jaamac oo ku hadlayay Afka taliyaasha Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in munaasabaddani ย lagu dhiirri gelinayo Dhallinyarada cusub ee ku soo biiray Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo diyaar u ah inay Dalkooda Hooyo ka sifeeyaan kooxaha nabad diidka ah.

ku simaha Ra,iisul Wasaaraha Ahna Ra,iisul wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleedย {Qadar]ย ย ayaa xusayย  in Ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwa ayaga dartood lagu gaarayo hannanka Dawladnimada Soomaaliya loona bahanyahay in lagu baraarujiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen cadawga banneystay daadinta dhiigga Shacabkaย  Soomaaliyeedย .

Hannanka Walaalaynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka mid ah nidaamyada dardar gelinta xasilinta Dalka si ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka,si ay umaddaย  Soomaaliyeedย  u helaan amni iyo nabad waarta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...