Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Aqalka sare oo maanta qabtay kullan dhageysi dadweyne ee sharciga Keyraadka biyaha Qaranka

Date:

Muqdisho(SNTV):- Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Bulshada qeybaheeda kala duwan,sida Ururada Bulshada rayidka,Qubarada Biyaha iyo deegaanka,qaar ka mid ah Macalimiinta Jaamacadaha ku yaalo magaalada Muqdisho,Wakiilo ka socday shirkadahha Biyaha siiya Shacabka Gobolka Banaadir,Wakiilo ka socday Hay’adaha Biyaha Kheyriga ah ka shaqeeya,Xubno isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro  ka kala socday Maamul Gobolleedyada dalka xubanaha ka ah Dowladda Federaalka,Qareeno sharci iyo dadweyne kale.kuwaasi oo aragtidooda ka dhiibtay sharciga la doonayo in loo sameeyo Kheyraadka Biyaha oo horay labo marxaladood u soo maray Xukuumadda iyo Golaha shacabka hadana uu horyaalo Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddiga Keyraadka Biyaha,kaabayaasha,dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Semator Ilyees Cali Xassan oo ay dhinac fadhiyeen ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in ujeedka loogu yeeray dadweynaha ay tahay in la dhageysto aragtidooda ku aadan sharciga Biyaha iyo haddii ay jiraan feker ay ku biirinayaan si loo soo saaro nidaam hagaya Kheyraadka Biyaha oo loo dhan yahay,wuxuuna dadweynaha kala duwan ee kullanka yimid uga mahad celiyay sida ay ugu heelan yihiin sameynta sharciga Kheyraadka Biyaha dalka.

Qaar ka mid ah Xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ee ka socday Maamulada shanta ah ee dalka ka jira ayaa soo dhoweeyay kullanka dhageysiga dadweynaha,waxayna sheegeen in sharciga Biyaha uu aas-aas u yahay nidaam Bulshada Biyaha si isku mid ah uga faa’ideysan karaan,iygaoona dhanka kale tilmaamay in muhiim ay tahay in wadatashi arrintaan lagala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed,maadama ay yihiin dadka sida tooska ah u saameyneyso.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada rayidka ee SOSCENSA,Diini Maxamed Diini oo kullanka dhageysiga dadweynaha ka hadlay ayaa sheegay iney muhiim tahay in la badiyo kullamada wadatashi ceynkan oo kale ee aragtidooda looga dhageysanayo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku saabsan sharciga Kheyraadka Biyaha,isagoona Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Aqalka sare ku ammaanay howsha adag ee Bulshada u hayaan.

Ugu danbeyntii,Dadweynihii ka soo qeyb galay Kullanka dhageysiga Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo Guddiga Keyraadka Biyaha,kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare ayaa isku raacay in si wadajir looga shaqeeyo hirgelinta sharciga Keyraadka Biyaha Qaranka,kaasi oo lagu dabaqayo nidaamka Federaalka ah ee dalka uu qaatay.

Golaha Aqalka sare ayaa hadda waxaa horyaalo dhowr sharci oo uu ka mid yahay sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka,kaasi oo hadda laga tala gelinayo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool shanta Maamul Gobolleed iyo Gobolka Banaadir si loo helo aragti mideysan oo lagu dabaqo sharciga ka dibna marka la isku raaco uu Golaha uu ansixiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo si uu u saxiixo faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro si loo dhaqan geliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...