Raโ€™iisul Wasaare Kheyre iyo dhigiisa dalka Belgium oo ku kulmay Brussels

Date:

Brussels, May, 03, 2018โ€”-ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo maalmahaan safar shaqo ku joogay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaasi, Charles Michel.

Xasan Cali Khayre iyo iyo aโ€™iisul Wasaaraha Belgium, Charles Michel oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka hadlay arima muhiim u ah labada dowladood oo ay kamid tahay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.

โ€œWaxa aan la kulmay Raโ€™iisul wasaaraha dalka Belgium, Charles Michel. Waxa aan ka wada hadalnay arima badan oo khuseeya labada dowladood oo ay kamid tahay xariirka soo jireenka iyo sida loo xoojin lahaaโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul wasaare Kheyre.

Kulanka Raโ€™iisul wasaare Kheyre uu la qaatay Charles Michel ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kulamo uu Brussels kula yeeshay masuulyiin ka tirsan midawga Yurub, kadib markii uu soo idlaaday kulankii looga hadlayay amaanka iyo hanaanka horumarka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...