Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhigiisa dalka Belgium oo ku kulmay Brussels

Date:

Brussels, May, 03, 2018—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo maalmahaan safar shaqo ku joogay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaasi, Charles Michel.

Xasan Cali Khayre iyo iyo a’iisul Wasaaraha Belgium, Charles Michel oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka hadlay arima muhiim u ah labada dowladood oo ay kamid tahay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.

“Waxa aan la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium, Charles Michel. Waxa aan ka wada hadalnay arima badan oo khuseeya labada dowladood oo ay kamid tahay xariirka soo jireenka iyo sida loo xoojin lahaa”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Kulanka Ra’iisul wasaare Kheyre uu la qaatay Charles Michel ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kulamo uu Brussels kula yeeshay masuulyiin ka tirsan midawga Yurub, kadib markii uu soo idlaaday kulankii looga hadlayay amaanka iyo hanaanka horumarka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...