Home Blog Page 1327

Midowga Yurub oo €100 milyan Euro ah ku kaalmeynayo miisaaniyadda dowladda.

0

Muqdisho(SNTV):— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, oo ka warbixiyay safarkii Brussels iyo natiiijooyinkii kasoo baxay kulamadii uu la qaatay madaxdii kala duwaneyd iyo shirkii looga hadlayay amniga dalka. Waxuuna sheegay in ay wada galeen dhowr heshiis oo muhiim u ah dawladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Midawga Yurub ay kula heshiiyeen in ay ku kaalmeeyaan dawladda Soomaaliya €100 milyan oo Euro oo miisaaniyadda dalka lagu kabayo, taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda Bangiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale midowga Yurub ayaa balan qaaday in €80 Milyan oo Yuuro ay ku bixin doonaan qorshaha aminga iyo kala guurka ciidmada dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo sheegay isla ay garteen Midawga Yurub in ay dawladda Soomaaliya kala shaqeeyaan ka hortagga jaridda dhirta, dhoofinta dhuxusha sharci darada ah iyo in sannadka soo socda shir noocaan oo kale ah lagu yeesho wadanka Belgium.

“Madaxdii ka soo qayb gashay shirka waxay cadeeyeen in Soomaaliya ay bilowday baal cusub oo horumarineed, taas oo ay kula jaan qaadi doonto caalamka, waxayna balan qaadeen in ay hab ka wanaagsan sidii hore ay u caawin doonaan Soomaaliyada cusub.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Belgium, madaxa ugu sareeya midawga Yurub ee u qaabisan arrimaha siyaasadda dibadda, madaxda midawga Yurub u qaabishan howlaha horumarinta, kauulmeysiga iyo gar-gaarka, Safiirada midawga Yurub u qaabishan amniga iyo siyaasadda, safiirro kasoo jeeda Afrika, Caribbean-ka iyo Pacifica oo ku midoobay urur ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Guddiga joogtada ah Golaha Aqalka sare oo ka hadlay arrimo muhiim ah

0

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Amniga iyo taakuleynta dadka ay saameynta ku yeesheen Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shir Guddoominayay Kullanka,waxaana mudada uu socday diirada lagu saaray diyaarinta agendaha kullanka Guud ee Golaha oo uu beri yeelanyo,kaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare lagu horgeyn doono go’aanada maanta ka soo baxay.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir” ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kullanka maanta ee Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ay isugu yimaadeen.

“ Kullanka maanta ee Guddiga joogtada ah Golaha Aqalka sare waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha Amniga,taakuleyntii Gobolka Hiiraan Masiibadii ka dhacday,waxaa sidoo kale looga hadlay kullanka xeer hoosaadka Golaha,waxaana rajeynaa agendayaashaasi in beri la horgeyn doono Xildhibanaada Golaha Aqalka sare,waana la isku afgartay qorshaha beri looga doodi doono kullanka guud ee Golaha Aqalka sare,” ayuu yiri Senator Nadiir.

Wuxuu sheegay Senator Nadiir in dhowaan Golaha Aqalka sare Guddiga u saaray arrinta Fatahaada wabiga Shabeelle iyo taakuleynta dadka waxyeelada soo gaartay,waxayna guddiga warbixin ay soo uruuriyeen u gudbiyeen Guddiga joogtada ah si beri loogu daro agendaha kullanka Guud.

Arrimaha Amniga Guddiga joogtada ah waxay diirada saareen Amniga Guud ee dalka iyo midka Golaha Aqalka sare oo isku afgarteen in sare loo qaado.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dar dar gelinaya fududeynta howlaha muhiimka ah ee horyaala Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta kormeeray xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad iyo xoghaayaha guud ee golaha ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Golaha Shacabka oo ay soo kormeereen qeybaha xarunta ay ka koobantahay.

Waxay mid mid u booqdeen xafiiska waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka, iyagoo xafiis walbana qofka mas’uulka ka ah uu Guddoomiyaha uga warbixinayay howlaha uu haayo, waxaana Guddoomiyaha la socday Injineero qiimeynaya dib u dayactirka lagu sameynayo xarunta.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa isla xarunta kulan isugu jirtay isbarasho iyo ogaansho xaalada shaqada Golaha kula qaatay howl wadeenada Golaha Shacabka, waxaana Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad oo kulanka ka hadlay uu uga warbixiyay Guddoomiyaha shaqada howlwadeenada oo uu aad u amaanay, wuxuuna tilmaamay in ay yihiin laf dhabarta Golaha Shacabka ayna ku shaqeeyaan duruufo kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku ammaanay howl wadeenada Golaha Shacabka shaqada ay golaha u hayaan, isagoo uga mahad celiyay u adeegida qaranka iyagoo waliba duruufo adag kusoo shaqeeyay.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa u balan qaaday shaqaalaha in qof walba xuquuqdiisa siduu u heli jiray u heli doono, wixii kale oo xuquuq ah oo ay leeyihiina ay heli doonaan, waxaana Guddoomiyaha sidoo kale uu sheegay in Golaha uu yeelan doono xarun caafimaad oo golaha shacabka u gaar ah.

Gudoomiye Yariisoow oo Deeq gaarsiiyay xerayaasha Barakacyaasha Duleedka Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Caasimadda, gaar ahaan degmada Kaxda, iyadoo la gaarsiiyey deeqo kala duwan.

Duqa Muqdisho oo walaac ka muujiyeen xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda waqtigan lagu jiro xili roobaadka.

Guddoomiyuhu ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada nolosha barakacayaasha, iyadoo xoogga la saari doono sidii ay ku heli lahaayeen gurmad ballaaran, maadaama dhowaan ay bilaabanayso bisha barakaysan ee Ramadan.

“Waxaa halkan ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadkuna waxay u baahan yihiin gurmad ka ballaaran midka aan maanta gaarsiinay si wax looga qabto xaaladooda, Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse maanta waxaan indhaheena ku aragnaa in weli gacan qabasho u baahan yihiin dadka nugul”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenkiisa dhinaca Arrimaha bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka.

Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada oo tababar loo soo xiray

0

Wasiir ku-xugeenka Gaashaandhigga Soomaaliya C/llaahi Colaad  Rooble iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray ku dhowaad labo boqol oo askari oo ka mid ah Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.

Xiritaanka tababarkan oo saddex bilood socday waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Ururka lixdanaad ee Madaxtooyadda Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay ciidankan inay qaateen tababaro kala duwan oo ay ugu horayso la dhaqanka shacbiga iyo masuuliyiinta imaanaya madaxtooyadda iyo kor u qaadista howlgalada ay ku jiraan oo ay kow ka tahay ilaalinta wadooyinka soo gala madaxtooyada, waxa kale oo uu sheegay Odawaa in la baray ciidankan ixtiraamka taasoo kor u qaadaysa in la helo ciidan qaran oo faham buuxda ka haysa wadaniyada iyo ilaalinta karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Aamina Siciid Cali oo ka mid ahayd masuuliyiintii hadlay ayaa sheegtay iney aad ula dhacsan tahay sida wanaagsan oo ay ciidankan ula dhaqmaan dadka maraya wadooyinka madaxtooyada gala, waxayna intaa ku dartay in Askariga yaqaana habka dadka loola dhaqmo ay suurta galin karto in kalsoonida shacabka ku qabaan ciidankooda ay kor usii qaado.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.

Taliye Gorod ayaa ku amaanay saraakiisha ciidanka inay had iyo goorba u taagan yihiin kor u qaadista aqoonta iyo tayada ciidanka, wuxuuna cadeeyay in tababaradaan oo kale iskuguna jira gudaha iyo dibadda lasii laba-laabayo.

Wuxuu taliye Gorod xiritaanka tababarkan ka sheegay askariga la dalacsiinayo inuu ku imaan doona warbixinta uu sarkaalkiisa ka yimaado, wuxuuna meesha ka saaray inaysan dhici doonin sarkaal xidig lagu siinayo isagoo wata Odaygiisa ama xildhibaankiisa, wuxuuna dhaar ku maray sarkaalkii sidaa sameeya in laga xayuubinayo xidigaha uu horay u haystay.

Dufcada maanta korsadaan loosoo xiray ayaa noqonaysa tii afaraad, waxaana jiraya tababaro kale oo lasiinayo ciidanka madaxtooyadda dalka.

Shirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Magaalada Johannesburg

0

Johannesburg (SNTV)= Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ayaa maanta lagu soo gabangabaynayaa shirka wadamada Africa iyo Japan oo looga hadlayey  horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya wasiir dawlaha arrimaha dibadda Cabdiqaadir Axmed khayr iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Africa, kana faa’iidaystaan maalgashiga Japan.

Wafdiga wasiir dawlaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay Wasiir ku xigenka wasaaradda arrimaha dibadda Japan, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga gaarka ah ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

Ra”iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (SNTV) -Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay  shir Caalami ah uga qeyb galeen magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirka oo ay ka qeyb geleen qaar kamid ah madaxda dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ahaa masuuliyiinta shirkaas ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlay guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale intii uu socdaalkiisa ku guda jiray waxaa uu shir kusoo xiray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, shirkaas oo u dhaxeeyey ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowladda dhexe iyo Galmudug oo wada furay xarunta dhaqan celinta malaashiyada Al-shabaab.

0

Muqdisho (SNTV)-Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay xarun dhaqan celinta malaashiyaadka ka yimid fikirka qaloocan ee kooxda Al-shabaab.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan celinta Maleeshiyaadka u qaabilsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah u daah furay Xaruntan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan  ayaa sheegay xaruntaan ay muhiim u tahay Galmudug, islamarkaana  ay kordheen dhalinyarada isaga soo baxay malesshiyada  Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay   in aanan horay u jirin Xarumo lagu hayo Dhalinyarada isaga tagta Al-Shabaab ee ka soo  jeeda deeganada Maamulkaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa horey Muqdisho Baydhabo Kismo’ uga hir geliyaya xarumo lagu dhaqan celiyo malaashiyada Al-shabaab, waxaana isa soo taray wili dhalinyarada isaga soo laabaneysa kooxda Al-shabaab kadib cafis dhowr jeer ah uu Madaxweyne Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo u sameeyay dhalinyara la qalday ee ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab.

Munaasabad lagu dhiiri gelinayey Horumarada Ciyaaraha kala duwan ee dalka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa ka qeybgalay munaasabaddan lagu dhiirogelinayay horumarka dhanka ciyaaraha kala duwan oo ay Soomaaliya ku talaabsanayso mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya, oo ay ka mid yihiin Wasiiro, xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin katirsan xiriirka Olompikada Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigayay suugaan ka tarjumaysa ahmiyadda ay bulshada u leedahay horumar laga sameeyo dhanka Ciyaaraha, iyadoo dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashey ay siweyn u dhiirogeliyeen bahda Sportska Soomaaliya, iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay xulka qaranka 17 jirada oo guulo taariikhi ah ka soo hooyay Ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Oradyahanka Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheeeagy in loo baahanyahay in la raadiyo dadaal kasta oo lagu gaari karo guulo sports.

“Ineynu had iyo jeer ka fikirni sidii aan guul ku gaari laheyn, kana shaqeyno dariiqii loo mari lahaa arintaasi, aadbey ugu mahadsanyihiin wasaaradda Ciyaaraha iyo Bahda Sportiga sida ay u dadaalayaan”ayuu yiri Cabdi Bile Cabdi.

S/guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo munaasabadaasi soo agaasimay ayaa faah faahiyay ujeedka ay ugu talagaleen.

“Waa inaan u hambalyeynaa dhalinyaradeena 17-sano jirada ah guushii ay soo hooyeen”ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaradu ay wado dejinta qorshe cad oo ku wajahan horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya.

“Hadda waxaa gacanta lagu hayaa siyaasadda Qaran ee Sportiga Soomaaliyeed”ayey tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku sii socota dhabihii horumarka Ciyaaraha si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo taasina ay ku dareensiinayso guulihi ay soo hooyeen ciyaartoydii 17-sano jirada Dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Jabuuti kula kulmay saraakiil isugu jira Jabuuti iyo Talyaani

Moqdisu (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa Gaaray Caasimadda dalka Djibouti,waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Djibouti kornel Cabdullaahi Cabdi iyo Taliyaha waaxda dambibarista CID Janaraal Kadiye iyo Taliyaha Hoggaanka ilaalinta ammaanka Canshuraha Soomaaliya Cabdullahi Xasan bariise oo horay ugu sugnaa Dalkaasi Djibout.

Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa ah u kuurgalka howlaha la xiriira tababarada la siinayo ciidanka Booliska Soomalaiyeed ee Dalkaasi Jabuuti lagu tababaro,iyo sidii loo xoojin lahaa.

Markii u gaaray magaalada Jabuuti ayaa wuxuu taliyuhu bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la yeeshey saraakiisha Booliska Dowladda Jabuuti iyo saraakiisha karanbinyeriga ee dowladda Talyaaniga ee Jooga Wadankaasi Jabuuti.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Taliyaha Ciidanka Booliska Soomalaiyeed ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti wuxuu u kuurgalidoonaa tayadda tababarada la siiyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed,maadama dalka Jabuuti inta badan tababar lagu siiyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dalka Jamhuuriyadda walaalaha aan nahay ee jabuuti ayaa waxaa uu dowr weyn ku leeyhay garab istaaga Soomaaliya,waxaana halkaasi kuyaala xero lagu tababaro ciidanka Booliska Soomaaliyeed,iyadoo horeyna ay halkaasi uga soo bexeen cutubyo ka tirsan booliska Soomaaliyeed,kuwaasi oo haatan dalka ka howlgala.