Home Blog Page 1327

Madaxweyne Farmaajo oo dalka Turkiga kaga qeyb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

0

Muqdisho, Disembar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ).

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.”

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda Guddiga 5-sano soo socota+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka shanta sano soo socota oo qeexesa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ,diyaaarinta sharciyada doorashooyinka,wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diwaangalinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta axsaabta ,waxaana sidookale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Somaaliya iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta dowladda federaalka ah ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubnaha Guddiga madaxabanana ee doorashooyinka iyo wakiilo kaoscday Beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Somaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

“Anaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor ,mudadaas 47-da sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaa tarjunno luqadda doorashooyinka waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan arajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod ,xor iyo xalaal ah”

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qm u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qm ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran ee  madaxa banaan.

“waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay QM inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Somaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Thaabit cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

Wasiirka Wasaardda Qorheynta Dowladda federaalka mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri

“Guddiga doorahooyinka qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sidaa istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha hormarinta qaranka iyo dastuurka dalka ,marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo”

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo sidoo kale katirsan xubnihii kasocday axsaabta siysaadeed ayaa shacabka Somaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaalada uu guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada iyadoo dhawaan guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-xisbi oo kamid ah ururada siyaasadeed ee dalka ka jira.

W/D: Cumar Xasan Cali

Mudanayaasha Golaha shacabka oo Akhrinti labaad mariyay Miisaaniyada Dowladda ee 2018

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka mudanayaasha golaha shacabka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn golaha waxa uu ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaaladda jerusalem ugu aqoonsaday caasimada Isra’iil ,waxaana gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in go’aanka dowalda Mareykanka uu halis ku yahay dadaalada nabada ee Mareykanka uu ka waday Palestine iyo Isra’iil  iyo guud ahaan amaanka Gobolka, isagoo sheegay in golaha shacabka uu arintaas qaraar  kasoo saari doono.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad c/lla Cawad ayaa soo jeediyay in arintaas qaraar laga dhigo Xildhibaanada arimahaasi aadka u yaqaanana looga baahanyahay in gudiga arimaha dibada arimahaasi kala shaqeeyaan

Intaasi ka dib gudiga maaliyada ee golaha shacabka ayaa golaha ka hor aqriyay warbixinta gudiga ee odoroska miisaaniyada qaranka ee sanadka 2018-ka waxaana golaha ka hor akhriyay Gudoomiye Kuxigeenka gudiga Miisaaniyada ee Golaha shacabka,waxaana kulanka ku sugnaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Prof  C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow.

Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka aragtidooda ka dhiibtay warbixinta gudiga iyo wasaaradda maaliyada ee miisaaniyada 2018-ka

Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudiga arimaha dibada ee Baarlamaanka looga baahanyahay in qaraarka ay si deg deg ah usoo diyaariyaan,gudiga dastuurka ee golaha shacabkana uu warbixintiisa  golaha hor keeno ,waxaana gudoomiyaha uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada golaha shacabka lagula xisaabtami doono howlaha ay shacabka u hayaan.

Tababar ku saabsanaa isla xisaabtanka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

0

Muqdisho (SONNA) Aqoon isweydaarsigan kusaabsanaa la socodka iyo islaxisaabtanka howlaha Booliska oo soocnayay laba maalmood ayaa waxaa maanta soo xiray wasiirkuxigeenka wasaradda amniga xukumada soomaaliya

Waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka kala socday maamul goboledyada dalka, Saraakiil sare oo katirsan Taliska ciidanka Booliiska, Maamulka gobolka Banaadir, Xafiiska Hanti dhowrka xeerilaalinta shaqaalaha wasaaradda iyo ururada bulshada rayidka.

Maalmaha uu socday aqoon is weydaarsiga ayaa xubnahii kaqeybgalay waxay kadooden habka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo isla xisaabtan dhab ah iyadoo qodobo dhowr ah laga soo saaray inti uu socday aqoon is weydaarsiga.

Xildhibaan Maxamed Cabdule Geesey oo ka mid ah guddiga amniga Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ahmiyada la siiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda amniga Cabdi naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay aqoon is weydaarsiga ay muhiim u yihiin howlaha Booliska.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Turkiga+SAWIRRO

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulan gaar ah magaalada Masqad ee dalka Cumaan kula yeeshay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mudane Numan Kurtulmuş.

Eng, Yariisow ayaa uga mahad celiyay wasiirka Mashruucyada hormarineed oo dowlada Turkiga ay ka wado Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna is weydaarsadeen arimo ku saabsan dhaqanka iyo dalxiiska labada dal.

Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mundane Numan Kurtulmuş ayaa balanqaaday in wasaaradiisa ay fiira gaar ah u yeelan doonto dib usoo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aad u qurux badan oo ku haboon dalxiiska.

Magaalada Masqad ee dalka Cumaan waxaa maanta ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo looga hadlayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

Maamulka G/Hiiraan oo Qorsheynaya Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Muqdisho(SONNA);– Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cusmaan Muumin oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa shaaca ka qaaday iney dhawaan howlgal ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,kaasi oo la doonayo in looga sifeeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

“Waxaa saacadaha soo socda bilaaban doonaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka soo galay deegaanada hoos yimaad Gobolka Hiiraan,umana dul qaadan doono in horteena maalin walba dad shacab ah ku dhibaateeyaan”, ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan.

Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ayaa la sheegay in shalay gelinkii danbe ay gubeen ilaa iyo shan gaadiid oo badeeco ganacsi u siday degmooyinka ay go’doomiyeen ee Gobollada Hiiraan iyo Bakool,waxaana sidoo kale marar badan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weeraro gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid oo galbinayo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa wada howlgal lagu ciribtirayo Al-Shabaabka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka,waxaana soo baxaya khilaaf xoogan oo hareeyay madaxda ugu sareysa Ururka Al-Shabaab,kaasi oo hadda maraya meeshii ugu xumeyd.

Wasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo Xasiloonida”

0

Muqdisho(SONNA);— Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirada dalalka lagu casuumay shirka,kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigay siday muhiim u tahay in la horumariyo Dhaqanka iyo dalxiiska oo qeyb ka qaata horumarka dal kasta oo caalamka ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhaqanka iyo dalxiiska u leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in Soomaaliya oo ku taalo Geeska Africa ay muhiim u tahay soo nooleynta dhaqanka iyo Dalxiiska,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dalkeena Soomaaliya uu leeyahay goobo caan ah oo dalxiiska ku wanaagsan iyo Jaziirado.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta iyo joogteynta dhaqanka iyo Dalxiiska qeyb ka qaadan karto nabada iyo xasiloonida dalka.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in si deg deg ah loo badbaadiyo 137-Carruur Suuriyaan ah

0

Muqdisho(SONNA);– Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo soo daad gureeyo daraasiin carruur ku xanuunsaneysa deegaanada Mucaaradka ay gacanta ku hayaan ee duleedka caasimadda Dimishiq,iyado wali halkaasi rabashado ay ka jiraan.

Shan carruur ah oo ku noolaa bariga Ghouta ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen,halka 137-kalena ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah,sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay Hay’adda UNICEF.

Carruur da’dooda u dhaxeyso 7 bilood illaa 17 sano,ayaa la soo sheegayaa ineysan u helin karin gargaar caafimaad xaaladaha ay ku sugan yihiin oo kelyaha aan shaqeyneyn iyo macluul aad u daran oo ay ka dhaxleyn colaadaha sii socda.

” Xaalada wey ka sii dareysaa maalinba maalinta ka danbeysa”,ayuu yiri Fran Equiza oo ah Wakiilka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Suuriya.

Mr Fran Equiza oo sii hadlayay ayaa intaasi raaciyay” In nidaamka caafimaad uu ciriiri yahay iyo Dugsiyadii waxbarashada oo ku dhawaad bil xiran” Carruurta xanuunsan ayaa si aad ah ugu baahan gurmad caafimaad,” halka kumanaan kale oo dheeraad ah loo diidan yahay fursadaha si caadi ah carruurnimadooda ugu noolaan lahaayeen,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF u qaabilsan Suuriya.

Bariga Ghouta oo 15-km u jira caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa ciidamada Dowladda waxay ku hareereysan yihiin mudo ku siman afar sano,iyagoo doonaya iney bilaha soo socda si buuxda ula wareegaan.

Dad lagu qiyaasay 400,000-ruux oo ku nool deegaanka ayaa la sheegaa in horay looga jaray gargaarkii bini-aadanimo ay u baahnaayeen tan iyo sanadkii 2013-kii,sida laga soo xigtay Hay’adda UNICEF.

Ku dhawaad 12% carruurta ku nool Bariga Ghouta ayaa ka cabanaya xaalad nafaqo daro ba’an,waana tiradii ugu badneyd oo la diiwaan geliyo tan iyo markii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Suuriya 2011-kii.

Warbixino horay uga soo baxday UNICEF,ayaa lagu sheegay iney kordheen qiimaha la siisto cunada asaasiga u ah dadka rayidka ah iyo Cunada diyaarsan deegaanka Bariga Ghouta oo duleedka ka ah caasimada Dimishiq,taasi oo sii adkeysay xaalada nolosha dadka deegaanka.

 Ugu danbeyntii,Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in si deg deg ah oo sharuud la’aan ah loogu fasaxo carruurta iney helaan gargaar caafimaad oo deg deg ah si loo yareeyo dhibaatooyinka xaaladaha caafimaad daro ee la soo deristay.

Ciidamo Shacabka ka difaaca dhibaatada Nabad diidka oo la dejiyay inta u dhaxeyso Ceelasha Biyaha iyo Afgooye

0

Muqdisho(SONNA);– Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la dejiyay inta u dhaxeyso deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka Ciidamadaan loo dejiyay halkaasi ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka Kooxda Nabad diidka ay ka geystaan inta u dhaxeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Waxayna si gaar ah Ciidanka Xoogga dalka isha ugu heynayaan miinada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab dhulka ku aasayaan taasi oo dhibaato ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku safraya wadada dheer ee xiriirisa Afgooye iyo magaalada Muqdisho iyo iney ka difaacaan weerarada gaadmada ah ee mararka qaar Al-Shabaab soo qaadaan.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo Cudutyo ka tirsan Ciidamada Xooga dalka kula hadlayay goobta la dejiyay ayaa kula dardaarmay ineysan baari karin gaari dad shacab ah ay saaran yihiin lana hadlin karin shacabka,balse ay xil iska saaraan sidii dhibaatooyinka kooxaha nabad diidka halkaasi ka geystaan looga maareyn lahaa.

Wuxuu sheegay Generaal Caanood in marar badan dhegahooda ay ku soo dhaceen weeraro iyo falal kale oo lid ku ah amaanka iney Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxeysa Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha garteenna iney arintaasi mar kale soo noqon.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dad shacab siyaabooyin kala duwan ugu waxyeeleeyay halkaasi haba ugu badnaadaan waxyeelada shacabka ka soo gaarto miinooyinka sida hagarta ah ugu aasaan wadooyinka inta badan Shacabka ay adeegsadaan.

Ururka Haweenka G/Banaadir oo deeq lacag ah u qeybiyay Ciidamada Amniga Muqdisho+(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA);– Lacago ay iska soo uruuriyeen Haweenka Gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa dhiira gelin looga dhigay Ciidamada ilaalinta magaalada Muqdisho,iyadoo mas’uuliyiin ka socota Haweenka Gobolka Banaadir socdaal ku soo maray qaar ka mid ah Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Isgoysyada Haweenka Gobolka Banaadir ay xalay soo mareen waxaa ka mid ah Balaagsii,Baar ubax,Bakaaraha,Tarabuunka,Soobe,Numbar 4 iyo kuwa kale oo ay Ciidamada qaabilsan nabad galyada Muqdisho ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,Jawaahir Barqab oo ay wehlinayeen Guddoomiyeyaasha Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in deeqda lacagta ah ugu talagaleen iney ku dhiira geliyaan Ciidanka heeganka ku ah shaqada iyo iney dareesiiyaan iney la qeybsanayaan dhaxanta ay u joogaan difaaca shacabka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale,Jawaahir Barqab ayaa sheegtay in astaanka Qaranka ugu horeeyaan Ciidamada loona baahan yahay in mar waliba laga war hayo.

Ciidamada ilaalinta amniga magaalada Muqdisho ayaa dadaal badan geliyay sidii shacabka Muqdisho ugu noolaan lahaayeen deganaasho iyo iney ka hortagaan kooxaha nabad diidka ee caadeystay iney dhiiga shacabka si fudud ku daadiyaan.