Ra’iisul wasaaraha Dawladda Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxdii ka socotay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Jabuuti (SONNA), Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa maanta kulan soo dhoweyn ah u sameeyey Wafigii ka socday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Taliyaha hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, waxaana uu ka xog wareystay Xaaladda Soomaaliya.
 
R/wasaare Kaamil, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay joogto marxalad aad u wanaagsan, isaggoo xusay in ay socdaan horumaro kala duwan oo dhinacyo badan leh.
 
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed, ayaa kulankaasi ku Casuumay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo dalka Jabuuti tababar ku siiya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee mar walbo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, isaggoo siiyey Bilado abaal marin ah oo lagu dhiiri gelin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...