Home Blog Page 1321

Xaaladihii ugu dambeeyey fatahaadda webiga ee Baladweyn

0

Hiiraan(SNTV) -Waxaa sii kordhaya saameynt fatahaadaha uu Baladweyn ka sameeyay Webiga Shabeele, iyadoo weli uu taagan yahay qulqulka dadka ka barakacaya biyaha webiga.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegaya in dadku ay bilaabeen adeegsiga doomo loo isticmaalayo biyaha dhex ceegaaga xaafadaha iyo kuwa webiga, si dadku ay isaga kala gooshaan meelaha ay u barakacayaan.

Isticmaalka doomaha ayaa timid markii dadku ay cabsi ka muujiyeen gaadiidka oo batay shilalkiisa,waxaana dhawaan khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Makiinad Cagaf Cagaf ah oo rogmatay xili ay dadbadan siday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo lagu samata bixinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi,iyadoo dhanka kale ay sheegeen in dad badan ay ku go’doonsanyihiin xaafadaha magaaladaasi oo biyhuhu ay jareen.

Waxaa adag in latago ama laga soo boxo xaafadaha qaarkood,taasi oo sii kordhinaysa walaaca laga muujinayo saameynta fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Kumanaan qof oo guryohooda buhuyu fariisteen ayaa haatan deegaansanaya deegaanka Ceeljale ee duleedka magaaladaasi Baladweyne iyo goobo kale,xaaladda nololeed ee dadkaasi ayaa aad u adag,inkastoo ay socdaan howlaha loogu gurmanayo dadkaasi dhibaataysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gar gaarka caalamiga ah ayaa dadaal xoogan ugu jiraa sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa gargaar,balse sida muuqata saameynta fatahaadaasi ay ka xoogan tahay ku filnaanshaha dadkaasi gurmadka la gaarsiinayo,sababo la xiriira fatahaada oo noqotay tii abid ugu xooganayd sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadka reer Baladweyne.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Alshabaab kala wareegay deegaanka Moqo-kori

Hiiraan(SNTV)- Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal military kula wareegeen deegaanka Moqo-kori ee gobolkaasi,halkaasi oo dadku ay ku dhibaateyn jireen Maleeshiyada Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaankaasi Moqo-kori oo khayaas ahaantii 40 KM u jira degmada Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan,iyagoo qasaarooyin gaarsiiyay maleeshiyaadkii Shabaab ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi oo lahadlay Saraakiisha Ciidankaas howlgalka fuliyay ayaa waxay u sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka ay Alshabaab ka qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal oo halkaasi ay ku haysteen,kadib markii ay maleeshiyaadkii Shabaab isaga carareen halkaasi.

Howlgal kan lamid ah oo dhawaan lagu qaaday isla deegaankaasi ayaa Shabaab loogu qeystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,iyadoo sidoo kale laga soo furtay hub.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo billowday dhaqaale uruurin

0

Oslo-(SNTV)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa billowday Dhaqaale uruurin loo sameynayo Dadkii ay dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle, gaar ahaan Magalada Beled-weyne.

Kulan ay Jaaliyaddu ku yeelatay Magaalada Oslo ee Caasimadda Dalka Norwey ayaa lagaga dhawaaqay Guddi qaabbilsan gurmadka xaaladda Balad weyne, waxanay guddigan oo kaashanaya Masjidka Towfiiq ee Magaalada Oslo sheegeen in dhaqalaha la uruurinayo loo gaarsiin doono Dadkii loogu tala galay sida ugu habboon uguna dhaqsiyaha badan.

Deeq uruurintan oo imminka ka billaabatay Magaalada Oslo iyo gebi ahaanba Gobollada kale ee Dalka Norway, ayaa waxaa barbar socda wacyi gelinta Culimada si ay Dadka Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan ugu baraarugaan is kaalmaynta, waxaana lagu wadaa in howshani lasoo gabagabeeyo 19-ka Bishan May.

Dr ;Cali Maxamed Saalax, oo ah Imaamka Masjidka weyn ee Soomaalida Oslo, ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norway, isagoo ka codsaday inay caawiyaan walaalahooda ku dhibaataysan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada balad weyne.

 

Madaxweynaha JFS oo daah furay Barnaamijka Dariseynta Gobolka Banaadir

Muqdisho(SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booqday Degmada Waaberi halkaas oo ay ka socotoy dardargelinta hawlaha dariseynta Gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku daah furay Barnaamijka Dariseynta oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta Nabad-galyada iyo daadejinta adeegyada Bulshada Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Dalka ayaa kula dardaarmay shacabka Degmada Waaberi in ay Nabadda ilaashadaan, kalana shaqeeyaana laamaha amniga iyo maamulka Gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga, loona baahin lahaa adeegyada bulshada ee ay shacabka degmadu doonayaan.

Munaasabadda lagu daah furayay Barnaamijkan Dariseynta Waxaa joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar, waxaana ay ka wada hadleyn qodobo badan oo ay ka mid aheyd siddii dawladda Britain ay u kordhin laheyd taageerada iyo tababarka Ciidan ee ay siiso Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar ay u tahay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka caawiso taageerada iyo tababarada Ciidanka, ayna si wanaagsan ula shaqeyn doonaan Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa uga mahad celiyey  Boqortooyada Ingiriiska sida mar walbo ay u garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Xulka Qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada oo ka qay galaya ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

0

Muqdisho (SNTV) Xulka  qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada ayaa  maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeeda dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacanta  Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika (Africa Zone 5 International Handball Federation (IHF) Challenge Trophy 2018.

Xulka  Somalia  qaybta 20-jirada   waxaa ku wehliya   Wadamada  Kenya, Burundi, Uganda, Sudan, Tanzania , Ethiopia iyo  Rwanda Halka Da’yarta ay   kasoo ka qayb galayaan  dalalka, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Uganda , Sudan iyo Burundi.

Xulka 20-jirada waxaa   Group- B   kula jira Wadamada Burundi, Uganda iyo Rwanda, waxayna kulanka koowaad  14 May la ciyaari doonaan  dalka Burundi.

Xulka 18-jirada  Soomaaliya ayaa dhankooda waxay isku Group yihiin dalalka  Kenya, Ethiopia iyo Tanzania, waxayna kulankooda koowaad la ciyaari doonaan wadanka  Kenya waxuuna dhici dici doona isla 14-ka  May.

Tartankan oo ay wadamada soonka Shannaad ( Zone 5 ) ee geeska Afrika  ku  loolamayaan  waxuu wadankii ku guulaysta    kulan  fiinaal  ah la qaadan doonaa dalkii soo hantiya koobka wadamada Maqribka, waxaana   dalkii adkaada uu ka qayb gali doona ciyaaraha kubadda Gacanta Adduunka.

Ciyaartoyda Xulka qaranka ayaa diyaar garow ku jiray saddaxdii bil ee lasoo dhaafay, waxaana gacan taageero buuxdo  oo dhanka kasta  ka caawina yay Bankiga Premier  Bank oo ah Bangi markasta  ka qayb qaata horumarinta isboortiga dalka.

Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Michael Keating

0

Garoowe (SNTV) Madaxweynaha Dowlaad-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay  12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxeynaha Puntland oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe,

” waxaa sharaf wayn noo ah maanta inuu halkaan nagu soo booqdo Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado, marar badan ayuu halkaan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu nooyimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaan kawada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada,  horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa isla mar ahaantaan ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatey mudada kooban ee uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo taabagalinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in waxyaabihii ay kawada hadleen kusoo dhammaadeen jawi degan.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dowlad-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in looga bahanyahay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, islamar’ahaantaana taakulooyinka iyo gar-gaarka binuaadanimada ee ay Soomaaliya soo gaarsiiyaan si dhex-dhexaadnimo ah loo soo gaarsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad mariyay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Muqdisho (SNTV) Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Maadaamaa hindise Sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad ayay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay su’aalo weydiiyeen wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada u sheegay in aysan ka maqaan kulamada golaha, maadaama golaha howlo badan ay horyaalaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in guddoonka golaha ay isla garteen in ladayactiro xarunta golaha shacabka, isagoo dhinaca kalena aad u amaanay howlaha gudiyada golaha, waxaana ugu dambeyn guddoomiyaha uu ka codsaday xildhibaanada In ay ilaaliyaan waqtiga kulamada guud ee golaha maadaamaa howlo badan ay golaha horyaalaan.

Maamulka G/Banaadir oo dardargelinaya Sugidda Amniga Caasimada

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah-furay mashruuca Sugidda Amniga caasimada Muqdisho, sheegeyna in 90 cisho gudahood la doonayo in la helo amni waara.

Shirka maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay Duqa Muqdisho, Ahna Guddoomiyaha G/Benaadir, Ku xigeenada Amniga & Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Guddiga Wacyigelinta Qaranka, iyo maamulada degmooyinka.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Sugidda Amniga Muqdisho oo la isla gartay in loo wajaho si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka ay kaalin buuxda ka wada qaadanayaan sugida amniga caasimada.

“Waxaa xaqiiqo ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah balse haddii aan si xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta Caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka, waana in aan si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka u wajahnaa arrintan.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mudnaan sare ay u leedahay sugidda amniga iyo isku xirna ciidamadda iyo shacabka, isagoo kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Jawish Oglo: Soomaaliya in la cadaadiyo gar ma aha

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka.

Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro.

Wasiir Molud Oglo, ayaa ku baaqay in la xurmeeyo midnidada iyo madaxbanaanida dalalka, isagoo dalalka Carabta iyo Islaamkana ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah.