Xaaladihii ugu dambeeyey fatahaadda webiga ee Baladweyn

Date:

Hiiraan(SNTV) -Waxaa sii kordhaya saameynt fatahaadaha uu Baladweyn ka sameeyay Webiga Shabeele, iyadoo weli uu taagan yahay qulqulka dadka ka barakacaya biyaha webiga.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegaya in dadku ay bilaabeen adeegsiga doomo loo isticmaalayo biyaha dhex ceegaaga xaafadaha iyo kuwa webiga, si dadku ay isaga kala gooshaan meelaha ay u barakacayaan.

Isticmaalka doomaha ayaa timid markii dadku ay cabsi ka muujiyeen gaadiidka oo batay shilalkiisa,waxaana dhawaan khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Makiinad Cagaf Cagaf ah oo rogmatay xili ay dadbadan siday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo lagu samata bixinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi,iyadoo dhanka kale ay sheegeen in dad badan ay ku go’doonsanyihiin xaafadaha magaaladaasi oo biyhuhu ay jareen.

Waxaa adag in latago ama laga soo boxo xaafadaha qaarkood,taasi oo sii kordhinaysa walaaca laga muujinayo saameynta fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Kumanaan qof oo guryohooda buhuyu fariisteen ayaa haatan deegaansanaya deegaanka Ceeljale ee duleedka magaaladaasi Baladweyne iyo goobo kale,xaaladda nololeed ee dadkaasi ayaa aad u adag,inkastoo ay socdaan howlaha loogu gurmanayo dadkaasi dhibaataysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gar gaarka caalamiga ah ayaa dadaal xoogan ugu jiraa sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa gargaar,balse sida muuqata saameynta fatahaadaasi ay ka xoogan tahay ku filnaanshaha dadkaasi gurmadka la gaarsiinayo,sababo la xiriira fatahaada oo noqotay tii abid ugu xooganayd sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadka reer Baladweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....