Madaxweynaha JFS oo daah furay Barnaamijka Dariseynta Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho(SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booqday Degmada Waaberi halkaas oo ay ka socotoy dardargelinta hawlaha dariseynta Gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku daah furay Barnaamijka Dariseynta oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta Nabad-galyada iyo daadejinta adeegyada Bulshada Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Dalka ayaa kula dardaarmay shacabka Degmada Waaberi in ay Nabadda ilaashadaan, kalana shaqeeyaana laamaha amniga iyo maamulka Gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga, loona baahin lahaa adeegyada bulshada ee ay shacabka degmadu doonayaan.

Munaasabadda lagu daah furayay Barnaamijkan Dariseynta Waxaa joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...