Home Blog Page 1320

Taliyaha Xoogga oo ka hadlay falkii Hoyga Cabdi Qeybdiid lagu galay

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cabdi wali Gorod ayaa ka hadlay falkii lagu weeraray maanta guriga General Cabdi Qeybdiid.

General Gorod oo gaaray guriga Cabdiqeybdiid ee ay ciidamadu galeen ayaa halkaa kula kulmay Senator Qeybdiid waxana ay ka wadahadleen dhibaatada soo gaartay guriga Senatorka

Taliyaha ayaa ku tilmaamay falkii lagu galay laguna baaray guriga Senatorka fal xun waxana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciidankii weerarkaas fuliyay.

Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada.

Deg Deg: Madaxweynaha oo amray in la baaro falkii lagu galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay fal sharci darro ah loo ciidammo ay maanta ku galeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa faray taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka in uu baaritaan deg deg ah ku sameeyo falkii lagu galay guriga Senator Qeybdiid.

War qoraal oo lagu daabacay barta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, ayuu madaxweynuhu ku amray in sharciga la hor keeno cida kasta oo ku lug lahayd falkaas lagu galay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah guddoomiyaha Guddiga Dustuurka ee Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda oo saxiixay 2.7 $ Malyan oo loogu talagalay Abaaraha iyo Biyo la’aanta (Sawirro)

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta Saxiixay heshiis lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun ($2.7m) oo Doolaarka Maraykanka ah, taasoo wax looga qabanayo Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka jirta Gobolada Dalka Soomaaliya.

Heshiiskani Dhaqaalaha xambaarsan waxaa bixinaya Hay’adda NRC oo kaashanaya Bangiga Aduunka, lacagtaasi ayaa waxaa looga gol leeyahay in wax looga qabto abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya iyo waliba Biyo la’aanta, waxaana ka faaideysan doona marka la hirgaliyo Bulsho badan oo u baahan kaalmadaasi.

Saxiixa Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Hey,adda N R C  ayaa ku saleyysan Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata Aduunka I M F-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay.

Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle waxaa uu faah faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto,wuxuuna si gaar ah u tilmamaay in Deegaanada Maamul-goboleedyada dalka ka jira wax loogu qaban doono,maadaama ay ka jiraan baahiyo badan.

Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

27 sano waa marki ugu horreysay ee Wasaarada Maaliyadda ay Maamusho Mashruuc loogu talagalay deegaanada Doowlad goboleedyada Dalka.

GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO FURAY MADDAL LAGU HORUMARINAYO AF SOOMAALIGA

0

Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa waa mid meel sare ka jooga Madaxda Qaranka kuwaas oo si weyn u dhiiro geliya Barnaamijyada looga hadlayo qaabka Horumarinta Afka Soomaaliga.

Barnaamijkan ayaana ka mida kuwa looga hadlayo sidii jiilka soo koraya dhaxal wanaagsan u heli lahaayeen.

Waxaa soo qaban qaabiyey Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga iyada oo kaashaneysa Warbaahinta Qaranka.

Waxaa kasoo qeyb galay Daahfurka Gudoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Warfaafinta, Qubaro dhanka Af-Soomaaliga ah oo kala duwan, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Madaxda Tiyaatarka Qaranka iyo Dhalinyaro ka shaqeeya Hormarinta Luuqada Hooyo.

Xarunta Akadeemiye Goboleedka Af-Hooyo ayaa ku howlan in uusan marnaba hoos u dhac ku iman Af-Soomaaliga Dr Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunta.

“Madaxda Qaranka ayaa howl badan ka qabtay in lasameeyo Xarunta Afka Hooyo taasna waxaa ay noo suurto galisay in wax badan noo qabsoomaan waana waxa Soomaaliya Meel Wanaagsan ku gaari karto Runtii”ayuu yiri Dr Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunt

Jaamacadda Ummadda ayaa kamida Xarumaha qeyb fiican ka qaadanaya Horumarinta Af-Soomaaliga Prof: Maxamed Axmed Jimcaale waa Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

“SYL markii ay jirtay rag ayaa kashaqeynayey Afka Soomaaliga waana xili hore intii Dowladii kacaankana waxaa ay qoreen Afka Hooyo waxaana laga dhaxlay waxa aad hada aragtaan runtii taas muhiimad gaar ah ayey eedahay taas”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dad weynaha ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Ingeer Yariiso) ayaa sheegay in arrintan Muhiimad gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfiinta iyo Guud ahaan Dalka.

“Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Golaha Murtida iyo Madadaalada dhawaan ayaa lagu sameyn doonaa Dayactir waxaana ay qeyb muhiim ah ka qaadan doontaa arrimaha Hormarinta Af-Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Gudoomiyah Aqalk Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Daah furay Madasha waxaana uu sheegay inay haboon tahay in markasta laga Shaqeeyo waxyaabaha fiican.

“Waxaan daah furay Madasha Akadeemiyada Afka Soomaaliga waxaana haboon markasta in aan ka shaqeyno waxyaabaha fiican meelna aan iska dhigno waxyaabaha xun xun”,Ayuu yiri Guddoomiyaha Aqare sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Waxyaabaha la doonayo ayaa ah in la sameeyo kulamo Bille ah ah kuwaas oo dhamaan lagu qabanayo Gobolada Soomaaliya waa mid ka mid ah Qorshayaasha Akadeemiyada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”

0

Muqdisho,December 28, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waxaan rajeynayaa sanadkan 2018 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”

0

Muqdisho,December 28, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

Madaxweynaha Dalka oo xarigga ka jaray Qalabka maamulka Hawada Soomaaliya (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Munaasabadda  ayuu Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socota.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

Waxaa Munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.

.

 

Guddoomiye Thaabit oo Dawooyin gaarsiiyey Xabsiga dhexe ee Xamar

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta deeq dawo ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ka guddoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye gaas Xuseen Xasan Cismaan oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo saraakiil kale.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa deeqda dawada ah ee uu ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaa uu ugu talo galay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, si loogu dabiibo,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sidaasi sheegay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa Maamulka Banaadir uga mahad celiyey deeqda dawada ah ee ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in wax badan ay ka tari doonto adeega dhanka caafimaadka ee Isbitaalka Xabsiga dhexe ee Xamar ka jirta.

Wasaaradda Qorsheynta oo tallaabo hor leh u qaadeysa uruurinta xogaha Qaranka.

0

Wasaaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa bilowdey ballaarinta Xogaha Qaranka.

Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta xogaha Qaranka Qaaradda Africa, munaasabaddii lagu xusayey waxaa ka qeyb-galay wasiirro, iyo saraakiil ka socotay hey’adaha kale ee dowladda.

Hal ku dhigga maalintaan ayaa loo bixiyey Nolol wanaagsan iyo xog dhaqaale oo horumarsan, wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa hal ku dhiggaasi.

Agaasimaha guud Xogaha Qaranka ee Wasaaradda Qorsheynta C/raxmaan Cumar Daahir, ayaa sheegay in xog uruurintu ay u tahay muhiimadda ugu weyn, sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay si dhow ula socdaan isbaddellada maciishadda suuqyada dalka, bil walbana ay warbixin ka soo saari doonaan.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Khaloocoow ayaa yiri “dowladdu waa in ay fahamtaa qorsho la’aan in aanan horumar la gaari karin, sidaa darteedna ay waajib tahay in la horumariyo wasaaradda Qorsheynta qeybaheeda oo dhan.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in sannadka 2018-ka u diyaar garoobbeen horumarinta Dhaqaalaha, Xogaha Qaranka ay ka mid tahay tirakoobka dadweynaha oo doorashooyinka muhiimad gaar ah u leh iyo hirgelinta mashaariic hor leh.

Qalabkii maamulka Hawada Soomaaliya oo la rakibay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garowgii u dambeeyay ugu jirta la soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo maalinta berri la furi doono Xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono maamulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, iyadoo dad loo tababarayo inay ku shaqeeyaan qalabkan.

Munaasabadda lagu daah furayo maamulka hawada ayaa maalinta berri ka dhici doonta magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya inta aanu dhamaan sanadkan.

dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in ay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay Magaalada Nairobi, ayna gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.