Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo billowday dhaqaale uruurin

Date:

Oslo-(SNTV)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa billowday Dhaqaale uruurin loo sameynayo Dadkii ay dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle, gaar ahaan Magalada Beled-weyne.

Kulan ay Jaaliyaddu ku yeelatay Magaalada Oslo ee Caasimadda Dalka Norwey ayaa lagaga dhawaaqay Guddi qaabbilsan gurmadka xaaladda Balad weyne, waxanay guddigan oo kaashanaya Masjidka Towfiiq ee Magaalada Oslo sheegeen in dhaqalaha la uruurinayo loo gaarsiin doono Dadkii loogu tala galay sida ugu habboon uguna dhaqsiyaha badan.

Deeq uruurintan oo imminka ka billaabatay Magaalada Oslo iyo gebi ahaanba Gobollada kale ee Dalka Norway, ayaa waxaa barbar socda wacyi gelinta Culimada si ay Dadka Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan ugu baraarugaan is kaalmaynta, waxaana lagu wadaa in howshani lasoo gabagabeeyo 19-ka Bishan May.

Dr ;Cali Maxamed Saalax, oo ah Imaamka Masjidka weyn ee Soomaalida Oslo, ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norway, isagoo ka codsaday inay caawiyaan walaalahooda ku dhibaataysan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada balad weyne.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...