Xulka Qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada oo ka qay galaya ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Xulkaย  qaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada ayaaย  maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeedaย dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacantaย  Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika (Africa Zone 5 International Handball Federation (IHF) Challenge Trophy 2018.

Xulka ย Somaliaย  qaybta 20-jirada ย ย waxaa ku wehliya ย ย Wadamada ย Kenya, Burundi, Uganda, Sudan, Tanzania , Ethiopia iyoย  Rwanda Halka Daโ€™yarta ayย ย  kasoo ka qayb galayaanย  dalalka, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania, Uganda , Sudan iyo Burundi.

Xulka 20-jirada waxaa ย ย Group- B ย ย kula jira Wadamada Burundi, Uganda iyo Rwanda, waxayna kulanka koowaadย  14 May la ciyaari doonaanย  dalka Burundi.

Xulka 18-jirada ย Soomaaliya ayaa dhankooda waxay isku Group yihiin dalalkaย  Kenya, Ethiopia iyo Tanzania, waxayna kulankooda koowaad la ciyaari doonaan wadankaย  Kenya waxuuna dhici dici doona isla 14-ka ย May.

Tartankan oo ay wadamada soonka Shannaad ( Zone 5 ) ee geeska Afrikaย  kuย  loolamayaanย  waxuu wadankii ku guulaystaย ย ย  kulanย  fiinaal ย ah la qaadan doonaa dalkii soo hantiya koobka wadamada Maqribka, waxaanaย ย  dalkii adkaada uu ka qayb gali doona ciyaaraha kubadda Gacanta Adduunka.

Ciyaartoyda Xulka qaranka ayaa diyaar garow ku jiray saddaxdii bil ee lasoo dhaafay, waxaana gacan taageero buuxdoย  oo dhanka kastaย  ka caawina yay Bankigaย Premierย  Bank oo ah Bangi markastaย  ka qayb qaata horumarinta isboortiga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale