Ciidanka Xoogga Dalka oo Alshabaab kala wareegay deegaanka Moqo-kori

Date:

Hiiraan(SNTV)- Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal military kula wareegeen deegaanka Moqo-kori ee gobolkaasi,halkaasi oo dadku ay ku dhibaateyn jireen Maleeshiyada Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaankaasi Moqo-kori oo khayaas ahaantii 40 KM u jira degmada Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan,iyagoo qasaarooyin gaarsiiyay maleeshiyaadkii Shabaab ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi oo lahadlay Saraakiisha Ciidankaas howlgalka fuliyay ayaa waxay u sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka ay Alshabaab ka qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal oo halkaasi ay ku haysteen,kadib markii ay maleeshiyaadkii Shabaab isaga carareen halkaasi.

Howlgal kan lamid ah oo dhawaan lagu qaaday isla deegaankaasi ayaa Shabaab loogu qeystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac,iyadoo sidoo kale laga soo furtay hub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....