Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire David Concar, waxaana ay ka wada hadleyn qodobo badan oo ay ka mid aheyd siddii dawladda Britain ay u kordhin laheyd taageerada iyo tababarka Ciidan ee ay siiso Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, ayaa sheegay in dawladdiisa diyaar ay u tahay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka caawiso taageerada iyo tababarada Ciidanka, ayna si wanaagsan ula shaqeyn doonaan Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa uga mahad celiyey  Boqortooyada Ingiriiska sida mar walbo ay u garab taagan tahay Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...